Markab Turkiga uu leeyahay oo sacado badan taagnaa xeeb ay maamusho Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Nordic
Guddiga khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee u xilsaaran dabagalka hubka sharci darrada ah ayaa sheegay in ay baarayaan markab laga leeyahay dalka Turkiga oo Bishii August 2021-ka ku soo xirtay qeyb ka mid ah xeebaha Soomaaliya oo uu maamulo ururka Al-Shabaab bishii Ogosto 2021-kii.
Markabka Anatolian ee ay maamusho shirkadda Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret uu fadhigeedu yahay Istanbul uu taagnaa ilaa iyo 24 saacadood meel u jirta wax k ayar 1,000 mitir xeebaha Soomaaliya ee aagga ay maamusho al-Shabaab, sida uu tilmaamayo nidaamka lagula socda markabka ee AIS.
"Aagga uu markabkaasi ku soo xirtay ciidamada ammaanka dowladda federaalka kormeer joogta ah kuma sameeyaan aaggaasi oo lagu sheegay Ali Gaudud oo ku beegan (3°10'42″N, 46°26'9″E), ayey khubarada qaramada midoobay sheegeen.
Waxaa arrintaa ka dhalatay shaki ah Markabka uu Turkiga leeyahay sababta uu ugu soo xirtay xeeb ay Al-shabaab maamusho taasoo ka dhalatay shaki ah markabkaasi inuu hub ama qalab kale uu ururka al-Shabaab u geeyey.
Shirkadda iska leh markabkaasi ayaa sheegay inay weerar kula kulmeen xeebaha Soomaaliay 13-kii August 2021, islamarkaana lagu soo rogay qorayga sabanka ama RPG iyo rasaas yaryar, sida laga soo xigtay kabtanka markabka.
Baarayaasha QM oo aan ku qancin hadalka ka so yeeray shirkadda markabkaasi iska leh waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, ayaga oo ka dalbaday caddeymo ku saabsan sababta markabka ugu xirtay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Al-Shabaab iyo xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka ay sheegeen in lagu qaaday.
Shirkadda markabka iska leh kama uusan jawaabin codsiga ka soo gaaray qaramada midoobay xilligi ay warbixinta markabkaasi ku sabsan bishii Oktober 6, 2021 golaha ammaanka loo soo bandhigayey. Baaritaanka QM ayaa muujinaya in markabka uu ka tegay Fethiye oo ka tirsan gobolka ku yaalla Koonfurta Turkey ee Antalya, islamarkaana ku nagaaday xeebta aaggan ay maamusho Al-Shabaab 12-kii illaa 13-kii August.
Sida ku cad xogta diiwaan-ka, markabka ayaa waxaa leh qoyska ninka ganacsade Turkish ah oo lagu magacaabo Erdal Tümsek.
Arrinta kale ee shakiga weyn dhalisay ayaa ah in markabka ay horey u laheyd hay'ad Turkish oo lagu magacaabo IHH, oo hadda kahor lala xiriiriyey ururuka Al-Qacida, taasi oo iska iibisay 2018.
Waxaa sidoo kale marar badan soo baxay caddeymo muujinaya in IHH ay taageero siisay kooxaha Daacish iyo Al-Qacida ee Iraq iyo Syria.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Janaayo 2014, dacwad-oogaha Turkey ayaa dacwaddii ugu horeysay ka xareeyey hay'adda IHH kadib markii baaritaan ay sameeyeen booliska lagu ogaaday inay hub u dusisay jihaadiyiin Al-Qacida ah oo ku sugan Syria.
Warbixinta o aan ka soo xigannay warbahin caalami ah ayaa sheegaya Shirkadda markabka leh ayaa bishii Febraayo 2019 codsatay in laga badbaadiyo inay musalafto, taasi oo ay maxkamad ogolaatay. Inkasta oo dhowr mar loo dheereeyey badbaadadaas, haddana ugu dambeyn shirkadda ayaa musalaftay 15-kii September 2021, sida ku cad go'aan kasoo baxay maxkamad ganacsi oo ku taalla Istanbul.
Arrinta kale ee khubarada qaramada midoobay shakiga weyn sii gelisay waxay tahay sanduuqa samafalka iyo xuquuqda aadanaha ee Turkiga ee xiriirka la leh al-Qaacida iney markab noocaan ah leedahay ka hor inta aan shirkadda Koza laga iibin 2018-kii.
Waxaa sidoo kale marar badan soo baxay caddeymo muujinaya in IHH ay taageero siisay kooxaha Daacish iyo Al-Qacida ee Iraq iyo Syria.
Bishii Janaayo 2014, dacwad-oogaha Turkey ayaa dacwaddii ugu horeysay ka xareeyey hay'adda IHH kadib markii baaritaan ay sameeyeen booliska lagu ogaaday inay hub u dusisay jihaadiyiin Al-Qacida ah oo ku sugan Syria.
Caddeymo sanada badan la uruurinayey waxay muujinayaa IHH iney taageero dhinaca tasjiilaatka ah iney siineysay kooxa islaamiyiin ah oo ay ka mid yihiin al-Qaacida iyo Ururka IS ee ka dhaqdhaqaaqa Ciraaq iyo Suuriya.
Dacwad ka dhan ah IHH waxaa marki ugu horreysay dambi baadhe Turkiga u dhashay uu gudbiyey 2014-tii kaddib marki ay boolisku sheegeen IHH iney hub sharci darra ah gaarsiisay kooxaha gacan saarka la leh al_Qaacida ee Suuriya ka dagaallamo.
Sawirka ugu wanagsan ee shaqada qarsoon ee IHH waxa bixiyay khabiir sare oo ka tirsan la dagaallanka argagixisanimada kaas oo howlahaasi tobanaan sano ka shaqaynayay arrimaha kooxaha jihaad doonka ah.
16-kii Ogosto 2016 Ali Fuat Yilmazer, oo ahaa madaxii hore ee qaybta sirdoonka booliska oo ku takhasusay kooxaha diiniga ah ee xagjirka ah, ayaa ka marag kacay "Ololaha IHH waxaa loogu talagalay in lagu bixiyo gargaarka mujaahidiinta ku howlan argagixisada aduunka oo dhan iyo bixinta gargaar caafimaad." maalgelinta, saadka iyo agabka dadka ee mujaahidiinta".
Yılmazer waxa uu intaa ku daray in uu shakhsi ahaan u gudbiyay warbixino faahfaahsan oo ku saabsan xidhiidhka argagixisanimo ee IHH ay la lahayd Edogan markii uu ahaa ra'iisal wasaaraha. "Sidoo kale waxaan Ra'iisul Wasaaraha u gudbiyay warbixinno dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan arrintan xilligaas, warbixinnadan waxaa sidoo kale lagu xareeyay kaydka dowladda Turkiga, IHH waxay ka mid tahay ururrada hormuudka ka ah marka ay timaaddo Al-shabaab iyo Dhaqdhaqaaqyada al-Qaacidada ee adduunka," ayuu ka yiri maxkamadda.
Xidhiidhka IHH ay la leedahay ISIS ayaa lagu caddeeyey kiis kale oo maxkamadeed. Sida laga soo xigtay haweeney Turki ah oo lagu magacaabo Merve Dündar, oo ah xaaska dagaalyahanka ISIS ee Mahmut Gazi Dündar, oo labadoodaba lagu daray liiska dadka looga shakisan yahay ismiidaaminta ISIS, laguna daray liiska dadka la socda, IHH ayaa sahayda u gudbin jirtay dadka ku nool dhulka ay maamusho ISIS.
Nordic Monitor ayaa horay u sheegtay in IHH ay sidoo kale hub u dirtay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan Liibiya, iyagoo isticmaalayey markab si ay u gaarsiiyaan gargaar bini'aadannimo.
Dhibaatooyinkii uu la kulmay markabka markii uu hubka soo qadayna waxaa ka mid ah iney diblumaasiyiinta Turkiga ah ay ku xayireen dalka Liibiya.
Xog taa la mid ahna oo ku saabsan IHH 2016-kii waxaa shaaca ka qaaday Ruushka. Sida ku cad dukumentiyada sirta ah ee loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 10-kii Febraayo 2016-kii.
Wakiilka Joogtdaa ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vitaly Churkin, ayaa shaaca ka qaaday dukumentiyada sirdoonka Ruushka xitaa waxay diyaarisay nambarada baabuurta xamuulka ah ee ay IHH u dirtay Suuriya oo ay ku raran yihiin hub iyo sahay u socday kooxaha jihaad doonka ah oo ay ka mid tahay Jabhadda Nuseyriyada.
Turkiga maxaa ka dhigay al-Shabaab?
9-kii sano ee ugu dambeysay dowladda Turkiga waxay galaangal toos ah ku lahayd Soomaaliya, waxayna dowladihii is xig-xigay la wadaageysay xiriir iskaashi, mid dhaqaale iyo mid dhinaca taageerada ah.
Horay Al-Shabaab waxay u sheegtay inay la dagaallameyso dalalka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay tahay markii ugu horreysay oo ay ku dhawaaqeen cadaawadda ay u qabaan Turkiga.
Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da uga warramay waxyaabaha sababta u noqon kara in Al-Shabaab ay weerar la beegsato muwaadiniinta Turkiga.

Wuxuu saheegay in sababaha ugu waaweyn ay ka mid tahay Turkiga oo xoojiyay cududda milatari ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira xoogagga Al-Shabaab.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in Ankara ay ku guuleysaneyso taageerada Soomaalida.
"Turkiga wuxuu noqday dowlad xiriir adag la leh Dowladda Soomaaliya, oo u muuqata mid soo kabaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, halka Al-Shabaab ay istiraatiijiyaddeedu tahay inay burburiso dowladda, oo ay ka hor joogsato in waddooyinka loo dhiso, waxayna doonayaan in Turkigu aysan xoojinin dowladda Soomaaliya, sababtoo ah sannadihii ugu dambeeyay waxaa muuqata in Turkiga uu kaalin cad ku leeyahay Soomaaliya uuna kasbaday quluubta iyo caqliga shacabka Soomaalida, waana midda keeneysa in Al-Shabaab ay ka hortagaan", ayuu yiri.
"Marka laga soo tago dhinaca Ciidamada, Turkiga wuxuu dhisay waddooyinka waaweyn, garoonka diyaaradaha iyo dekedda, taasina ma aha mid Al-Shabaab raalli ka tahay", ayuu yiri Cabdiraxmaan.











