Rayan: 8 Dhacdo oo la mid ah tii wiilka reer Morocco oo adduunka gilgilay sanadihii dambe

Shaqaalaha gurmadka oo dul taagan godbkii uu ku dhacay Rayan oo ku yaalla duleedka magaalada Chefchaouen

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka oo dul taagan godbkii uu ku dhacay Rayan oo ku yaalla duleedka magaalada Chefchaouen

Habeennimadii Sabtida, shaqaalaha gurmadka ee dalka Morocco ayaa soo saaray meydka cunug yar oo shan maalmood ka hor ku dhacay ceel aad u qota dheer oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee waddankaas.

Waxaa guul darreystay isku day aan dadaalkiisa loo kala harin oo la doonayay in wiilka yar isagoo nool lagu soo bixiyo.

Rayan Saalim, oo shan jir ahaa, waxa uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelka oo qodan 30 mitir, ka hor inta uusan ku dhicin.

Warka ku saabsan geerida Rayan waxa uu lama filaan ku noqday dadka isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan dalalka Carabta, kuwaasoo arrintiisa si dhow ula socday horumarka laga sameeyay howlgalka badbaadinta, rajona ka qabay inuu noolaan doono..

Waxaa laga yaabaa in qaabka uu ceelka u sameysan yahay iyo cunugga yar ee aan waxba kala ogeyn ee ku jiray mugdiga ay sabab u ahaayeen inay dad badan quluubtooda gilgilato.

Inkastoo dhacdooyinka noocan ah ay dhif yihiin, BBC-du waxay tabisay ilaa siddeed jeer oo aysan markan ku jirin oo arrin noocan ah ay ka dhacdo caalamka, sanadihii lasoo dhaafay gudahooda.

Aljeeriya

Bishii December ee sanadkii 2018-kii, dalka Aljeeriya, nin dhallin yaro ah oo soddonka sano ku dhex jira, laguna magacaabo Ayash ayaa ku dhacay ceel waa hore la qoday, kaasoo hoos u qodnaa 100 mitir, ballaciisuna uusan ka badneyn 35 sintimitir oo ah ku dhawaad labo taako oo lagu xisaabo gacanta qofka caadiga ah.

Ayash waxa uu ceelkaas ku xayirnaa muddo afar maalmood ah, maalintii ugu horreysayna cid ogaatay inuu halkaas ku dhacay ma jirin. Maalintii labaad ayuu qeyladiisa maqlay cunug yar.

Si la mid ah qaabkii loo fuliyay howlgalka loogu gurmaday wiilka reer Morocco ee la oran jiray Rayan, ayay shaqaalaha difaaca rayidka ee dalka Aljeeriya u billaabeen inay god ka qodaan ceelka, ilaa inta ay ka aareen meesha uu ku xannibnaa Ayash, oo aan halkaas kusii noolaan karin wax ka badan afar maalmood.

Howsha qodista godka ayaa qaadatay sagaal maalmood, ugu dambeynna shaqaalaha gurmadka waxa ay u tageen meydkiisa.

Qisada Ayash qudheeda waxay noqotay mid ay si weyn uga naxaan dadweynaha isticmaala baraha bulshada.

Thailand

Carruur iyo tababarahooda ayaa ku xayirmay god kaddib markii ay da'een roobab culus oo xiray meesha laga galo godka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Carruur iyo tababarahooda ayaa ku xayirmay god kaddib markii ay da'een roobab culus oo xiray meesha laga galo godka

Bishii July ee isla sanadkii 2018-kii, dalka Thailand, dad badan oo dunida qaybaheeda kala duwan ku nool ayaa wadnaha farta ku hayay xilli ay daawanayeen howlgalka gurmadka ee loo sameynayay 12 carruur ah oo ka tirsanaa koox kubadda cagta ciyaarta, kuwaasoo ku xayirmay meel god ah, waxaana la joogay tababarahooda.

Kooxdan waxay soo indha indheynayeen godka oo ah meelaha loo dalxiiska tago, balse roob xoog leh oo da'ay ayaa durbadiiba xiray meelihii laga bixi lahaa iyo kuwii laga soo gali lahaa labadaba.

Halkaas waxay ku xayirnaayeen muddo 17 maalmood ah.

90 naaquude oo isugu jiray 40 u dhalatay dalka Thailand iyo inta kale oo kasoo kala jeeday waddamo kale ayaa ka qayb qaatay howlgalka gurmadka.

Indonesia

Bishii July ee sanadkii 2020-kii, Jasiiradda Bali ee dalka Indonesia, nin dhallinyaro ah oo u dhashay Britain, laguna magacaabo Jacob Roberts, ayaa ku dhacay ceel xilli uu ka baxsanayay ey eryanayay.

Dhirirka ceelkan wuxuu ahaa afar mitir, balse Roberts ayay lugta ka jabtay markii uu ku dhacay godka, sidaas awgeedna ma uusan kasoo bixi karin halkaas oo uu ku xayirnaa muddo lix maalmood ah.

Ninkan oo 29 jr ahaa markaas ayaa isticmaalay biyo yar oo uu ka helay ceelka salkiisa, kuwaasoo uu ku noolaa muddadaas.

Si nasiib ah ayay lo' ku timid meel u dhow ceelka si ay caws uga daaqdo, ninkii lahaa ayaana halkaas yimid isagoo raadsanaya neefka. Roberts ayaa marka uu shanqarta maqlay qeyliyay ilaa inta uu ninkii xoolo dhaqatada ka maqlay, durbadiina waa la badbaadiyay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa geedo lugta uga xiray ka hor inta aan loo qaadin isbitaalka.

Biyo yar oo uu ku heystay ceelka ayaa Roberts ka caawiyay inuu noolaado

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Biyo yar oo uu ku heystay ceelka ayaa Roberts ka caawiyay inuu noolaado

Chile

Bishii October ee sanadkii 2010-kii, howlgal gurmad ah oo aad u ballaadhan ayaa si guul ah loogu soo badbaadiyay 33 macdan qode oo u dhashay dalka Chile, kuwaasoo muddo 69 maalmood ah ku xayirnaa god dhulka hoostiisa ah oo ku dumay, oo ku yaalla magaalada San Jose.

Toddobo maalmood kaddib markii uu godka dumay, Wasiirka Macdanta ee dalka Chile ayaa sheegay in fursadda macdan qodeyaasha iyagoo nool lagu soo bixin karo ay "aad u yareyd".

Balse cadaadiska ka imaanayay dadka dhoobnaa meesha uu godka ku dumay awgiis, shaqaalaha gurmadka ayaa sii waday dadaalkooda. Qodista oo socota ayaa mar qura la arkay warqad ay ku qoran tahay oraah markii dmabe caan noqotay oo dhaheysa, "Waan fiican nahay, dhammaan 33-deennaba waxaan ku jirnaa hoy" dhulka hoostiisa.

Howlgalka godka lagu qodayay wuxuu socday 33 maalmood

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Howlgalka godka lagu qodayay wuxuu socday 33 maalmood

Kooxda gurmadka ayaa markii dambe mid mid usoo bixisay shaqaalaha macdan qodeyaasha ee godka uu ku dumay.

Scotland

Bishii July ee sanadkii 2018-kii, kooxda gurmadka ee ku sugan dhulka sare u kacsan ee Scotland ayaa soo bixiyay wiil 9 jir ah oo dhaawacmay kaddib markii uu god ku dhacay xilli uu la socday koox dal barasho u aadday meel laag ah.

Kooxda gurmadka ayaa howlgalkan u adeegsaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebta. Aad bay u adkeyd in la gaaro meeshaas maadaama uusan jirin boos u bannaan meel diyaarad la dhigo.

Shiinaha

Bishii January ee sanadkii 2016-kii, shaqaalaha gurmadka ee ku sugan gobolka Shangdong ee bariga Shiinaha ayaa afar ruux oo kaliya ka badbaadiyay 17 macdan qode oo 36 maalmood ku xayirnaa god dhulka hoostiisa ah oo ku dumay.

Agaasimaha guud ee shirkadda macdanta qodda ee shaqadaas wadday ayaa is dilay dhowr maalmood kaddib musiibada.

In ka badan 400 oo ruux ayaa ka qayb qaatay howlgalka gurmadka.

Shiinaha

Bishii May ee sanadkii 2016-kii,sidoo kale isla waddanka Shiinaha, howl wadeennada gurmadka ayay u suurtagashay inay badbaadiyaan cunug ku dhacay god gaaban oo lix mitir ah.

Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka ayaa madaxa gishtay godka halka ay saaxiibbadiis ka hayeen lugaha, isagoo ku guuleystay inuu cunugga yar gacmihiisa kusoo qabto kaddibna ay labadooda soo jiideen shaqaalihii kale. Durbadiiba cunugga ayaa loola cararay isbitaal lagu dabiibo.

Howlgalkan gurmadka ah waxa uu qaatay 15 ilbiriqsi oo keliya.

Mareykanka

Kooxda gurmadka ayaa shaqada joojiyay kaddib markii ay ka baqeen inuu guriga dumo
Qoraalka sawirka, Kooxda gurmadka ayaa shaqada joojiyay kaddib markii ay ka baqeen inuu guriga dumo

Bishii March ee sanadkii 2013-kii, gobolka Florida ee dalka Mareykanka, nin ku jira da'da soddonka, oo lagu magacaabo Jeffrey Bush, ayaa la waayay isagoo sariirtiisa jiifa kaddib markii uu laqay god lix mitir ah. Dhacdadaas waxaa sababay dhulka oo go'ay.

Dhulka oo sii dumayay iyo godka oo ballac ahaan u ballaartay ilaa 30 mitir ayaa adkeeyay in la gaaro Bush, sidaasna waxaa lagu joojiyay howlgalka gurmadka.