Dubai : Dowladda Imaaraatka oo u maqsuudday raaligalintii RW Rooble

Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Maxamed Xuseen Rooble

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Maxamed Xuseen Rooble

Dowladda imaaradka Carabta ayaa soo dhaweysay raaligalintii uu bixiyay rai'sul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya,

Bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay muujinayso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya.

"Imaaaraadka waxay soo dhaweynayaan raaligalintii uu bixiyay rai'sul wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanayd dhacdadii bishii April 2018," ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2018-kii la wareegtay lacag dhan $9.5 milyan oo doolar oo ay lahayd dowladda Imaaraatka, taas oo dhalisay khilaaf dublamaasiyadeed oo xoog leh.

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in lacagtii lagu qabtay garoonka magaalada Muqdisho ay ahayd hanti loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

"Hantidii lagu qabtay garoonka waxay ahayd gargaar ka yimid dowladda Imaaraadka laguna taageerayay shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka, ayaa sheegtay in hindisaha Mudane Rooble uu ka tarjumayo xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Imaaraadka ayaa ku soo beegmaya xilli rai'sul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu booqasho rasmi ah ku joogo dalkaasi.

Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Maxamed Xuseen Rooble

Xigashada Sawirka, OPM

Qoraalka sawirka, Sheikh Maxamed Bin Zaayid iyo Maxamed Xuseen Rooble

Raaligalintii Rooble

7-dii bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii uu rai'sul wasaaraha Soomaaliya uu raaligalin siiyay dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray in lacagta loo celin doono dowladdii lahayd.

"Waxaan rabaa inaan halkan sidoo kale ka caddeeyo madmadowgii soo kala dhex galay labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka bilowday dhacdadii bishii April ee 2018 ee halkan garoonka ka dhacday waxaan rabaa inaan u muujiyo inaan ka xunahay waana ka raaligalinaynaa walaalaheen," ayuu yiri Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

"Waxaan rabaa sidoo kale inaan u cadeeyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta inaan u hayno lacagtoodii xilligaas laga qabtay, waxaan u sheegayaan xukuumad ahaan inaan diyaar u nahay inay qaadan karaan xilli kastooo ay diyaar u yihiin," ayuu yiri Mudane Rooble.

Madaxwayne Farmaajo iyo rai'sul wasaare Rooble

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Madaxwayne Farmaajo iyo rai'sul wasaare Rooble

Jawaabtii madaxtooyada

Raaligalintii uu bixiyay rai'sul wasaare Rooble ka dib ayaa waxaa arrintan ka soo horjeedasaday madaxtooyada Soomalaiya.

Qoraal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo soo saaray 8 bishii Janaayo ayaa waxaa uu ku amray gudoomiyaha bangiga dhexe in aanan qasnadda dowladda laga bixin lacag ay hay'adaha amnigu sanadkii 2018-kii ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in lacagtan "dalka ku soo gashay hab aan waafaqsaneyn hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyo shuruucda caalamiga ah ee isku gudbinta lacagaha, taasi oo taabaneysa amniga qaranka iyo xasilloonida dhaqaale ee dalka,".

"Waxaan mamnuuc ah in go'aan uu hal mas'uul gaaray lagu bixiyo lacagtaasi iyadoo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka," ayaa lagu yiri bayaanka madaxwaynaha.

Dhanka kale guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa amray in aan la bixin karin lacagta dowladda Imaraadka looga qabtay garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho. Hadalka guddoomiyaha ayaa ku beegmay maalin ka hor inta uusan Ra'isulwasaaraha u safrin Dubai.

Sharciga Caalamiga ah iyo Lacagta Imaaraatka

Sida uu qabo Mudane Showqi Xayir oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, Heshiiska Caalamiga ah ee Viena ee xiriirka dublamaasiyadeed ee la saxiixay 1961-dii, qodobkii 27-aad wuxuu ka hadlayaa Qandiga Dublamaasiyadeed.

Mudane Shoowqi Xayir , aqoonyahan iyo falanqeeye siyaasadeed

Xigashada Sawirka, Shoowqi Xayir

Qoraalka sawirka, Mudane Shoowqi Xayir , aqoonyahan iyo falanqeeye siyaasadeed

"Qodobkaasi ka hadlaya boorsada dublamaasiyadeed waxa uu si toos ah u caddeynayaa in waxa keliya ee boorsadaas lagu qaadi karo ay yihiin waraaqo iyo dukumendiyo , ujeedkuna wuxuu ahaa in maadaamaa xiligaasi uusan jirin xiriirka isgaarsiinta danabaysan in safaaradaha ay si xor ah oo aan farogalin lahayn waraaqaha iyo xogta ugu gudbin karaan wasaaradooda arrimaha dibedda" ayuu yiri Showqi.

Waxaa la sheegay in lacagtii Imaaraatka ee Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay ay ku jirtay qandiga dublamaasiyadeed, kaas oo uu heshiiska Viena qabo in aanan la furi karin, lana baari karin.

Hase yeeshee Shoowqi waxa uu qabaa in ay jirtay sabab macquul ah oo ay dowladda uga shakisay in waxa qandiga ku jiraaye aysan waraaqo ahayn, markii la fureyna laga heley lacag badan.

"Sharciga caalamiga ah waxa uu qabaa in maxkamadaha iyo sharciga dal aanan la marsiin karin hanti ay dowlad kale leedahay, keliya waxaa u furan in ay hayn karaan lacagtaasi intii sano ee la doono illaa inta ay labada dowladood ka gaarayaan is afgarad rasmi ag" ayuu intaasi kusii daray Shoowqi.

Wuxuuse dhib ka arkaa in dowladda ku kala qeybsantahay arrinta lacagta, muhiimna ay tahay in dowladda ay go'aan mideysan ka gaarto arrinta lacagta, inta taasi ka horeysana ay adagtahay sidii lacagtaasi hal dhinac uu ku wareejiyo Imaaraatka.

Waxa kale oo uu Shoowqi u arkaa in ay quruxsanayd in looga dambeeyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, iyadana la macaamisho kiiska lacagta si la mid ah sida Imaaraatkaba yeeleen marka ay hadda ka hadleen arrinta lacagta.