Soomaaliya: Muxuu xiriirka Farmaajo iyo Rooble durbaba sidan ugu xumaaday?

Xigashada Sawirka, VS
Maadaama muddo dheer ay jireen kooxo Islaamiyiin ah oo dowladda kasoo hor jeeda, doorashadii la filayayna ay dib u dhacday muddo dhowr bilood ah, Soomaaliya wax cusub kuma aha xasilooni darrada, balse waddanka ayaa hadda wajahaya inay dib u soo cusboonaadaan rabshado kaddib markii uu sii xoogeystay khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Haddaba maxaa keenay in uu si deg deg ah u sii xumaado ismaandhaafka u dhaxeeya Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa kale oo aan eegi doonnaa dhinaca kale waxa hor yaalla waddankan:
Xiriirkooda mar walba ma liitay?
Jawaabtu waa maya. Rooble oo aan siyaasadda Soomaaliya markii hore laga aqoonin waxaa la bartay islamarkii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha, bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay.
Inta uusan siyaasadda soo galin waxa uu ahaa nin cilmiga injineernimada rayidka kusoo bartay dalka Sweden kuna shaqeeya.

Xigashada Sawirka, VS
Kaddib markii uu madaxweynaha muddo kororsiga sameystay bishii April, iyadoo aysan doorasho dhicin, waxaa dhacay qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa ee ay Soomaaliya soo mara muddo sannado ah.
Wuxuu u jeestay dhinaca Rooble oo ka codsaday inuu ka caawiyo dajinta xiisadda iyo qabanqaabinta doorashada.
Maxaa khaldamay?
Maadaama uu Rooble magaciisa kor u kacay, wuxuu billaabay inuu dhowr arrimood uga soo horjeesto Farmaajo, taasoo sababtay in madaxweynaha uu caroodo, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee AFP.
Bishii lasoo dhaafay waxa uu booqday Kenya, isagoo muujiyay inuu daggan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan, balse safarkaas wuxuu yimid maalmo kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayay in wax heshiisyo ah lala galo dowlado shisheeye, ilaa inta ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Xigashada Sawirka, VS
Kaddib Rooble waxa uu haddana u jeestay Hay'adda Soomaaliya awoodda badan ku leh ee Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), taasoo uu isbuucii lasoo dhaafay ku dhaliilay qaabka ay u maareysay baaritaan heer sare ahaa oo ku saabsanaa gabar 25 jir ahayd oo ka tirsaneyd hay'addaas, oo lagu magacaabo Ikraan Tahliil Faarax, taasoo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Caro badan ayaa ka dhalatay arrinta ku saabsan waayitaanka Ikraan, waxaana si weyn hadalheynteeda ay u qabsatay Baraha Bulshada.
Qoyska gabadhaas ayaa hay'adda NISA ku eedeeyay inay dileen Ikraan -- fikraddaas oo ay ku raaceen dad badan oo Soomaali ah, oo sheegayay inay caddaalad u baahan tahay.
Markii uu Rooble shaqada ka eryay agaasimaha hay'addaas, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir - oo la sheego inuu saaxiib dhow la yahay Farmaajo - falcelinta madaxweynuhu waxay ahayd inuu markii hore xilkiisa ku celiyay, kaddibna uu u dallacsiiyay jago taas ka sarreysa oo ah la taliyaha amniga qaranka.
Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu tallaabadaas uga jawaabay inuu madaxweynaha ku eedeeyay "hor istaagidda" baaritaanka, isagoo arrintaasna ku tilmaamay "mid khatar ku ah hannaanka dowladnimada".
Xagee bay xaaladdu mareysaa hadda?
Inkastoo ay daggan tahay xaaladda Muqdisho, waxaa taagan xiisad iyo cabsi soo wajahday dadweynaha.
Cutubyo ka tirsan militariga oo xiriir dhow la leh xafiiska madaxweynaha ayaa Arbacadii la arkayay iyagoo fariisimo ka sameystay bannaanka hore ee xarunta NISA.
Dagaal siyaasadeed ayaa sidoo kale ka socda dowladda dhexdeeda, waxaana uu sarkaal ka tirsan NISA u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in saraakiisha ay u muuqdaan inay la kala safanayaan dhinacyada is haya.

Xigashada Sawirka, SNTV
Gelinkii hore ee shalay, xarunta NISA waxaa ku shiray qaar ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ee talisyada ciidamada Soomaaliya.
Kulankaas, oo la sheegay inuu ahaa isxog wareysi, waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Farey, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Qoroole iyo taliye xigeenada kala duwan.
Mid ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in wariyeyaasha ka howl gala warbaahinta dowladda lagu amray inaysan soo gudbinin farriimaha madaxweyne Farmaajo.
Habeennimadii Arbacada ayay xaaladda kasii dartay markii uu Ra'iisul Wasaare Rooble shaqada ka eryay Wasiirkii Amniga Gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale, kaasoo uu ku baddalay nin dhaleeceyn jiray hannaanka maamul ee Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa durbadiiba kasoo horjeestay xil ka qaadista wasiirka, waxaana uu Rooble ku eedeeyay inuu dalka ku riixayo "dagaal cusub".
Maxaa hor yaalla Soomaaliya?
Dad badan waxay ka cabsi qabaan in arrimahan ay halis galinayaan doorashada oo markii horeba aad ku taagneyd cago adag.
Wajiga labaad ee doorashada, oo ku dhisan codeyn dadban, ayaa la filayaa in lagu soo doorto xubnaha Golaha Shacabka inta u dhaxeysa 1-da bisha October ilaa 25-ka bisha November.

Xigashada Sawirka, SNtv
Laakiin ma cadda xilliga ay baarlamaanka soo dooran doonaan madaxweyne.
"Haddii khilaafkan aan loo xallinin si nabad ah, waxa uu sii adkeyn doonaa dagaal kasta oo siyaasadeed oo ka socda Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada, taasoo dib usii dhici doonta haddii arimahan la joojin waayo," ayuu AFP ku yiri Abdiqani Cumar, oo horay dowladda Soomaaliya uga soo qabtay xil sare.
Roble waxa uu horayba Farmaajo ugu eedeeyay inuu dib uga ceshanayo "mas'uuliyadihii doorashada iyo amniga" ee isaga loo igmaday goor sii horreysay oo sanadkan gudihiisa ah.
Maxay muhiim u tahay in khilaafka la xaliyo?
Iyadoo al-shababaab ay gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ka mid ah waddanka, Soomaaliya tabar uma heyso inay lugaha la gasho xiisado siyaasadeed oo faraha ka baxa.
Khuburada ka faaloota arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in hay'adda Sirdoonka Soomaaliya waxay aasaas u tahay dagaalka ka dhanka ah ururrada gacan saarka la leh al-Qaacida, kuwaasoo si deg deg ah uga faa'iideysan kara daciifnimo kasta oo imaata.

Xigashada Sawirka, AFP
Kooxda Al-shabaab durbaba waxay soo dhex gashay murankan waxayna si aan horay looga baranin u beenisay war kasoo baxay NISA oo lagu sheegayay in Ikraan ay dileen kooxdaas.
Beesha Caalamka ayaa walaac muujisay, waxaana Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Amisom, Mareykanka, Midowga Yurub iyo IGAD ay dhammaantood ku baaqeen in hoggaamiyeyaasha is haya ay mudnaanta siiyaan danta dalka.
Toban sano kaddib kooxda xiriirka la leh al-Qaacida laga saaray magaalada Muqdisho, dowladdu waxay maamushaa dhul kooban, iyadoo waliba caawinaad ka heysata ilaa 20,000 oo askari oo ka socda AMISOM.
"Bishii April waxaan aragnay sida ay Muqdisho deg deg saldhig ugu noqotay ciidamo taageersanaa xubnaha mucaaradka kaddib markii uu xoogeystay khilaafkii siyaasadeed," ayuu yiri Cumar Maxamuud oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay'adda Xasaradaha Caalamiga ah (ICG).
"Inkastoo ay ku xiran sida ay xaaladdu noqoto maalmaha soo socda, haddana waxaa laga yaabaa in marxaladdii mid la mid ah la galo."










