Maxay tahay arrinta lala yaaban yahay ee ku saabsan laadarkan Hindiga ah?

Xigashada Sawirka, Danny Denzongpa
Warbaahinta iyo baraha bulshada ee dalka Hindiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah looga hadal hayay muuqaalka jir ahaaneed ee jilaaga xiddigga ah ee shirkadda Bollywood-ka, Danny Denzongpa.
Waxay sheekadan ka billaabatay markii Ranjeet Bedi oo isagana ka mid ah jilayaasha rugcaddaaga ah uu bartiisa Instagram-ka soo geliyay muuqaal ay kula jiraan xiddigo uu ka mid yahay Danny.
Balse taageerayaasha arkay muuqaalka ayaa si weyn ula yaabay sida uu Danny oo hadda ay da'diisu tahay 73 sano uu weli jirkiisa u dhisan yahay, uguna muuqdo qof dhallinyaro ah.
Waxaa kale oo muuqaalkaas qayb ka ahaa jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Akbar Khan.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times
Muuqaalka ayaa ku billowday Danny oo isku dayaya inuu ka cudur daarto wada sheekeysiga. Waxa uu isku dayay inuu istaago, isagoo dhahaya, "Waxaan soo qaadanayaa cabitaan."
Balse Akbar ayaa celiyay, gabadh uu dhalay Ranjeet oo kaamirada gadaasheeda taagneydna waxay weydiisay: "Cashirro aan dhammaad lahayn baad carruurtiina siiseen rag yohow."
Akbar oo kasoo dhex galay hadalka ayaa markaas kaddib ammaanay sida uu Danny wali u ilaaliyay qaab dhismeedka jirkiisa, xilli la filayay in ay da'da ka daba imaato.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan
Akhbar iyo saaxiibkiisa uu la yaabay jir dhiskiisa waxa ay sheegeen in labadooduba ay sidoo kale dhaleen min hal gabadh.
Danny oo ay Soomaalida aad ugu yaqaannaan doorkiisa laadarnimada ee cajiibka ahaa ayaa weli kasii hor muuqda dadka daawada filimada.
Xirfaddiisa waxa uu ka billaabay filimka Zaroorat oo soo baxay sanadkii 1972-kii. Filimkaas oo uu si fiican ugu guuleystay ayuu ku caddeeyay sida uu ugu wanaagsan yahay doorka laadarnimada.
Ninkan oo dhashay 25 February 1948, ayaa sidoo kale fannaan ah, waxa uuna markii dmabe isu baddalay filim soo saare ka shaqeeya aflaanta Hindiga.
Tan iyo 1971-kii waxa uu soo jilay in ka badan 190 filim oo uu si weyn uga dhex muuqday.
Sanadkii 2003-dii, Denzongpa waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Padma Shree, oo ah tan afaraad ee ugu sarreysa waddanka Hindiya ee lagu sharfo dadka aan siyaasadda ku lugta lahayn. Xirfaddiisa dhinaca filimada waxa ay soo socotay in ka badan 40 sano.














