You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Farriinta guusha bakhtiyaa nasiibka 3 malyan oo doolar ah waxay ka dhex heshay E-mailada aan saxda ahayn
Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay bakhtiyaa nasiib $3 malyan oo doolar ah kaddib markii ay farriinta guusheeda ay ka heshay meel aysan ka filaneyn.
Laura Spear oo 55 jir ah, ayaa qaab online ah ku iibsatay lambarka ama tikidka bakhtiyaa nasiib lagu helo malaayiin doolar oo ay bixissy Wakaaladda Bakhtiyaa Nasiibka Qaranka ee dalka Mareykanka oo sanad walba ay dadka nasiibka u yeesha ay ku helaan boqollaal malyan oo doolar.
"Dhowr maalmood ka hor, Waxaan raadinayey E-mail uu qof ii soo diray balse aan waayey, marka waxaan galay qaybta ay ku soo dhacaan E-mailada xayesiisyada ay ku soo dhacaan," ayey tiri mar ay Laura la hadleysay mas'uuliyiinta Wakaaladda bakhtiyaa nasiibka.
"Waa markaa marka aan helay farriinta E-mailka ee sheegeyso inaan bakhtiyaa nasiib malaayiin doolar ah ku guuleystay."
"Waan rumeysan waayey marka aan akhrinayey farriinta ku qorneyd E-mailka qaybta E-mailada aan muhiimka ahayn ku soo dhacaan, casharka aan taa ka qaatay waxay tahay inaan marwalba hubiyo E-mailada Spam-ka halka ay ku soo dhacaan oo badanaa aan sidaa u eegi jirin".
Haweeneydan ayaa Bakhtiyaa nasiibka ku guuleysatay xilli ay dhawaan qorsheyneysay iney shaqada ka fariisato, waxayna sheegtay iney lagama maarmaan tahay inaan marweliba E-mailada noo soo dhaca oo dhan aan si wanaagsan u hubinno maadaamaa ay waxyaabo muhiim ah nagu dhaafi karaan.
"Waxaan xaqiiqdii ku daray bakhtiyaa nasiibka Michigan liiska muhiimka ah si haddii aan markale nasiib u yeesho bakhtiyaa nasiib kan la mid ah uu ii dhaafin E-mail kale oo la mid ah oo abaalmarin aan helay ku saabsan," ayey tiri.
Bakhtiyaa Nasiibka Michigan ee lagu bixiya boqollaalka Milyan ee doolar qiimahiisu waa 2 doolar waxaana lagu iibiyaa 45 gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka.
Bakhtiya nsiibka la yaabka leh ee horay loo helay
Qofka ku guulaystay bakhtiyaa nasiibkii ugu badnaa ee abid Maraykanka laga bixiyo oo 1.5 bilyan oo doolar ah, ayaa isxaan sameeyay oo qof iska hormariyay isaga oo tigit ka gadanayay South Carolina, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Qofkan oo doortay in magaciisa la qariyo ayaa isxaan sahlan sameeyay, kaas oo u horseeday natiijo cajiib ah", sida ay sheegeen masuuliyiinta bakhtiyaanasiibka.
Marka canshuurta laga jaro ka dib waxaa qofkan loo shubi doonaa 877 milyan oo doolar.
Shaqsigan aan magaciisa la shaacin ayaa la galbaday lacagtii ugu badnayd ee uu abid shaqsi kali ah bakhtiyaanasiib ugu guulaysto marka laga hadlayo dalka Maraykanka.
Hogan Brown oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee bakhtiyaanasiibka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri: "Waxaan ku faraxsannahay in qofka ku guulaystay uu ku sugan yahay South Carolina, isla markaasna uu shirkadda u yimid si uu ugu caddeeyo in uu yahay qofka ku guulaystay qiimahan cajiibka ah."
Ninka leh dukaanka KC Mart ee iibiyay tikitka guulaystay ayaa sheegay in 50,000 ee uu heli doono uu ku dayactiri doono dukaankiisa.
"Waa farxad ballaaran, anigana way ii wanaagsan tahay, isaga ama iyada qofkuu doonaba ha noqdee way u wanaagsan tahay ayuu yiri Chirag Patel oo dukaanka ku leh deegaanka Greenville.
South Carolina ayaa ka mid ah gobollada aan badnay ee ogol in qofka guulaysta uu is qariyo.
Kuwa kale waxaa ka mid ah Delaware, Ohio, Kansas, Maryland, Georgia, North Dakota, iyoTexas.