Maxaad ka taqaanaa madaxda caalamka ee aadka loo ilaaliyo?

Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka.

Xigashada Sawirka, United States Secret Service

Qoraalka sawirka, Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka.

Ku dhawaad 7.5 bilyan oo qof oo caalaamka ku nool, jaraa'idka Forbes ayaa hal qof ka aqoonsatay 100kii milyan oo qof oo saameyny badan leh.

Waxaa lag difaacayaa afduub, isku day khaarajin, sameysashada saraakiil ilaalineed, kuwaasoo inta badan loo yaqaano Ilaalada Gaarka ah, kuwaasoo loo arko iney difaacaan sugaanna amniga boqortooyada, dadka caanka ah, iyo siyaasiyiinta.

Laakiin maadaama ay haatan dadka dhaqaalahoodu sare u kacayo, Ilaalada gaarka ah baahida loo qabo, ayaa marba marka ka danbeysa kor u sii kacaya. Su'aasha imaneysaa, ayaa waxey tahay, maxaa keena in qofku ku fekero inuu is ilaaliyo, oo uu sameysto ilaalo gaar ah? Waxaanu kula soo soco siineynaa umuurtani.

Halkani hoose waxaan idin kugu soo gudbineynaa tobanka qof ee dunida u horeeya ilaalinta gaarka ah ee loo sameeyo:

JOE BIDEN

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kamid ah madaxda dunida ee ammnigoodu aad loo sugo waxaana gacanta ku haya ciidan gaar ah oo loo yaqano the ''Secret Service''.

Secret service ayaa waxay meel walbo ku weheliyan Madaxweynaha marak uu dalka gudihiisa joogo iyo dalka dibeddiisa. Tebabrkooda ayaa aad u sareeya waxayna ku jiran kaalinta koowaad marka la firiyo tayada ciidamada ilaaliyo madaxda caalamka.

Gaariga Madaxweynaha Maraykanka ku safro ee loo yaqaano the Beast

Xigashada Sawirka, United States Secret Service

Qoraalka sawirka, Gaariga Madaxweynaha Maraykanka ku safro ee loo yaqaano the Beast

Waxay gacanta ku hayan gaariga khaaska ah ee Madaxweynaha Maraykanku ku safro ee loo yaqaano the ''Beast'' oo ah gaari gaashaman oo leh astaamo gaar sida in gariga lagu keydiyo dhiiga Madaxweynaha.

Gaarigan ayaa waxaa sidookale ku xiran qalab casri ah oo talefoon ah oo uu Madaxweynaha kula xiriiri karo cidi uu doono meel walbo oo uu joogo.

The Beast ayaa sidookale waxaa uu awood u leeyahay in uu ka badbaado sawaariqda culus iyo hubka nukliyeerka haddii Madaxweynaha Maraykanka la bartilmaamedsado.

Waxaa gaarigan ku xiran hub culus oo isaga difaaci karo ciidii soo weerarto islamarkaasina waxaa uu awood u leeyahay in uu socdo xitaa haddii tayiradda neefta ka dhamaato.

Naqshada Gaariga the Beast
Qoraalka sawirka, Naqshada Gaariga the Beast

Gaariga ayaa sidookale waxaa uu leeyahay oksijen gaar ah taas oo Madaxweynaha ka badbaadinaysa hadii kiimikaal lagu soo weeraro.

Khubaradu waxay sheegayan in gaarigan dhaqaalaha ku baxo sacaadiba ay tahay $2,200 doolar.

Diyaaradda Air Force One

Xigashada Sawirka, United States Secret Service

Qoraalka sawirka, Diyaaradda Air Force One

Safarka Madaxweynaha waxaa kale oo u dheer diyaaradda, Sida ku qoran bogga Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, diyaaradda khaaska ah ee Madaxweynaha Mareykanka ee loo yaqaano Air Force One waa diyaarad u diyaarsan in ay u safarto meel walba oo kamid ah dunida wakhti walba.

Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 747-200B ayaa ah mid casri ah oo si gaar ah loogu nashqadeeyay Madaxweynaha talada haya ee Mareykanka, waxaana sumadeedu tahay VC-25A.

Diyaaradda oo laba xaba ah ayaa mid kamid ah waxaa raaca Madaxweynaha, halka mida kale ee la midabka ahna ay marwalba garab socoto. Qeybaha bannaanka ee diyaaradda ayaa waxaa ku xardhan calamaada Madaxweynaha, magaca dalka Mareykanka iyo calanka waddankaasi.

Diyaaradda ayaa waxay awood u leedahay inay shidaal ku qaadato hawada sare, waxaana ku rakiban qalab elektroonik ah oo loogu talagalay in uu ka difaaco waxwalba oo diyaaradda soo ridi kara.

Diyaaradda ayaa waxay awood u leedahay inay shidaal ku qaadato hawada sare

Xigashada Sawirka, United States Secret Service

Qoraalka sawirka, Diyaaradda ayaa waxay awood u leedahay inay shidaal ku qaadato hawada sare

Gudaaheeda ayaa waxaa uu dhan yahay 400 oo iskuweer ah, waxayna leedahay qeybo kala duwan oo ay kamid yihiin musqulo, qolalka shirarka iyo dhakhaatiir si joogta ah marwalba u saaran diyaaradda.

Shaqaalaha cunto karinta ee saaran gudaha diyaaradda waxay cunto u diyaarin karaan dad gaaraya laba kun oo qof. Air Force One waxaa lagu nashqadeeyay oo ku rakiban qalab aan la jabsan karin oo loogu talagalay ammaanka Madaxweynaha iyo xiriirka qeybta hagista diyaaradda.

Daaqadaha diyaaradda waxay ka sameysan yihiin dhalo aan xabadda karin, albaab walba oo diyaaradda looga baxana waxaa ku rakiban jaraanjaro u gaar ah, umana baahna in bannaanka looga keeno jaraanjaro si lamid ah diyaaradaha kale ee adduunka.

Haweeney ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxweynaha Maraykanka ee Secret Service

Xigashada Sawirka, United States Secret Service

Qoraalka sawirka, Haweeney ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxweynaha Maraykanka ee Secret Service

si kastaba si ay u gutaan waajibadkooda ciidanka secret service ayaa waxay mushaar ahaan sanadkii u qaatan lacag dhan $138,895 oo doolar.

2 VLADIMIR PUTIN

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, KREMLIN

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin waxaa uu kamid yahay sida shakhsiyaadka kale ee siyaasadeed ee caalamka, ammnigiisana waxaa sugo ciidan gaar ah oo loo yaqaano , Federal Protective Service. Ciidaanka FPS waxaa kale oo ay ilaaliyaan R/wasaraha ruushka.

Ma jiro xog guud oo ku saabsan hawlaheeda, mana jiraan warbixino si guud loo heli karo, waa mid sir ah oo kaliya malo laga samayn karo waxa ay qabtaan.

Vladimir laftiisa ayaa ah shaqsi muran badan dhaliyay oo warbaahinta udub dhexaad u ahaa tan iyo markii uu xilka Madaxweynanimo qabtay, waxaana la xusay in ninkani uu bilaabay in uu kordho shakhsiyad isaga ku xeeran oo la mid ah madaxdii hore qaarkood.

Guutada gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Ruushka ayaa waxaa loo yaqana SBP, ayaa waxaa tiradoodu lagu qiyaasa 9,000 kun oo ciidan kuwaas oo shaqadoodu ay tahay ilaalinta Madaxweynaha, qoyskiisa iyo Madaxtoyada dalkaasi ee Kremlin.

ammnigia Madaxweyne Putin waxaa sugo ciidan gaar ah oo loo yaqaano , Federal Protective Service. Ciidaanka FPS

Xigashada Sawirka, KREMLIN

Qoraalka sawirka, ammnigia Madaxweyne Putin waxaa sugo ciidan gaar ah oo loo yaqaano , Federal Protective Service. Ciidaanka FPS

Ilaaladaas waxaa kamid ah 850 ciidan kuwaas oo maalin walba sugo ammniga Madaxweynaha iyo Madaxtoyadda.

Diyaaradda Madaxweynaha Ruushka

Xigashada Sawirka, KREMLIN

Qoraalka sawirka, Diyaaradda Madaxweynaha Ruushka

Kooxda mukhaabaradaka Ruushka ayaa si xeel dheer loo soo xulaa iyagoo dib u eegis lagu sameynayo halka ay kasoo jeedan iyo taarikhdooda.

Diyaaradda khaaska ah ee lagu qaado Madaxweynaha Ruushka ayaa qiimaheedu waxaa uu yahay $550 malyan oo doolar. Diyaaradan ayaa gaashaman isla markana ay ku rakibanyihin 70 talephoon oo casri ah oo uu Madaxweynuhu toos ula xiriiri karo wasiiradda marka uu hawada ku jiro.

Diyaaradan ayaa gaashaman isla markana ay ku rakibanyihin 70 talephoon oo casri ah oo uu Madaxweynuhu toos ula xiriiri karo wasiiradda marka uu hawada ku jiro.

Xigashada Sawirka, KREMLIN

Qoraalka sawirka, Diyaaradan ayaa gaashaman isla markana ay ku rakibanyihin 70 talephoon oo casri ah oo uu Madaxweynuhu toos ula xiriiri karo wasiiradda marka uu hawada ku jiro.

Sidookale diyaarada waxay awood u leedahay inay iska difaacdo weerar walbo oo lagu soo qaado. Diyaaradda Madaxweynaha ayaa saacadiiba waxaa ku kacaya qiimo gaaraya $210,877 oo doolar.

Mushaarka askariga kamid ah ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sanadkii waxaa uu gaaraya $100,000 kun oo doolar.

3 XI JINPING

Madaxweynaha shiinaha iyo ilaaladiisa gaarka ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha shiinaha iyo ilaaladiisa gaarka ah

Madaxweynaha shiinaha Xi Jingping ayaa ah qofka seddexaad ee dunida ammnigiisa aad loo sugo. Ilaaladiisa gaarka ah ayaa waxaa lagu qiyaasa ilaa 12kun oo ciidan kuwaas oo aad u tebabaran.

Xi Jingping waxaa ammnigiisa la sugaa marka uu dalka joogo iyo dibedda dalka.

ciidamadda gaarka u tebabaran ee Madaxweyne XI JIN PING

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, ciidamadda gaarka u tebabaran ee Madaxweyne XI JIN PING

Gaariga uu ku socdo waa mid aan xog badan laga haynin balse waxaa lagu sameeyay dalka shiinaha waana mid aan xabbadu aan kareynin.

Sidookale gaarigiisa waxaa la sheegay in ay ku xiranyihin qalab isgaarsiin oo uu marka uu doono kula xiriiri karo madaxda dalkaasi.

Sidookale gaarigiisa waxaa la sheegay in ay ku xiranyihin qalab isgaarsiin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sidookale gaarigiisa waxaa la sheegay in ay ku xiranyihin qalab isgaarsiin

Ciidanka ammniga madaxweynaha gacanta ku haaya waxaa loo yaqana ''Central security bureau'' ee xisbiga shuuciga ee Shiinaha.

Ciidankan ayaa u kala qaybsan toddobo guuto oo qabto shaqooyin kala duwan.

In aad kamid noqoto ciidankan ayaa ah arrin aan fududeyn waxaana loo bahanyahay in aad ka gudubto tijaaboyiin kala duwan ka hor int aan lagu soo xulin.

Waxaa qofka laga fiirinaya fikirkiisa ku aadan xisbiga shuuciga, herkiisa tebabra ee ciidan iyo waxbarashadiisa iyo in qof edab iyo nidaam iyo ixtiraam iyo dulqaad dheerad ah u leeyahay.

Diyaaradda Madaxweynaha shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradda Madaxweynaha shiinaha

Diyaarada Madaxweynaha shiinaha aayaan wax badan laga ogayn iyadoo xogta ku gadaman ay qarsoontahay.

Balse waxaa la sheegay in sacaadiba diyaaradaasi ay isticmaasho lacag gaarayso 180kun oo doolar iyadoo gaariga Madaxweynaha uu scaadiba isticmaalo $2000 kun oo doolar.

Xog badan lagama haayo mushaarka ciidanka qaatan balse waxaa lagu qiyaasay marka ugu horeysa askariga ku biiro in uu qaato $2000 kun oo doolar bil walbo.

4 Boqor salman

Boqor salaman bin cabdulcasiis al sacuud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqor salaman bin cabdulcasiis al sacuud

Boqorka dalka sacuudiga Salman bin Cabdul-casiis Al sacuud ayaa ah qofka afaraad ee dunida ee ammnigiisu aad lo sugo. Waa hogaamiyaha dalka dhaqligiisu aad u sareeyo ee shidaalka soo saaro.

Boqor salman bib cabdulcasiis waxaa ammnigiisa sugo ciidanka boqortooyadda ee shaqadoodu ay tahay sugida bqortoyadda dalkaasi.

Boqorka ayaa waxaa ilaaladiisu markiba la socoto ilaa 400 oo ciidan iyadoo ciidanka gaarka ah ee ilaaliya ay tiradoodu gaarayso 25kun oo ciidan.

Gaariga uu ku socdo boqorka ayaa ah Mercedes benz Maybach C class loo yaqaano oo qiimahiisu yahay $50 malyan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gaariga uu ku socdo boqorka ayaa ah Mercedes benz Maybach C class loo yaqaano oo qiimahiisu yahay $50 malyan

Gaariga uu ku socdo boqorka ayaa ah Mercedes benz Maybach C class loo yaqaano oo qiimahiisu yahay $50 malyan oo doolar kaas oo si gaar loo hagaajiyay.

Hub walbo oo lagusoo weerarana gaariga waxaa uu awood u leeyahay in aan waxba soo gaarin boqroka. Waxaa iyaduna la sheegay in gaariga uu awood u leeyhay in uu damyo dhamaan talefoonada nagaalada ama deeganka uu ku suganyahay.

Waxyaabaha cajiibka ah ayaa ah in kolonyadda baaburta bqorka marka uu dhulka ku safrayo kharashaadka ku baxayo ay tahay $150kun oo doolar.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxyaabaha cajiibka ah ayaa ah in kolonyadda baaburta bqorka marka uu dhulka ku safrayo kharashaadka ku baxayo ay tahay $150kun oo doolar.

Kolonyadda baaburta boqorka ayaa ka kooban ilaa 15o gawaari iyadoo baaburka boqorka ay garab sodan ilaa toddobo gaari oo noocaas ah oo isku eg iyadoo aan la kala saari karin ama la ogaan karin midka uu saaranyahay. Waxyaabaha cajiibka ah ayaa ah in kolonyadda baaburta bqorka marka uu dhulka ku safrayo kharashaadka ku baxayo ay tahay $150kun oo doolar.

Ciidanka ilaaladda boqortoyadda ayaa waxa alagusoo tebabara Maraykanka iyo dalka ingriiska.

Diyaarada Boqorka uu ku socdo ayaa noocedu yahay Airbus A380 taas oo si gaar ah loo hagaajiyay waana mid gaashaman dhamnateed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaarada Boqorka uu ku socdo ayaa noocedu yahay Airbus A380 taas oo si gaar ah loo hagaajiyay waana mid gaashaman dhamnateed

Diyaarada Boqorka uu ku socdo ayaa noocedu yahay Airbus A380 taas oo si gaar ah loo hagaajiyay waana mid gaashaman dhamnateed.Diyaarada ayaa ah midd seddex dabaq ka kooban iyadoo ay u dhamestiranyihiin qalab walbo oo ay ka mid yihin dhaqaatir si joogta ah ula safarto boqorka isla markaasina qalin ku fulin karo hawada haddii loo bahdo.

Bqoroka ayaa sidoo kale waxaa uu diyaardda ku dhex leeyahay xafiis iyo qol weyn oo shirar ku sameyn karo. Gudaha diyaaradda ayaa waxaa lagu naqshadeeyay dahab.

waxaa uu isticmaalay jaraanjar gaar oo dahab ka sameysan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, waxaa uu isticmaalay jaraanjar gaar oo dahab ka sameysan.

Diyaaradda boqorka ayaa sacadiba waxay isticmaasha $350 kun oo doolar taas oo ka dhigaysa hoggaamiyaha caalamka ee ugu kharashadka badan dhanka safarka.

Waxaa caalamka indahiisa soo jiitay marka uu bqorka booqda dalka hindonesiya, markii uu diyaaradda kasoo degayay ayaa waxaa uu isticmaalay jaraanjar gaar oo dahab ka sameysan.

Hubka ciidanka ayaa ah qoryaha bastoolada,M16, GMPG, iyo hub kale oo ay ka mid yihiin Powder sun ah.

Boqorka ayaa waxyaabaha gaarka ah eel aga ilaalinayo ayaa waxaa kamid ah vcadaawadda soo jieeenka ah ee u dhexeya dalkiisa iyo iiran.

Waxaa aad loo adkeeeyay ammnigiisa sanadkii 2020kii markii dalkiisa uu weerar dhanka cirka ah k qaaday Yemen.

Musharka ciidamadda ilaalada boqortoyadda ayaa marka uu qofka ku biiro waxaa uu ka bilaabmaa $7000 kun oo doolar bil walbo.