Madaxweynaha Somaliland codsaday in hal milyan oo qof ay saxiixaan dalab New York la geynayo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo war kasoo saaray tallaabadii uu baarlamaanka UK uga dooday aqoonsiga Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sidoo kale jawaab u diray Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan.

Mr Biixi oo faahfaahinayay kulan ay xukuumaddiisa ka yeelatay arrintan ayaa ugu horreyn u mahad celiyay baarlamaanka UK ee billaabay doodda la xiriirta in la aqoonsado Somaliland.

Si gaar ah ayuu ugu mahad naqay xildhibaannada taageeray Somaliland ee hor kacayay doodda baarlamaanka Ingiriiska iyo sidoo kale jaaliyadda reer Somaliland ee waddankaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahanyahay hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah oo saxiixda codsi loo gudbinayao Qaramada Midoobay kaas oo looga codsanayo aqoonsi buuxa oo dalnimo.

Dhanka kale, Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in haddalo kasoo yeeray mas'uuliyiin dowlada federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa dadka kala fogeynaya, islamarkaasna xaalada uga sii daraya.