Turkmenistan: Dowladda dalkaas ayaa qorshaynaysa inay xirto 'Albaabkeeda Cadaabta'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Turkmenistan ayaa waxa uu amray in la damiyo 'Albaabkeeda Cadaabta' ee dalkaasi, halkaas oo uu dab ka holcayay muddo tobannaan sanadood ah ayaa ah goob ay aad u tagaan dalxiisayaasha.
Gurbanguly Berdymukhamedov ayaa doonaya in dabka la damiyo si meesha loogaga saaro sababaha caafimaadka iyo deegaanka.
Xog badan lagama hayo goobta Darvaza ee shidaalka laga qodi jiray balse markii dambe duntay ee ku taal lama dagaanka Karakum.
Dad badan ayaa ruamysan in goobtaas ay samaysantay markii uu khaldamay howlgal shidaal oo Midowgii Soofiyeet uu halkaas ka qodayay 1971.
Hasayeeshee dhulmareen reer Canada ah George Kourounis ayaa waxa uu 2013 darsay godkaasi waxaana uu ogaaday in cidna aanay dhab ahaantii ogayn sida uu ku bilowday.
Sida ay sheegeen juquraafiyahannada Turkmenistan, godkan wayn ayaa samaysmay 1960-meeyadii hasayeeshee uu dabka ka kacay 1980-meeyadii.
Godka ayaa ka mid goobaha ay aadka u xiiseeyaan dalxiisayaasha Turkmenistan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaannu luminaynaa khayraad dabiici ah oo qiima badan kaas ay suuragal tahay inaan ka heli lahayn faa'iido badan oo aynu u adeegsan lahayn inaan ku horumarinno ladnaanta dadkayaga," ayuu madaxweynaha ku yiri khudbad taleefishinka laga sii daayay.
Waxa uu saraakiisha ku amray inay "helaan xalkii lagu damin lahaa dabkaasi".
Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la damiyo dabka, oo ay ku jirto mar 2010-kii uu Mr Berdymukhamedov uu sidoo kale amray koox khubara ah inay isla soo meel dhigaan sidii dabkaasi loo damin lahaa.
2018, madaxweynaha ayaa si rasmi ah goobtaasi magaca uga badalay isagoo u bixiyay Karakum-tii ifaysay.











