Kim Jong-un: "Dalkeyga wuxuu u dhaxeeyaa nolol iyo geeri"

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dhaqaalaha liita uu sanadkan noqon doono muhiimadda koowaad ee dalkiisa iyadoo dalkaasi uu wajahayo "hardan nolol iyo geeri u dhaxeeya".
Wuxuu ka hadlayay shirka xisbiga talada haya, oo ku soo aaday sana-guurada 10-aad ee uu Kim xilka hayo.
Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhacaysay cunno yaraan baahsan, kaddib xayiraad uu iskiis dalkaas u soo rogay sababo la xiriira xanuunka Covid-19.
Khudbadiisa si toos ah uguma uusan soo qaadin Mareykanka amaba Kuuriyada Koofureed.
Kim ayaa sheegay dardargelinta horumarinta nolosha dadka ay tahay muhiimadda koowaad.
Wuxuu garwaaqsaday xaaladaha adag ee 2021 uu dalkaasi baday iyo muhiimadda ay leedahay in la xalliyo dhibaatada cuntada, dharka iyo guryaha ee ay dadku qabaan.
Wuxuu sheegay in sidoo kale la dagaallanka xanuunka safmarka ah uu ka mid yahay hadafka sanadkan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka dalkaas ee KCNA.
Balse wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadda Pyongyang ay sii wadi doonto inay diiradda saarto xoojinta awooddeeda militari.

Xigashada Sawirka, Reuters
Wuxuu Jimcihii ka hadlayay gabagabada kulanka 4-aad ee xisbiga talada haya ee WPK, kaas oo furmay Isniintii.
Waxaa horraantii sanadkii hore soo baxayay warar sheegaya in dadweynaha dalkaas ay gaajo la il daran yihiin.
Xadka dalkaas ayaa xirnaa tan iyo bishii January 2020 si looga hortago xanuunka Covid-19.

Falanqeyn
Iyadoo sanad la joogo tan iyo intii uu Kim Jong-un ku celcelinayay xaaladda dhaqaale ee liidata ee dalkaas, ayaa caqabadahan waxaa mar kale lagu soo qaaday kulanka xisbiga talada haya.
Digniinta Kim ee a "hardan nolol iyo geedi u dhaxeeya" oo dalkaas uu geli dono 2022 ayaa wuxuu ina soo xusuusinayaa baaqii uu bishii April u diray saraakiisha dalkaas ee uu uga dalbanayay inay u diyaar garoobaan musiibo kale, isagoo ku halqabsanaya xasaraddii dhaqaale ee weyneed iyo macluushii soo martay Kuuriyada Waqooyi sanadihii 1990-meeyadii.
Inkastoo isbarbardhigga noocan ah uu buunbuuninayo xaaladda, haddana dhaqaalaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa uga sii daray xadka loo xiray Covid-19, cunaqabateynada caalmiga ah iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Arrimahan ayaa dhammaantood qeyb ka ah waxa uu Kim bishii June ku sheegay xaalad cunno oo adag, sidoo kalena hay'adaha caalamiga ah ayaa sidoo kale ka digay xaalad cunno yaraan iyo macluul dalkaasi ka dhacda.
Hadalka Kim ayaa bulshada dalkaasi wuxuu uga dhigan yahay in hoggaamiyahooda uu haatan diiradda saarayo daboolidda baahiyahooda, iyagoo wajahaya sanad kale oo dhaqaale xumo ah.

Khudbadaha sanadka cusub ee Kim ayaa waxaa sanadihii hore lagu soo dari jiray farriimo uu u diri jiray Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka, balse sanadkan ma uusan soo hadal qaadin.
Dhammaadkii sanadkii hore, Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koofureed, Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isku raacay inay ku dhawaaqaan in la soo afjaray dagaalka Gacanka Kuuriya.
Balse weli wada-hadallada ayaan bilaaban sababo la xiriira dalabaadka Kuuriyada Waqooyi, sida ay sheegtay Kuuriyada Koofureed.










