Iran: Dadka iyo Yaxaaska oo biyo ku dagaallamo

Siahuk wuxuu fadhiyaa gurigiis isaga oo la ildaran xanuunka dhaawac ka soo gaaray gacanta midig kaddib marki dagaal adag uu Yaxaas la galay.

Odaygan 70 jirka wuxuu xilli galabnima ah uu u carraabay baadigoob biyo goobti uu biyaha ka heli lahaana waxay ku kulmen wiyil ay iyaduna naf hayso oo biyo soo raadsatay.

Dhacdadan oo dhacday mar sii horreysay haddana oday Siahuk waxaa weli laga dareemayaa argagaxi uu dhibka soo gaaray uu ka qaaday.

Wuxuuna sheegay inuu ilaahay badbaadiyey kaddib marki uu Yaxaas uu la qabsaday caagad biyo uu ku soo dhaansaday halkaasina ay isaga iyo yaxaaska ka dagaallameen ilaa gacanta midig nabar uu ka gaaray.

Siahuk dhaawaca culus ee soo gaaray ayuu la dhiig baxay muddo saacad barkeedna wuu miir daboolnaa.

2016-kii wiil yar oo 9 jir ah oo lagu magacaabo Alireza waxaa cunay Yaxaas. Bishii July 2019-kina gabar 10 jir oo uu Yaxaas cunay ayaa gacanta midig ku beeshay.

Yaxaaska muxuu dadka u weeraraa?

Dagaalka Yaxaaska iyo dadka ku dhexmara dalka Iran ayaa soo bata xilliyada ay dalkaasi biya yarida ka jirto gaar ahaanna xilliyada jiilaalka oo ay biya yarida aad u jirto.

Meelaha kooban oo biya qabatinka oo ay biyuhu ku hareen o badanaa Yaxaaska uu naf ka soo raadiyo si uu kalluun uu uga raadsado ayaa keenta iney dadka biyaha naftooda u doonaya iyo Yaxaaska biyaha ku jira inuu dagaal dhexmaro.

Ururka ilaaliya arrimaha deegaanaka iyo bey'ada caalamiga ah wuxuu sheegay Wiyisha iyo Yaxaaska oo ku badan waddamada iyo Iran ay yihiin xayawaanaadka aadka ugu nugul biyo yarida waddamadaasi soo foiod saarta.

Wuxuuna ururku sheegay dalka Iran iney ku nool yihiin ku dhawaad 400 oo Yaxaas ayna ku dadaalayaan ilaalinta tirada kooban ee Yaxaaska si ay dalka Iran uga dabar go'in.

Wabiga dalka Iran ku yaalla ee Bahu-Kalat ayaa hoy u ah Yaxaaska ugu badan ee dalkaasi laga helo laamaha dowliga ee ay quseeysana ay shacabka uga digin khatarka Yaxaaska wabigaasi u jira ay kala kulmi karaan.

Dadka ku nool deegaannada ku gadaaman wabigaasi waxay xal u arkeen xilliyada ay wabiga biyo u soo raadsanayaan iney digaag ay Yaxaaska u tuuraan si naftooda ay uga badbaadiyaan halista uga iiman karta.

Biyo yarida Iran

Biyo yarida ka taagan gobolka Balochistan ee dalka Iran ma aha mid uu gobolkaasi gaar la yahay balse wa dhibaato dalka Iran oo dhan ka taagan.

Bishi July gobolka saliidda qaniga ku ah ee Khuzestan oo ku yaalla Koonfurta Galbeed ee dalka Iran waxaa ka dhacay rabshada biyo la'aanta salka ku haya.

Bishii November mudaharaadyo rabshado wata waxay ka dhaceen magalada Isfahan ee bartamaha dalka Iran ku taallo iyada o ay halkaasi isku fara saareen booliska iyo mudaharaadayaasha.

"Halkan bio kama jiraan dhibaato aad u weyn ayaa na haysata" ayey tiri Malek Naz oo 35 iyada oo dhar meyraneyso.

Seygeeda Cusmaanna wuxuuu sheegay halkan ay ku nool yihiin inuu dib u dhac weyn uu ka muuqdo, ayna aadayaan dalka Pakistan ee deriska la ah si ay shidal ugu iib geeyaan maadaamaa qiimo sare uu dalkaasi ka joogo.

"waa shaqo khatarteeda leh oo qofki ay dowladda ku qabato ay ku ciqaabeyso balse maxaan sameynaa halkan wax shaqa ah kama jirto" ayuu yiri.

Osaman iyo dad badan oo la mid ah oo ku nool deegaanka Baloch ee dalka Iran waxay aaminsan yihiin shaqo la'aanta iney ka daran tahay biyo la'aanta halkan ka jirto.

Maalin walba waxay la kulmaan dagal dhexmaro dadka deegankan iyo Yaxaaska ku dhex nool gobaha ay biyaha adka u yar ku hareen.

Shacabka Balochi ooku nool dhul saxara ah oo ay biyo la'aanta u dheer tahay ay dadaalka ugu badan ku bixiya iney biyo helan. maadaamaa biyo la'aan ay noolashu sii soconeyn ayna jirin cid biyo la'aan sii noolaan karto.