Farmaajo oo ku dhawaaqay go'aan cirka ku sii shareeray khilaafkii kala dhexeeyay Rooble

Farmaajo iyo Rooble

Xigashada Sawirka, OPM Somalia/Villa Somalia

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ra'iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay "tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed."

Warkan oo aan ka soo xigannay Villaa Somalia ayaa sheegaya inta laga soo gabagabeynayo baaritaanka looga gun gaarayo tuhunka musuqmaasuqa ee soo galay Raisal Wasaaraha laga joojiyey shaqada iyo awoodaha uu leeyahay.

Waxay ka dambeysay khilaaf hor leh oo ku saabsan doorashada oo isbucan soo kala dhexgalay labada mas'uul ee ugu sareysay dalka.

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha saaka aroortii waxaa lagu sheegay, madaxweynaha marka uu arkay in "Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay fureen baaris looga gun gaarayo tuhunka la xiriira Musuqmaasuqa dhul dan-guud ah oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inuu tallaabbada shaqo joojinta qaaday."

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha oo shaqo joojinta Ra'isal Wasaaraha u cuskaday Qodobka 87-aad ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya iyo wareegto 18-kii Jannaayo soo baxday oo la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada oo soo baxay 27-kii Oktober 2021-ka.

Waxaa kale oo lagu sheegay amarka shaqa joojinta madaxweynaha uu shaqada uga joojiyey Ra'isal wasaare Rooble inuu wasiirka gaashaan dhigga cadaadis uu saaray si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Rooble wali kama uusan hadlin go'aanka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse horay ayuu u beeniyay eedeymaha la xiriira boob dhul oo uu ku tilmaamay in looga gol leeyahay in lagu dhaawaca sumcadiisa.

Isku dhaca madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa abuuray cabsi xoog leh iyo walaac laga muujinayo inay sii xumaato xasiloonida Soomaaliya oo bartamaha kaga jirta doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Bishii September ayay ahayd markii Farmaajo uu sidan oo kale sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku eedeyay inuu "ka weecday waajibaadkii loo igmaday xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas."

Labada hogaamiye ayaa haseyeeshee heshiis kala saxiixday dabayaaaqadii bishii Oktoobar taasoo meesha ka saartay xil ka qaadista uu Farmaajo sheegay.

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sarereya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir
Qoraalka sawirka, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sarereya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa horay gu eedeyay Rooble dhul boob

Sida oo kale madaxweynaha wuxuu soo saaray amar uu shaqada uga joojinayo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sarereya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, amarna uu ku siinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya Guuto Odawaa Yuusuf Raage inuu taliyahaasi shaqada uu ku joojiyo.

Wuxuuna madaxweynaha shaqo joojinta Sarreeya Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir uu sababeeyey iney muhiim tahay in tallaabbadaasi la qaado inta laga dhammeystirayo Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku. Farmaajo iyo Rooble oo wali gorodda iskula jira