You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Xog muddo dheer la raadinayay oo laga ogaaday dadka isticmaala gacanta bidixda ah
Khubarada dhinaca Seyniska ayaa helay macluumaadkii ugu horreeyay ee ku saabsan sababta uu qofka bani'aadanka ah si dabiici ah ugu noqdo "gureey" ama u isticmaalo gacanta ama lugta bidixda ah.
10-kii qof hal ka mid ah ayaa isticmaala bidixda, horayna looma ogeyn sababta rasmiga ah ee keenta, laakiin waxaa dadaal loogu jiray in shaaca laga qaado.
Waxaa la sameeyay tijaabooyin la xiriira dhaqaanka hiddasidaha ee loo yaqaanno DNA, si wax looga ogaado arrintan muddada dheer soo jiitameysay.
Ilaa iyo hadda astaamaha la arkay ayaa ku saabsan habka shaqada maskaxda - gaar ahaan qeybaha qaabilsan barashada luqadaha.
Koox Seynisyahanno ah oo ku sugan Jaamacadda Oxford ayaa sheegay in dadka gacanta bidixda ah isticmaala ay yeelan karaa xirfado dhinaca sameynta erayada ah oo ka fiican dadka midigta isticmaala.
Laakiin wali waxaa jira arrimo badan oo aan laga ogaanin xiriirka ka dhaxeeya horumarka maskaxda iyo gacanta howlaha ugu badan qabata.
Maxay tani noo sheegeysaa?
Daraasado lagu sameeyay mataanaha ayaa horay loogu ogaaday arrimo la xiriira dhinaca jinsiga - dhacaanka hiddasidaha ee laga dhaxlo waalidka - ayaa door ka ciyaara.
Hase ahaatee, waxaa hadda shaaca laga qaaday waxyaabaha sida gaarkka ugu sii lug leh.
Kooxda cilmi baaristan sameyneysay ayaa howshooda u adeegsaday daraasad horay loo sameeyay oo lagu magacaabo UK Biobank, taasoo lagu diiwaan galiyay ilaa 400,000 oo ruux, kuwaasoo la garanayo dhammaan macluumaadkooda la xiriira hiddasidaha DNA-ga.
Dad wax yar ka badan 38,000 oo ka mid ah kaliya ayaa ahaa gureey, ama gacanta bidixda isticmaala.
Seynisyahannada ayaa diiradda saaray inay wax ka ogaadaan farqiyada u dhaxeeya dhacaannada DNA-ga ee laga qaaday dadka midigta isticmaala iyo kuwa bidixda u badan, iyagoo isku dayaya inay fahmaan sababta keeneysa in gacanta bidixda loo bato.
Baartinaanno badan oo ay khubaradu sameeyeen ayey ku ogaadeen in isticmaalka gacanta bidixda ah uu ku xiran yahay qeybo ka mid ah maskaxda, arrintaas oo ah cilmi aan horay loo aqoonin.
"Markii ugu horreysay waxaa noo suurta gashay in cilmiga bani'aadanka ku saabsan ee dhinaca seyniska aan ka ogaannay sababta keenta inuu qofku u bato hal gacan, farqigana waa mid ay si toos ah ugu lug yeelato maskaxda qofka", sidaas waxaa titi Barfasoor Douaud, oo iyada lafteeda gurey ah.
Dadka gacanta bidixda ah isticmaala, waxaa si fiican iskula shaqeeya labada dhinac ee maskaxdooda ay u kala qeysan tahay, waxayna taasi u sahashaa inay awood u yeeshaan fahmad dhinaca barashada luuqadaha ah.
Cilmi baareyaasha ayaa shaaca ka qaaday in qofka gureyga ah uu uga fiicnaan karo dadka midigta adeegsada dhinaca sameynta erayada hadalka, inkastoo aysan aqoonyahannadu soo saarin xogta rasmiga ah ee ay arrintaas ku caddeynayaan.