2021: Xukunka ICJ iyo muranka badda Soomaaliya iyo Kenya

Sanadkan sii dhammaanaya ee 2021 waxyaabaha aadka loogu xusuusto waxaa ka mid ah go'aankii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ka soo saartay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo dheer soo jiitamaysay.

Haddaba waxaan eegeynaa sida uu ku soo bilowday murankan badda, marxaladihii uu soo maray, saameynta uu ku yeeshay xiriirka labada dal, sida uu u dhacay xukunka ICJ, iyo falcelinta ka dhalatay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay in muddo ah isku heysteen dhul cabbirkeedu gaarayo 100,000 oo kiilo mitir isku wareeg ah, oo loo maleynayo inuu dhex ceegaago shidaal.

Haddaba goormee ayuu soo billowday khilaafkan?

"Markii ay Kenya soo saartay sanadkii 2005 war ay ku leedahay waxaan leeyahay Badda Cas, baddeyda xudduudeedana waa tan, annagu markaas ayaan ogaannay," ayuu yiri admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo madax ka ah Hay'adda Cilmibaarista Badaha Somaaliyeed marna ahaa Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, oo la hadlayay BBC-da.

Dad badan ayaa laga yaabaa inay is weydiiyaan sababta keentay in sanadkii 2005-tii uun uu soo shaac baxo khilaafkan badda, Faarax Qare ayaa mar kale ka warramaya sababta xilligaas ku soo beegtay.

"Horta xudduuddan Kenya iyo Soomaaliya ma wada dhigan, xudduuddan Talyaani iyo Ingiriis ayaa wada dhigtay oo labada dhinac kala isticmaarsanayay, 25-kii July 1924 ayay ku kala saxiixdeen London. Ingiriisku wuxuu Talyaaniga ku soo wareejiyay dhulka hadda loo yaqaanno Jubaland xudduuddana halkaas ayaa la dhigay, marka xudduudda injineerro ayaa calaameeyay, 29 calaamo oo dhagax shub ah ayaa lagu calaameeyay,"

"Kan 29-aad wuxuu taagan yahay xeebta badda, Raaskaanbooni koofurtiisa ayuu taagan yahay, halkaas markii la tegay sow xudduud badeed looma baahna illeyn dhulka waa la xadeystaye, jasiirado yaryar oo dhagax ah ayaa meesha ku yaalla. Waxay sharciga oo aan nuqulkiisa haayo ku qoreen xudduudda badda waa xarriiqin halkaa xudduudda ay dhulka ka soo gasho ka baxayso oo taagan oo toosan oo badda ujeedda oo jasiiradaha dhinaca galbeed ka mareysa." Ayuu yiri admiral Faarax Qare.

Taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysay in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneysay in la weeciyo.

Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto iyo in kale.

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.

Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyihii Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go'aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.

Xeerilaaliyihii Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

Feb 02, 2018:- Maxkamadda Caddaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay illaa bisha June ee sannadka 2020-ka.

Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sheegeen inay eegayaan xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go'aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sannadka 2021-ka.

14 March 2021: Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya.

15 March 2021: waxaa si rasmi ah u bilowday dhageysiga kiiska oo ay qaadeysay ICJ. Waxaa ka qeybgalay oo dooddooda gudbiyay qareennada Soomaaliya u doodaya oo keli ah. Maaddaama ay Kenya isaga baxdayna, ma aysan gudbinin dooddeeda. Maxkamadda ayaana u qabatay 12-ka Oktoobar 2021 inay soo saari doonta xukunka kama dambeysta ah.

Saameynta uu khilaafkan ku yeeshay labada dal

Bishii September sanadkii 2016-kii dowladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dhammaan duullimaadyada qaadka ee tagi jiray dalkeeda.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo duullimaadyo badan oo sida qaad ay maalin kasta tagi jireen Muqdisho.

Tallaabadan ayaa dharbaaxo ku noqotay ganacsiga qaadka Kenya.

Sanadihii xigay waxaa sii xumaanayay xiriirka labada dal, haba ugu weynaato tii ay isugu dhaceen arrinta maamul-goboleedka Jubaland, oo xad la leh Kenya.

Sanadkii 2019-kii dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay taageerto maamulka Jubbaland, iyadoo la ogyahay in uu khilaaf siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamayay uu ka dhaxeeyo madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedkaas oo ka dhashay doorashadii loogu doortay Axmed Maxamed Islaam.

Dowlada Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay doorashadaas, waxayna sheegetay inaysan aqoonsaneyn Axmed-Madoobe.

Kenya ayaana sii wadday aqoonsashada Axmed-Madoobe.

Arrintaas ayaana sii xumeysay xiriirkii labada dal ee markii horaba liitay.

Waxaa xigtay bishii December ee sanadkii 2020, markaas oo Kenya ay roog cas ku soo dhoweysay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Soomaaliya ayaase arrintaas uga jawaabtay xiriirka oo ay u jartay Kenya, iyadoo ku andacooneysa in Kenya ay farogelin ku heyso arrimaheeda.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa madaxbannaanideeda qaran, ee uu damaanad qaadayo xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta midnimada, qarannimada iyo xasiloonida dalka, ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dowladda Kenya," Ayuu yiri wsiirka warfaafinta Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo hadlayay warbaahinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri "Dowladda Soomaaliya waxay u yeeraneysaa dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya iney dalka dib ugu soo laabtaan, waxayna ku amreysa kuwa Soomaaliya ka jooga dowladda Kenya iney dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maanta oo ay bisha ku beegantahay 15-ka Diseembar. "

Soomaaliya waxaa kale oo ay Kenya ku eedeysay inay Somaliland u adeegsaneyso Soomaaliya. Hase yeeshee madaxweyne Biixi ayaa mar uu BBC-da la hadlayay beeniyay arrintaas.

Madaxweyne Biixi oo BBC-da uga warramay ujeeddada safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya uga wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimo dhowr ah.

"Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba," ayuu yiri.

"Uhuru waxaan ka wada hadalnay danaha labadayada dal. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba," ayuu BBC Somali u sheegay Muusa Biixi.

Soomaaliya ayaa u cabatay urur-goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay, qudhiisana xilligaas ay qoorta ugu jirtay xiisadda ka taagan Itoobiya.

Shirkii IGAD ee isla bishaas December ayaa wuxuu urur-goboleedku magacaabay guddi xaqiiqo raadin ah oo uu horkacayo dalka Jabuuti, kaas oo hoos u eega eedeymaha ay Soomaaliya u jeedisay Kenya.

Guddigan ayaase baariritaan kaddib soo saaray natiijada baaritaankaas oo uu ku sheegay inaan caddeymo ku filan loo heyn sheegashooyinka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaase diidday natiijada baaritaanka, iyadoo sheegtay in Kenya ay farogelisay Jabuuti isla markaana uusan baaritaankaais caddaalad ahayn.

Arrintaas waxay horseedday iska hor imaad diblomaasiyadeed oo cusub oo gobolka ka qarxa, una dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabtuui.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda bishii Maarso ee 2021 waxay joojisay duulimaadyada labada dal u kala goosha. Xukuumadda Nairobi oo aan wax sabab ah shaacin ayaa sheegtay inay hakisay duulimaadyada ka yimaada ama aada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa arrin la yaab leh ku tilmaantay go'aankaas.

Hase yeeshee, isla bishaas ayay Soomaaliya shaacisay inay soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Kenya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay in Soomaaliya ay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Kenya.

Amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, ayaa dadaal ka geystay in ay heshiiyaan Soomaaliya iyo Kenya sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka.

Bogga Twitter-ka ee madaxtooyada Kenya ayaa lasoo dhigay sawirro muujinaya in Amiirka Qadar uu booqday Kenya, uuna la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Go'aanka ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay dib u soo celinta xiriirka Kenya ayaan wax saameyn ah ku yeelan kiiska badda oo halkiisii ka sii socday.

Xukunka Maxkamadda ICJ

Maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya.

Waxay ahayd galab Talaado ah 12-kii Oktoobar 2021, xilliga Geeska Afrikana waxay saacaddu ahayd 4-tii galabnimo.

Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay.

Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal.

Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go'aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso.

Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go'aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal.

Balse madaxda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go'aanka ICJ. Madaweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in go'aanka ka soo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xukunkaasi kaddib haatan u muuqda mid xasiloon, khubarrada falanqeeya arrimaha Geeska ayaana qaba in laga yaabo in mustaqbalka ay kulan isugu yimaadaan Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay kaga arrinsanayaan arrintan.