You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu soo kordhin karaa shirka ay ku baaqeen mucaaradka Soomaaliya?
Mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in dhawaan ay qaban doonaan shirweyne qaran oo looga hadlayo cabashada ay ka muujinayaan habsami u socodka doorashada, balse waxa jira hubaal la'aan ku aadan shirkaasi halka lagu qabanaya iyo goorta la qabanaya xilli ay doorashaduna socoto.
Waxay ka biyo diideen qaabka ay u socoto doorashada isla markaana ay doonayaan in la xaqiijiyo hufnaanta doorashada.
"Golaha oo gudanaya xilka iyo mas'uuliyadda ka saaran samatabixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daafuran ayaa u howlgalaya qabsoomidada shirweyne wadatashi qaran oo ay isugu imaanayaan bulshada Soomaaliyeeda" ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday mucaaradka.
Iyadoo mucaaradka ay ku dhawaaqeen shirkan, su'aalaha la-isweydin karo waxaa kamid ah, shirka ay ku baaqeen waxa uu soo kordhin karo, iyo haddii uu dhaco saameynta uu yeelan karo.
Cumar Yuusuf Cabdulle oo ka tirsan jaamacadda Simad isla markaana falaanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa BBC u sheegay shirka ay ku baaqeen mucaaradka in uu yahay mid looga hadlayo walaac la xiriira arrimaha doorashada.
"Shirka midowga musharraxiinta ay ku baaqeen inay qaban doonaan wuxuu daaran yahay sidii loo sixi lahaa oo ay doorashadu u noqon laheyd mid daahfuran oo dadkan oo dhan u dhexeyso"
Mucaaradka waxay sheegeen in nidaamka loo maray doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay 'shuruudihii hufnaanta daahfurnaanta doorashada' balse waxaa muuqata in mucaaradka ay ku kala aragti duwan yihiin qaabkii loo sixi lahaa caqabadahaasi.
"Mucaaradka jidad badan baa u furan, doorashada miyaan saxnaa iyadoo socoto mise doorashadii hore waxay noqon doontaa mid lagu celiyo, mucaaradka waxaad mooddaa inay ku kala aragti duwan yihiin oo qaarkood ay qabaan waxa dhiman kaliya ah in la saxo halka qaar kalena ay qabaan in kuraasta hadda laisku heysto gebi ahaanba lagu celiyo."
Cumar Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in waddada kaliya ah ee looga gudbi karo ismari waagga arrimaha doorashada ay tahay in la yeesho wadahadallo xal loogu raadinayo tabashooyinka kasoo baxaya dhinacyada kala duwan.
" In cabashadii iyo weliba shirarkii maalmahan socday ee u dhexeeyay musharraxiinta iyo Ra'iisul Wasaaraha ay caqabad ku noqotay doorashada oo aan horey loo dhaqaajin balse jidka kaliya ah uu furan uu yahay in musharraxiinta iyo Ra'iisul Wasaaraha inay wada fadhiistaan oo la qabto doorasho loo siman yahay si dalka looga ilaaliyo qalalaase iyo amni darro."
Wuxuu ka digay in haddii mucaaradka ay qabtaan shirka qaran ay shaaciyeen in dalka ay ka dhici xaalad amni darro ah.
"Mar haddii ay meesha soo gashay in amniga ay mas'uul ka yihiin ay amniga shirkaas mas'uul ka noqon doonaan meeshaa waxaa ka dhalan karaa is-fahan darro soo kala dhexgala hay'adaha amiga iyo midowga musharraxiinta saameyn xagga amnigana wey ka dhalan kartaa uu dalka geli karo qalalaase doorashadana dib u dhici karto" ayuu yiri Cumar Yuusuf Cabdulle.