You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Dowladda: “Heshiis ayaa laga gaaray doorashada Soomaaliya”

Ku soo dhowaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

Abdishakur Asowe

  1. Taliye ciidan oo mar kale afgembi kula wareegay xukunka dalkiisa

    Millateriga dalka Mali ayaa shaaciyay in meesha laga saray xilalkii ay hayeen madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Bah Ndaw iyo ra'iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane.

    Labada hogaamiye ayaa lagu hayay saldhig millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bamako tan iyo markii la xiray Isniintii.

    Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, madaxweyne ku xiigeenka dowladda ku meel gaarka ah ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hogaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada.

    Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa canbaareeyay xarigga hogaamiyaashaasi, waxayna sheegeen in ay wefdi u diri doonaan dalkaasi.

    Xarigga mas'uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda.

    Lataliyaha sare ee madaxweyne ku xiigeenka dalkaasi ee Baba Cise oo ka hadlay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in doorashada ay qabsoomi doonto sanadka soo socda.

  2. Dowladda: “Heshiis ayaa laga gaaray doorashada Soomaaliya”

    Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa khudbad uu galabta u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in “heshiis laga gaaray” arrimaha la isku hayay ee doorashada.

    Wasiirka ayaa sheegay in “mabda’ ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa,” iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

    Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni.

    Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

  3. Mareykanka oo gacan ka geysanaya dib u dhiska Gaza

    Xoghanaya arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono dib u dhiska magaalada Gaza kaddib duqeymihii ay Israa'iil halkaa ka geysatay bartamihii bishan.

    Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay in dagaalyahannada Xamaas ee gacanta ku haya dhulkaas aysan ka faa'iideysan dedaalada dib u dhiska ee Gaza.

    Antony Blinken ayaa ka hadlayay magaalada Qudus, kaddib wadahadal uu la yeeshay ra'iisal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu.

    Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu ku dedaalli dooni sidii caalamka uu u taageeri lahaa dedaalka dib u dhiska Gaza, dhankiisana uu “dhaqaale wanaagsan ku deeqi doono” oo qeyb ahaan la shaacin doono gelinka dambe ee maanta.

    Xabbad joojinta Israa'iil iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa dhaqan gashay afar maalmood kahor.

  4. Safiirka UK ee Kenya oo Mandheera ka hirgalisay mashruuc

    Danjiraha dowladda UK u qaabilsan Kenya, Jane Marriott, ayaa maanta magaalada Mandheera ku tagtay safarkeedii ugu horreeyay oo qeyb ka ah mashruuc ay UK gacan uga geysaneyso xasiloonida iyo horumarka gobolka Waqooyi Bari.

    Socdaalka Marriott ayaa muujinaya sida ay Britain uga go'an tahay in laga shaqeeyo amniga iyo horumarinta deegaannada xadka la wadaaga Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay safaaradda.

    Waxaa safarkan ku wehlinayay Wasiirka arrimaha dowlad daadajinta ee Kenya Eugene Wamala iyo madaxa ismaamulka Mandheera, Cali Roba.

    Intii ay socotay booqashadan halka maalin ah waxay haweeneyda ah danjiraha UK u qaabilsan Kenya xarigga ka jartay mashruucii ugu horreeyay ee Mandheera laga hir galiyo oo ku aaddan qorshaha dhaqaalaha. Waa barnaamij ay iska kaashanayaan UK iyo Kenya oo fursado shaqo u sameynaya dhallinyarada u nugul in laga dhaadhiciyo fikirka xagjirnimada.

    Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayay Jane Marriott ku sheegtay in Mandheera ay tahay meel aad muhiim ugu ah Kenya oo loo sii maro Itoobiya iyo Soomaaliya.

    Hadal ay Marriott ka jeedisay xadka Mandheera iyo Soomaaliya ayay ku tidhi: "Maanta waxaan arkay sida uu horumarka dhaqaalaha fure ugu yahay dhismaha xasiloonida Ismaamulka Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari. Waxaa Sidoo kale ii suuragashay inaan la kulmo macallimiin iyo shaqaale caafimaad oo dadaal xoog leh u sameynaya si mustaqbalka loo wanaajiyo."

  5. Wasiirka Soomaaliga ah ee Canada oo sharraxay qorshaha uu u hayo dhallinyarada

    Wareysi gaar ah oo ay BBC-da la yeelatay Wasiirka Arrimaha qoyska, Carruurta iyo howlaha Bulshada ee dalka Canada, Axmed Xuseen, ayuu ku sheegay in wasaaraddiisa Miisaaniyadda loo kordhiyay si wax looga qabto dhibaatooyinka heysta dhallinyarada, waayeelka iyo guud ahaan dadka tabarta yar.

    Soomaalida ku nool Canada ayaa ka mid ah bulshooyinka mashruucyadan ka faa'iideysanaya.

    "Miisaaniyadda 2021-ka waxay ku saabsan tahay runtii in dadka reer Canada laga caawiyo dhibaatooyinka ay kala kulmeen cudurka Covid-19, sababta labaadna waa in maalgalin lagu sameeyo dhammaan qeybaha bulshada.

    "Miisaaniyaddan waxay u qoondeysay dhallinyarada lacag dhan 5,700 oo milyan oo doolar. Dhhalinyarada waxaa loo abuurayaa 215,000 oo shaqooyin ah," ayuu yidhi Axmed.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka waayeelka ah loo kordhin doono lacagta la siiyo, taasoo sare loogu qaadiyo doono 10%.

    Dhanka kale, carruurta ayuu sheegay in qorshe muhiim ah loogu sameynayo barnaamijkan.

    "Si waalidka ay ugu laabtaan shaqooyinka, carruurtu waxay u baahan yihiin meelo lagu xannaaneeyo. Sidaas darteed, shanta sano ee soo socota waxaan arrintaas ku maal galineynaa soddon milyan oo doolar."

    Dadka xabsiyada ugu badan oo ah Madowga iyo dadkii asalka loogu yimid Canada ayaa sidoo kale wax loogu qaban doonaa mashruucan, si marka xabsiyada laga soo daayo ay nolol sameystaan.

  6. Ololaha doorashooyinka Somaliland oo billowday

    Waxaa maalintii saddexaad socda ololaha doorashooyinka goleyaasha baarlamaanka iyo deegaanka ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    Xisbiyada ayaa mid walba la siiyay labo maalmood oo uu ololaha doorashada ku qabsado. Mid ka mid ah maalmaha ayay siyaasiyiinta xisbi kasta fagaareyaasha kula hadlayaan taageerayaashooda halka maalinta labaadna ay xafiisyada ku sameynayaan ololahooda.

    Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta guda galay isu soobaxyada siyaasadeed ee uu shacabka taageerada u ah kula hadlayo.

    Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa xalayba sii billaabay dhaqdhaqaaqyada ololaha ay ku garab taagan yihiin musharraxiinta ku matali doona doorashada Somaliland.

    Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, oo maalmahan ku wareegayay gobollada dhinaca Bari ee Sool iyo Sanaag ayaa xalay dadweyne kula hadlay magaalada Oodweyne, wuxuuna sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo guulo ay kasoo hoyiyaan doorashada dhici doonta.

    Dabayaaqada bishan May ayaa la filayaa inay qabsoonto doorashada Somaliland ee hadda uu ololaheeda xowliga ku socdo.

    Waxaa lagu loollami doonaa 82 kursi oo uu ka kooban yahay golaha wakiillada, aqlabiyaddana waxaa heli kara xisbigii ku guuleysta 42 kursi.

  7. Sanad guuradii 1-aad ee dilkii George Floyd oo la xusay

    Gobolka Minnesota iyo meelo kale ayaa lagu qabtay xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la dilay George Floyd oo ku dhintay gacanta booliska magaalada Minneapolis.

    Geerida Mr Floyd - oo ahaa Mareykanka madow - ayaa kicisay cadho weyn oo sababtay mudaharaadyo gilgilay guud ahaan Mareykanka iyo meelo kale oo ka mid ah caalamka.

    Xuska sanad guurada waxaa ka qayb galay dadweyne iyo ehelada George Floyd.

    Sidoo kale baraha bulshada ayaa dib loogu soo nooleeyay xasuustii George Floyd iyo dilkiisii taariikhiga noqday.

    Dadka magaca leh ee xuskaas hadal hayay waxaa ka mid ah Hillary Clinton oo ahayd wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Murashax madaxweyne.

    Gadoodka ka dhashay dilka ninkaas ayaa sababay in dowladda Mareykanka ay wax ka baddasho qaabta ay boolisku ula dhaqmaan dadka, waxaana hadda socda maxkamadeynta askartii ku lugta lahaa falkaas.

    Derek Chauvin oo sagaal daqiiqo jilibka qoorta uga hayay Floyd ayay maxkamad ku heshay dambi dil ah, isagoo hadda sugaya in xukun lagu rido.

    Dhacadaas kaddib booliska Mareykanka ayaa loo billaabay tababarro ku aaddan sida ay ula dhaqmayaan shacabka.

  8. Heshiis hordhac ah oo laga gaaray dagaalladii Beledweyne

    Wasiiru dowlaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed "Gama'diid" ayaa shaaciyay in heshiis hordhac ah laga gaaray colaado ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

    Qoraal uu Facebook-giisa soo dhigay ayuu Gama'diid ku yidhi: "Maanta alle wuxuu noo suura geliyay inaan ku guuleysanno in heshiis hor dhac ah kaga gaaro Dagaalladii ka dhacay magaalada Baladweyne.Waxaan u mahadnaqayaa qof walba oo kaalin ka geystay in halkaan wax soo gaaraan."

    Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay war murtiyeed faahfaahinaya qodobbada uu ka kooban yahay heshiiskaasi.

    Muddooyinkanba waxaa socday waan waay xal loogu raadinayay dagaal beeledyadaas oo khasaare kala duwan geystay.

  9. Jubbaland oo sharraxday sababta loo mamnuucay indha-shareerka

    Ciidamada booliska ee ka howl gala deegaannada maamulka Jubbaland ayaa mar kale adkeeyay amarka joojinta xirashada insha-shareerka dumarka.

    Qaar ka mid ah bulshada ayaa kasoo horjeestay tallaabadaas halka kuwo kalena ay garowsadeen sababta loo qaatay go'aankaas.

    Afhayeenka booliska Jubbaland, Jaamac Axmed Xasan, ayaa BBC-da u sheegay in sababta amarkan loo soo rogay ay tahay si loo adkeeyo amniga.

    "Dhibaatooyin badan baa iska jira, kuwo argagixiso ayaa jira, cid kasta oo ku talagaleysa inay fal dambiyeed sameyso waa waxa ay isticmaali karto, waayo waad la socotaa hadda ka horba in lagu qabtay kuwo rag ah oo jalaabiibta habkii dumarka usoo xirtay kaddibna fal dambiyeedyo geystay," ayuu yidhi.

    Maamulka ayaa waqti digniin ah siiyay haweneka si ay amarkaas ugu hoggaansamaan, laakiin hadda waxaa socda howl-gallo adag oo lagu bartilmaameedsanayo dadka xiran indha-shareerka.

  10. Madaxweynaha Jabuuti oo Golihiisa Wasiirrada sidoodii kusoo celiyay

    Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan mar kale loo caleema saaray xilka, ayaa galinkii dmabe ee Isniintii ku dhawaaqay golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa, kuwaasoo uusan ka dhex muuqajin waji cusub.

    Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada ayaa ah kuwii horay xilalka u hayay oo sidooda loogu soo celiyay xafiisyada.

    Sidoo kale, marka laga soo tago magacyada ma jirin xilal la kala wareejiyay ama isku shaandheyn lagu sameeyay.

    Liiska wasiirrada ayaa ka kooban 26 xubnood.

    Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa dib loogu magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti.

  11. Madaxweynaha Mali oo la xiray iyo afgambi kale oo laga baqayo

    Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Mali ayaa dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo madaxweyne Bah Ndaw iyo Ra'iisul Wasaare Moctar Ouane, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in labadoodaba ay xireen militariga.

    Qoraal Twitter-ka lasoo dhigay (oo ku qoran luuqadda Faransiiska) ayay diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay sidoo kale ku codsadeen in xasilooni laga sameeyo waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika.

    Arrintan ayaa timid kaddib markii la shaaciyay warka sheegaya in madaxweynaha ku meel gaarka ah, Mr Ndaw iyo Mr Ouane ay ciidanka u kaxeysteen xerada militariga ee Kati oo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Bamako.

    Tallaabadaas ayaa abuurtay cabsi xoog leh oo ku aaddan in afgambi labaad uu ka dhaco waddankaas muddo hal sano ah gudaheed.

    Wasiirka Gaashaan dhigga, Souleymane Doucouré, ayaa sidoo kale lagu soo warramay in la xiray.

    Galinkii dambe ee Isniinta, Mr Ouane ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP khadka telefoonka ugu sheegay in militariga "ay u imaadeen si ay u kaxeeyaan". Wakaaladda ayaa sheegtay in wadahadalkii telefoonka uu halkaas ku go'ay.

    Ururka Midowga Afrika, Golaha Dhaqaalaha ee dalalka Galbeedka Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa dhammaantood waxay canbaareeyeen xarigga, waxayna dalbadeen in siyaasiyiinta sar sare ee Mali si shuruud la'aan ah lagu sii daayo.

    Xarigga mas'uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda, taasoo sababtay in xilalka laga baddalo labo sarkaal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee militariga ee ka qeyb qaatay afgambigii sanadkii hore.

  12. Suudaan oo xaalad deg deg ah looga dhawaaqay dagaal beeleedyo awgood

    Dowladda Suudaan ayaa waddankeeda kusoo rogtay xaalad deg deg ah iyo bandow xilliga habeenkii ah oo la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo ay saameeyeen dagaallo u dhaxeeya beelo iska soo hor jeeda.

    Isku dhacyada ayaa laga soo tabiyay dhinaca xeebta xiga ee magaalada Port Sudan.

    Ugu yaraan shan ruux ayaa lagu dilay qalalaasaha halka 13 kalena ay dhaawacmeen, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee Suna.

    Xafiiska dowlad goboleedka xiga Badda Cas wax tiro ah kuma uusan sheegin bayaan uu soo saaray.

    Dagaal beeleedyada ayaa kusoo noqnoqda dalka Suudaan, waxayna dhex maraan kooxo ka kala socda qabiillo iska soo horjeeda oo mararka qaar ku dagaallama qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah.

  13. Assalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tabinteenna taaska ah ee maanta oo Talaado ah, 25-ka bisha May, 2021.