You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kaniiniga Viagra ma wuxuu daweeyaa wadna xanuunka?
Kaniinigan awood-darada loo isticmaalo ee Viagra ayaa la sheegay inuu sidoo kale gacan ka geysan karo xanuunka asaasaqa ee Alzheimer, sida ay sheegeen baarayaasha Mareykanka oo daraasad ku sameynayay saameynta uu ku leeyahay maskaxda.
Baaritaanno lagu sameeyay unugyada ayaa lagu ogaaday in dawadan ay beegsan karto borotiinnada sababa asaasaqa.
Kooxdan Cleveland ayaa baaritaan ku sameysay xogta 7m oo bukaanno ah waxayna ogaadeen in ragga isticmaala kaniinigan ay khatar hoose ugu jiraan xanuunka Alzheimer.
Daraasado badan oo lagu sameeyay ayay sheegeen inay muhiim yihiim, sida ay ku daabaceen joornaalka Nature Aging.
Shaqada noocan oo kale ah waa mid xiiso leh, ayay yiraahdeen khubarada, iyagoo sababta ku sheegay in dawo horayba u jirtay ay tahay mid deg deg loogu daweyn karo xanuunka, ay ka fududdahay kana jaban tahay in la raadiyo oo la soo saaro dawo cusub.
Kaniiniga buluugga ah
Viagra, oo sidoo kale loo yaqaanno sildenafil, ayaa waxaa markii hore loogu talogalay wadnaha sababtoo ah shaqadeeda ugu muhiimsan waa hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarineysa xiidmaha dhiigga.
Dhaqaatiirta ayaa kaddib ogaaday inay saameyn taas la mid ah ku leedahay qeybo kale oo jirka ka mid ah, oo ay ka mid yihiin halbowlayaasha xubinta taranka ragga, waxaana kaddib loo aoqonsaday in lagu daweeyo tabar-darrida dareenka ee ragga.
Balse khubarrada ayaa aamisan in dawadan loo isticmaali karo siyaabo kale. Sildenafil ayaa haatanba loo isticmaalaa xaalad ku timaada sambabbada ragga iyo dumarka oo loo yaqaanno pulmonary hypertension.
Saynisyahannada ayaana dhowaan baarayay in dawadan ay caawineyso dadka khatarta ugu jirta asaasaqa vascular dementia - oo ah nooca labaad ee ugu badan xanuunka asaasaqa smarka laga soo tago nooca Alzheimer - kaas oo qofka ku dhaca marka qulqulka dhiigga oo yar uu dhaawaco maskaxda.
Baarayaasha ayaa haatan aaminsan in sidoo kale uu caawin karo nooca Alzheimer.
Sababta rasmiga ah ee noocan asaasaqa ayaan weli si fiican loo fahmin, balse dhaqaatiirta ayaa ka war qaba in borotiinno aa caadi ahayn ay isugu ururaan maskaxda qofka qaba xanuunkan.
Kooxda Cleveland ayaa ogaaday:
- In xaddi sare oo kaniiniga ah (taas oo ka badan inta uu qofka caadiga ah qaadan karo) ay kordhisay koboca unugyada maskaxda ayna yareysay borotiinka ku ururaya maskaxda
- In dadka isticmaala sildenafil ay khatar yar ugu jireen inuu ku dhaco asaasaqa marka loo eego kuwa aan isticmaalin, sida lagu saleeyay xogta caafimaad ee shakhsiyaadka muddo u dhaxeysa lix sano waxaana daraasadda ka qeyb qaatay in ka badan 7.23m oo qof
Baaraha horkacayay daraasadda Dr Feixiong Cheng ayaa sheegay in xogtan ay tahay mid dhiirrigelin leh, balse ay u baahan tahay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo: "Sababtoo ah xogteenna waxay keliya ku saabsan tahay xiriirka ka dhaxeeya isticmaalka sildenafil iyo xanuunka Alzheimer, waxaan haatan qorsheyneynaa tijaabo kale."
Prof Tara Spires-Jones, oo ka tirsan Jaamacadda Edinburgh, isla markaana ah khabiir baaritaanka maskaxda ah oo u dhalatay UK ayaa tiri: "Shaqo badan ayaa loo baahnaan doonaa si loo ogaado haddii daawadan ay yareyn karto xanuunka Alzheimer.
"Iyadoo xogtan ay saynis ahaan xiiso leedahay, sida lagu xusay daraasaddan, kuma degdegi lahayn inaan bilaabo in sildenafil aan u isticmaalo kahortagga cudurka Alzheimer."
Dr Jack Auty, oo sayniska caafimaadka ka dhiga Jaamacadda Tasmania, ayaa yiri: "Marka laga hadlayo baaritaanka cudurka Alzheimer, daawooyin badan ayaa na farxad geliyay sanadihii la so dhaafay, iyadoo haatanna tijaabo caafimaad lagu sameeyay. Si dhow ayaan u daba geli doonaa kooxdan baaritaanka iyo baaritaanka la xiriira sildenafil."