Sidee dalkan yari ugu babac dhigayaa Shiinihii weynaa?

Lituania

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa waddan yar oo ay ku nool yihiin 2.8 milyan oo keliya, laakiin taasi kama joojin in ay la tartamaan Shiinaha oo awood badan.

Bilihii la soo dhaafay, Lithuania waxay xoojisay xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, taas oo ka cadheysiisay Beijing, oo u aragta jasiiraddaas qayb ka mid ah dhulkeeda.

Dhacdadii ugu dambeysay ee xiisadaas, dalkan yar Yurub lku yaallaa wuxuu u ogolaaday Taiwan inay ka furato dalkiisa safaarad dhab ah, jawaabta Shiinahana waxay noqotay inay hoos u dhigto xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed ee Lithuania.

Khilaafku wuxuu bilaabmay xagaagan, markii Taiwan ay ku dhawaaqday in xafiiskeeda Lithuania loogu yeedhi doono hadda kaddib safaaradda Taiwan. Shiinaha ayaa kala baxay dalkaas safiirkooda bishii Ogosto.

Xafiisyada kale ee Taiwane ee Yurub iyo Maraykanka ayaa isticmaala magaca caasimadda dalka ee Taipei, si ay uga fogaadaan tixraaca jasiiradda lafteeda.

Shiinuhu wuxuu u arkaa gobol ka mid ah oo dhego adag, laakiin Taiwan waxay isu aragtaa mid madaxbannaan.

Xafiiska cusub ee Taiwan ee Lithuania, oo la furay 18-kii Noofambar, waa jago cusub oo diblomaasiyadeed oo jasiiraddaasi ka furato Yurub muddo 18 sano ah, markii u horraysay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ka falcelisay iyada oo sheegtay in tallaabada Lithuania ay "wax u dhimayso madaxbannaanida Shiinaha iyo wadajirkeeda dhuleed" waxayna abuurtay "horkicid xun oo heer caalami ah."

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Taas oo ay wasaaraddu ku micnaysay in ay hoos u dhigi doono ballan-qaadkoodii diblomaasiyadeed ee ay dalkaas u hayeen oo gaadhsiin doonaan heer hal darajo ka yar kii safiirnimo.

Sida ku cad mabda'a "hal Shiine" , Beijing waxay ku adkaysanaysaa in Taiwan ay tahay qayb aan la dafiri karin oo Shiinaha ah oo maalin uun dib loola midoobi doono.

Dhanka kale, siyaasadda "hal Shiine" waa aqoonsiga diblomaasiyadeed ee mowqifka Beijing ee ah in ay jirto hal dowlad oo Shiinaha ah.

Sida ku cad siyaasaddan, Beijing ma ogola in ay xidhiidh la yeelato quruumaha aqoonsan jasiiraddaas, taas oo keentay in tiro aad u yari ay xidhiidh la yeeshaan Taipei.

Maanta oo keliya 14 waddan, marka lagu daro Vatican-ka, waxay xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyihiin Taiwan. Inta badan waa jasiirado yaryar, inkastoo qaar ka mid ah quruumaha Bartamaha Ameerika sida Belize, Guatemala, Honduras iyo Nicaragua ay sidoo kale ku jiraan. Haddana, Paraguay waa dalka kaliya ee Koonfurta Ameerika ah ee aqoonsan.

Laakin furitaanka xafiiska ma ahayn meesha kaliya ee ay iskaga dhaceen labada dal.

Bishii Sebtembar, Wasaaradda Difaaca ee dalka Baltic-ga ayaa ku boorisay Lithuania ciddii haysata taleefoonnada Shiinaha inay iska tuuraan oo ay iska ilaaliyaan iibsashadooda.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xarunteeda Amniga Internetka ee Qaranka, mid ka mid ah taleefannada Xiaomi waxa uu lahaa qalab faafreeb ku dhex samaysayn ayahay, halka nooc kale oo Huawei uu lahaa cillado xagga ammaanka ah.

Banderas de Lituania y China.

Xigashada Sawirka, Tomas Ragina

Xidhiidhka ay la leedahay Taiwan

Lithuania, oo sanadihii la soo dhaafay noqotay xarun tixraac u ah oo tignoolajiyada maaliyadeed, waxay difaacday xaqa ay u leedahay inay xidhiidh la samaysato Taiwan, oo ah bixiye weyn oo ah adeegyada tignoolajiyadda yo warshadaha kale ee farsamada, laakiin waxay sheegtay inay ixtiraamayso siyaasadda ah "hal Shiine ah."

"Lithuania waxay dib u xaqiijineysaa inay u hoggaansan tahay siyaasadda 'hal Shiine', laakiin isla markaa ay xaq u leedahay inay ballaariso iskaashiga ay leedahay Taiwan. Helitaanka matalaadda Taiwan ee Lithuania waxay ku saleysan tahay dano dhaqaale, " Dowladda Lithuania ayaa bayaan ku sheegtay arrintaas.

Furitaanka xafiiska Vilnius ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee xidhiidhka dhexmaray Vilnius iyo Taipei.

Dhowr qof oo dadwayne ah iyo siyaasiyiin ah oo ku nool dalka Baltic ayaa saxeexay warqad furan oo ku socotay Madaxweyne Gitanas Nauseda sanadkii 2020 kaas oo ay kaga codsadeen in qarankaasi uu taageero madax bannaanida Taiwan iyo u ogolaanshaha Golaha Caafimaadka Adduunka.

Intaa waxaa dheer, Lithuania waxay ugu deeqday 20,000 oo tallaalka COVID-19 ah Taiwan bishii Juun.

Laakiin maxay Lithuania u xiisaynaysaa inay xoojiso xidhiidhka Taiwan, iyada oo khatar gelinaysa inay ka cadhaysiiso awood sida Shiinaha oo kale ah?

Gabrielius Landsbergis

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gabrielius Landsbergis, Wasiirka arrimaha dibadda ee Lithuania

Qayb ahaan waxay la xidhiidhaa booska jasiiradda ee ku aaddan bixinta alaabada tignoolajiyada ee tayada sare leh, ayuu yidhi Konstantinas Andrijauskas, oo ka socda machadka xidhiidhka caalamiga ah iyo cilmiga siyaasada ee jaamacada Vilnius, uu u sheegay BBC Mundo.

Dhanka kale waxa uu sii raaciyey hadalkiis in "Lithuania ay dooneyso inay xoogga saarto dhinacyada diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay la leedahay dimuqraadiyadda xorta ah, ama ugu yaraan dimuqraadiyadda doorashada ku dhacda sida, tusaale ahaan, Singapore, sababtoo ah waxay dareemeysaa in xidhiidhka dhaqaale ee wadamada kali-taliska ah uusan u keenayninn faa'iidooyin badan. ", ayuu raaciyay.

Laakiin tani maaha markii ugu horeysay ee Lithuania ay wajahdo dal awood weyn1990kii waxay ahayd jamhuuriyadii ugu horaysay ee Soofiyeedka ee ku dhawaaqday inay ka go'day Moscow.Iska caabbinta Soviet-ka waxaa hogaaminayay Vytautas Landsbergis, oo awoowe u ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee hadda, Gabrielius Landsbergis.