Wiil maqalka Naafo ka ah. "Kabo hooyaday ii keentay oo iga yaraaday ayaan ganacsigan ku bilaabay"

Saddexda Diseember sanadkasta waxaa Adduunka laga xusaa maalinta dadka Naafada ah, iyadoo dadkaasi inta badan tacadiyo kala kulmaan bulshada iyo in aanay dadkale ula sinayn nidaamka shaqo gelinta.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, oo ah wiil maqalka naafo ka ah waxa uu saddex sannadood ka hor dhammeeyay dugsiga sare ee dhagoolayaasha Hargeysa kaas oo ay waxka bartaan dadka maqalka naafada ka ah kadibna shaqo raadis ayuu bilaabay balse kuma guulaysan.
Sida uu BBC-da ayuu u sheegay Cabdiraxmaan waxa shaqooyin badan oo uu codsadey loogu diiday sababo la xidhiidha in aanu dhegaha waxba ka maqlin.
Cabdiraxmaan oo ah wiilka maqalka naafada ka ah ayaa BBC-da u sheegay in isaga oo la niyad jabsan shaqo la'aanta haysata ay maalin hooyadii u keentay kabo balse ay ka yaryaraadeen kadibna uu dhigay Internetka gaar ahaana Whatsapp-ka si looga iibsado, Waana laga gatay, sidaas ayuu ku bilaabay ganacsigiisa .

"Meelo badan ayaan shaqo waydiistay waxaana caqabad igu noqotay oo laygu cunsuriyay in aan ahay nin maqalka naafo ka ah, maalin maalmaha ka mid ah ayaa hooyaday kabo ii keentay Kabihii ayaa iga yaraaday, sawir ayaan ka qaaday kabihii Whatsapp-ka ayaan dhigay waa layga iibsaday waan ku farxay, waxa aan go'aansaday in aan suuqa Internet-ka ka ganacsado waana sida aan ku bilaabay suuqan oo aan u bixiyay Deaf Boy (Wiilka maqalka naafada ka ah" ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Maxay tahay Shirkada Deaf Boy ee uu Wiilkani aasaasay?

Waa shirkadda habka Online-ka wax u iibisa oo uu mulkiile ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi, islamarkaana ay ka shaqeeyaan 15 qof oo shaqaale ah kuwaasi oo isugu jira kuwo maqalka Naafo ka ah iyo kuwa laxaadkoodu dhamaystiran yahay.
Cawaale Jaamac, oo isna maqalka Naafo ka ah kana mid ah macaamiisha meheradan ayaa BBC-da u sheegay in markay arkaan guusha uu gaadhay saaxiibkood iyana hadda ku dhiiranayaan sidii ay u aasaasan lahaayeen Ganacsiyo gaar ah maadaama oo ay adag tahay in ay shaqo helaan.
Sahra Cismaan Caalin waxa ay halkan uga shaqaysaa qaab ka duwan shaqaalaha kale ee meheradan waa qofka isu afgarataa macaamiisha meheradan wax ka iibsada ee laxaadkoodu dhan yahay iyo shaqaalaha maqalka naafada ee meheradan iibinaya waxa ay ku shaqaysaa turjumaannimo maadaama ay baratay luuqadda dadka maqalka naafada ka ah waxa ay ka mid tahay Shaqaalaha shirkada Deaf Boy oo uu aas aase ka yahay Cabdiraxmaan.
"Maadaama aan anigu ahay qof ka duwan shaqaalaha oo isku xidhi kara dadka maqalkoodu xadidan yahay iyo dadkaanu maqalkoodu xadidinayn, run ahaantii taasi cabdiraxmaana u tahay aniga ii tahay muhiimad gaar ah, sida shirkadaha kale aanay u haysan qof turjumaan ah si labadii bulshadaba lay, dadku waxay noo yimaadaan iyaga oo ganacsigooda doonaya oo baahidaada doonaya oo marka hore la yaaban oo isleh saad wax uga soo iibsataan balse waxay naga noqdaan iyaga oo ku faraxsan in turjumaan u joogo " Sahra Cismaan.
Tirakoob ama xog dhamaystiran oo ku saabsan xaaladaha dad ka laxaadka la' ee Somaliland ma jirto. Iskataba ha ahaatee dhammayn qiyaasahu waxa ay sheegaan in ay ka badan tahay qiyaasta caalamiga ah ee ah 15%. Taas oo ay sabab u tahay wakhtiga dheer ee ay ka jireen colaadaha, faqriga, iyo daryeel la, aanta caafimaad.
Sahan laga sameeyey Somaliland ayaa waxa lagu ogaaday in 42% qoysaska reer Somaliland ay haystaan ugu yaraan hal qof oo laxaad la'.
Ma jirto xog dhab ah oo ku saabsan caruurta laxaadka la' ee Somaliland. Laakiin qiyaaso ayaa sheegaaya in ugu yaraan boqolkiiba 10 ka mid ah caruurta Somaliland ay si uun laxaadka u laayihiin.










