Kalkaaliye kufsaday haweeneey koomo ku jirtay oo xabsi lagu xukumay

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ninkan oo reer Arizona ah ayaa waxaa lagu xukumay 10 sannadood oo xabsi ka dib markii lagu helay dambi ah inuu kufsi u geystay haweeneey naafo ah oo lagula tacaalayay xarun uu ka shaqeynayay.

Kalkaaliye hore Nathan Sutherland ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday haweeneyda oo miyir daboolnayd taas oo ku sugnayd xarunta Hacienda HealthCare ee Phoenix.

Waxaa la xiray 2018 ka dib markii Hidda Sidahiisa uu la mid noqday muunad laga qaaday ilmaha dhashay.

Sutherland waxa uu bishii Sebtembar qirtay dambiga ah in uu ku xad-gudbay qof weyn oo weliba nugul.

Dhibanaha oo markii ay dhaleysay canuuga ahayd 29 sano jir ayaa la sheegay in ay daryeelka xaruntaasi ku jirtay tan iyo markii ay yareyd.

Marka laga soo tago xukunkiisa xabsiga, Sutherland waa lala socon doonaa inta noloshiisa ka dhiman waxaana laga rabaa in uu isu diiwaan geliyo dambiile galmo kadib marka la sii daayo.

Nathan Sutherland oo maxkamd jooga

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Nathan Sutherland oo maxkamd jooga

War qoraal ah oo ay soo xiganeyso warbaahinta Mareykanka, ayuu xeer ilaaliyaha degmada Maricopa Allister Adel ku sheegtay in xukunka uu yahay midka ugu sarreeya ee lagu xukumi karo ka dib markii uu Sutherland qirtay inuu geystay dambiga.

Waxay intaas ku dartay in xukunku ka hor la tixgaliyay arrimo badan oo ay ku jiraan nuglaanshaha dhibbanaha iyo heerka aaminaadda ee eedaysanaha".

BBC-du waxay la xiriirtay labada xafiis ee xeer ilaaliyaha degmada Maricopa iyo qareenka Sutherland si ay uga hadlaan mowqifkooda ku aaddan xukunka.

Codadka 911 ee wicitaanada booliska ee lagu baahiyay warbaahinta ayaa muujinaya in xarunta Hacienda HealthCare aysan horay uga warqabin inay uur leedahay haweeneyda balse ay ogaadeen uun markii ay umuleysay.

"Mid ka mid ah bukaannada ayaa hadda ilmo dhashay, mana aanan ogeyn inay uur lahayd," waxaa la maqlayay kalkaaliso sidaa leh oo taleefoon ku hadleysa. "Uma aanan diyar-garooobin arrintan."

Bishii Maajo ee 2019, qoyska dhibbanaha ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah xarunta Hacienda HealthCare.

Dacwadda ayaa xusay in baaritaan caafimaad lagu ogaaday in haweeneyda "lagu xad-gudbay marar badan" lagana yaabo inay uur lahayd ka hor dhacdada keentay in Sutherland la xiro.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Sannadkii 2019-kii dadka qaar ee ku nool daafaha calamka ayaa waxay u soo bexeen jidadka iyagoo dalbanaya in la joojiyo xadgudubka haweenka ay la kulmaan.

Dibadbaxayaal ayaa isugu soo baxay dalal ay ka mid yihiin Mexico, Taliyaaniga, Turkiga iyo Sudan.

Qiyaastii, 87,000 oo dumar ah ayaa sannadkii 2017-kii oo keliya lagu dilay amaba lagu kufsaday daafaha caalamka, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Qaramada Midoobeey waxay tilmaamtay in xadgudubka ka dhanka ah dumar iyo gabdho yaryar uu ka mid yahay "dhibaatooyiinka baahsan ee loomaara la'yahay, iyo masiibada ku habsatay xuquuqda aadanaha ee dunida maanta". Xadgudubyadaas badankooda waa la qariyaa sababo la xiriira ciqaab la'aanta qofka geystay iyo faquuqa.

.

Xigashada Sawirka, AFP