Tacaddiyada Haweenka: 'Ninkayga wuu ii gacan qaadi jiray mar kasta"

Haween

Sacdiya waxa ay ka cabanaysaa gacanqaad joogta ah oo ay kala kulanto saygeeda oo saddex carruur ah ay u hayso.

Sacdiya waxa ay ku nooshahay magaalada Jigjiga halkaas oo ay sheegtay inay kula kulanto dhibaato jireed iyo mid maskax oo ay kala kulanto ninka ay u dhaxdo ee ay dhowrka carruurta ah u dhashay.

Waxa ay inooga warrantay sida jir ahaan ay dhibaato u soo gaartay: "Waad arkaysaa nabarrada ku yaalla wajigayga, intaas oo sanno ayaan ninkaa wadajoognay, waan u dulqaadanayay," ayey tiri Sacdiya.

"Hooyaan ahay, ilmaan haystaa, wax in la iswaydiiyo iyo wanaag ayuu reerku ku dhisan yahay, haddii aan wax waydiiyo waa inuu i dilaa.

Xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ku nool Dawlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa u badan kufsiga iyo gacanqaadka ka dhex dhaca lamaanaha isqaba iyadoo badi danbiyada xadgudubyada ka dhanka ah dumarkana lagu xalliyo hab dhaqan oo aanan maxkamad la gayn.

'Soomaalidu hab dhaqan ayey dhibaatada qoyska ku xalliyaan'

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa ka jira xarun loogu magac daray Xarunta Adeegbixinta Halgoob, halkaas oo lagu dhagaysto kiisaska tacaddiyada loo gaysto haweenka.

Magaalada Jigjiga
Qoraalka sawirka, Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida

Xaruntan waxa ay kulmisaa xafiisyada haweenka, booliska, cadaalladda iyo caafimaadka, waxaanay xaruntu u taagan tahay ka jawaabcelinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ee deegaanka.

Fardowsa Cabdi, waa madaxa xaruntaasi waxaana ay BBCda u sheegtay in inta badan Soomaalida ay arrimaha tacaddiyada qoyska ku xalliyaan hab dhaqan ah oo guryahaba arrimaha noocaas ah ma soo dhaafaan.

Fardowsase waxa ay sheegaysaa inay jiraan dad bulshada ku dhex jira oo yimaadda xafiiskooda "Laakiin intooda badan markii dhaqankeenna eegno gabdhuhu gurigooda ayaa arrimahaas loogu xalliyaa oo gurigooda ayaa lagu hayaa, xataa haddii ay dhibaato la kulmaan laguma tusayo, waa lagaa qarinayaa,"

"Waxay yiraahdaan annagaa dawaysanayna oo waa xaaskayaga oo gacan inagaga dhacday, odayaal baana ku dhexjira. Marka saas ayey ku xalliyaan, walow ay jiraan qaar kuu imanaya oo ku leh ninkan sharciga ha ii mariyo.

Dhibaatada kufsiga ee gabdhaha yaryar

Xarunta Adeegbixinta Halgoob ayaa waxaa la aasaasay 2017-kii, ayaa dhibannayaasha u soo adeeg doonta waxa ay siisaa adeegyo kala duwan oo isugu jira caafimaad, talo-siin iyo cadaalad u helidda ayaa kiisaska ay qaaddo waxaa ugu badan kufsiga loo gaysto hablaha da'doodu ay ka yar tahay 18-ka sanadood.

Haweeney

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xafiiska waxaa yimaada haweenka ama gabdhaha lagula kaco tacaddiyada iyo kufsigaba ee guud ahaan deegaanka Soomaalida, iyadoo halkaasna lagu dhagaysto sheekooyin naxdin leh oo aannay dhagaynsan karayn dadka jilicsan.

Intii warbixintan ay BBCda diyaarinaysay ayaa waxaa xafiiska la keenay gabar yar oo 13-jir ah oo la kufsaday oo leh uur toddoba bilood ah.

Xarunta ayaa ka digaysa in haddaadan tallaaba wadajir ah la qaadin ay sii badan karto dhibaatada kufsiga ee lagu hayo hablaha yaryar "Da'da la kufsadaa waxaa ugu badan wixii ka yar 18-jir, wixii ka korreeya naguma badna," ayey tiri Fardowsa.

Iyadoo bishiiba ay xaruntu diiwaangeliso ugu yaraan sideed kiis oo kufsi, hasayeeshee waxa ay howlwadeennada xaruntu ka cabsi qabaan in dhibaatadu ay intaasi ka badan tahay oo si hoose ay reeruhu kufsiga iyo tacaddiyada kalaba u xalliyaan.

'Waxaan go'aansaday in sharciga uu ninkan iga reebo'

Waxaa la sheegaa in haweenku ay dhibbane u yihiin rabshadaha salka ku haya jinsiga, iyadoo xadgudubyada ka dhexdhaca lamaanaha isudhaxa ee Deegaanka Soomaalida ay dumarka dhib mahadha ka soo gaarto, arrintaas oo ka mid dhibaatooyinka haweenka deegaankaasi haysta.

Haweeney

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan markii ay ninka iyo xaaskiisa isqabtaan waxaa soo farageliya ehellada lamaanaha, balse waxaa jira marar haweenka ay sharciga hoosgalaan si ay cadaalad u helaan, taas oo ah midda haatan ay Sacdiya tiigsanayso.

Markii ay Sacdiyo u warramaysay BBC Somali ayaa waxa ay ku sugnayd guri ay ku soo dudday, iyadoo ay la joogeen odayaal ka socday saygeeda oo erga ka ahaa ninkeeda.

Hasayeeshee waxa ay ku adkaysatay inay sharciga la tiigsan doonto ninka dhibaatada jismiga ah ee muuqata u gaystay: "Marwalba qoyska celintooda iyo wanaaga xagga labada reerba ah ayaan ku joogay, laakiin hadda way iga dhammaatay, way iga soo go'day, oo inaanan mardambe u dulqaadan ayaan go'aansaday oo sharciga uu iga reebo ninkaas," ayey tiri Sacdiya.

Heerka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ee caalamka

Women

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haween ka mudaharaadaya dhibaatada loo gaysto

Boqollaal milyan oo haween ah ayaa caalamka oo dhan waxaa dhibaato kula kacay ragga ay nolosha wadaagaan, iyadoo dhibaato jireed iyo mid maskaxeed oo mararka qaar mahadha ah ay soo gaartay ugu yaraan hal mar intii ay noolaayeen.

Dhibaatada lagu hayo haweenka waa mid caalamka oo dhan ka jirta, iyadoo la sheegay in tacaddiyada haweenka loo gaysto ay mararka qaar ka dhashaan musiibooyinka dabiiciga ah, cunto-yarida iyo ku xadgudubka xuquuqda haweenka iyo gabdhaha yaryar.

Arrintaas ayaa dhibaato ku keenta guryaha, xaafadaha ama xitaa bulshooyinka, iyadoo la sheegayo in intii uu jiray cudurka safmarka ah ee Covid-19 ay sii korodhay dhibaatada haweenka soo gaaraysa.