Dhoofinta badeecooyinka: Maxay tahay qaylo dhaanta ku saabsan ‘Moos Soomaaliya laga dhoofiyay’ ee caalamka qabsatay?

Dhowr isbuuc gudahood waddamo badan oo dunida ka tirsan ayaa laga soo tabiyay saameynta sheeko ku saabsan Moos sumeysan oo la sheegay in laga dhoofiyay Soomaaliya, maalinba maalinta ka dambeysana waxaa sii kordhaya dalalka ka hadlaya.
Walaaca ayaa ka dhashay muuqaal baraha bulshada si weyn ugu faafay oo muujinayay in magaalada Abu Dabi iyo dalal kale la geeyay moos dhan 500 oo tan oo dhexdiisa la geliyay gooryaan sun ah oo magaciisa lagu sheegay "Helicobacter".
Waxaa la isla dhex marayay in qofkii cuna mooskaas ay maskaxdiisu ku dhimaneyso 12 saacadood ka dib xilliga uu cuno.
Hase yeeshee waddamada laga soo tabiyay qeylo dhaanta dhammaantood waxay beeniyeen in arrintaas ay wax ka jiraan.
Dowladda Mexico ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegeyso in uu been abuur yahay warka la xiriira in moos Soomaaliya ka yimid oo caafimaad darro wata uu soo galay waddankeeda, waxayna shacabkeeda u xaqiijisay in aysan halistaas jirin gebi ahaanba.
Waxaa kasii horreeyay dalalka Koonfur Afrika, Hindiya, Imaaraadka Carabta, Morocco, Spain, Venezuela iyo Chile oo sidaasoo kale u beeniyay in mooskaas uu gaaray.

Xigashada Sawirka, The Star
Ma runbaa waxa lagu sheegay muuqaalka?
Maalmo yar kaddib markii uu muuqaalkaas faafay, mas'uuliyiinta waaxda beeraha iyo badbaada raashinka ee Abu Dabi ayaa beenisay jiritaanka muuqaalka oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah.
"Muuqaalka aad loogu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan mooska Soomaaliya ma aha mid sax ah, waa been abuur, waana xog marin habaabin ah, ayaa lagu yiri waaxdan oo magaceeda loo soo gaabiyo Adafsa.
Intaas waxaa sii dheer, gooryaanka noociisu yahay "Helicobacter" ee la sheegay inuu mooskan ku dhex jiro ma aha gooryaan balse waa nooc ka mid ah bakteeriyada oo il ma qabato ah.
Bakteeriyadan ayay khubaradu sheegeen in ay gali karto jirka bani'aadanka calooshiisana ay ku noolaan karto muddo sannado ah.
Waaxda nabadgalyada raashinka ee Dubai ayaa bayaanka ay ku beenisay xogta ku jirta muuqaalkaas ku sheegtay in gooryaan uusan ku dhex noolaan karin mooska. Waxaa kale oo gabi ahaanba arrintan mid aan jirin u ekeysiinaya waxa lagu qeexay gooryaanka oo ah mid aad u dheer.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddamada qaar ee qaylo dhaanta laga soo tabiyay waxay sheegeen in aan wax moos ah looga soo dhoofinin Soomaaliya.
Hindiya ayaa waddankeeda ku tilmaantay inuu yahay mid isaga laga qaato mooska balse aan dibadda ka keensanin.
Sidoo kale, Wasaaradda beeraha, kalluumeysiga iyo cuntada ee dalka Spain ayaa sheegtay in aysan si toos ah Soomaaliya uga soo dhoofsanin moos, tan iyo bishii August ee sanadkanna aan wax moos ah dibadda looga keenin.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa iyaduna sheegtay in warkaasi uu been abuur yahay. Waxa ay dowladdu bulshada u ballan qaaday in mooska yaalla dalkaas uu yahay mid caafimaad qaba islamarkaana uu yahay mid ammaan ah oo caafimaad ahaanna la cuni karo.
Waaxda Beeraha, Dib-u-habaynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay "canbaaraynayso, iyadoo adeegsanaysa ereyada ugu adag, wararka been abuurka ah ee ku saabsan Mooska Soomaaliya laga keeno". sida ay warbaahinta gudaha ee Koonfur Afrika kasoo xigatay waaxdani.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha ganacsi ee Soomaaliya ka dhoofiya mooska oo ay arrintan uga hadlayaan ama ku beeninayaan.
Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno.
Khubarada xagga cuntadda, sida Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London ayaa sheegay in mooska ay ku badan tahay macdanta Potassium, oo jirka bini'aadamka uu u baahan yahay.













