Cabdullaahi Axmed Yuusuf: Filsan aabeheed oo BBC uga warramay xiridda Nabad TV

Qoraalka Codka, Filsan aabeheed oo BBC uga warramay xiridda Nabad TV

Maamulaha Talefishinka Nabad ee albaabada ay isugu laabeen maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa sheegay in markii horaba ula-booc ah loogu tukubayay.

Booliska Dowlad Deegaanka ayaa sheegay in talefishinka uu baahiyay warbixin kicin aheyd, taas oo liddi ku ah ammaanka deegaankaasi.

Hasayeeshee Cabdullaahi Axmed Yuusuf oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in qaab kale loo maarayn karay arrinta oo xariga laga baaqsan karay, waxa uuna intaasi raaciyay in aanay jirin wax dhibaata ah oo isaga iyo taleefishinkaba loo gaystay.

Waxaase illaa hadda xiran afar shaqaale ah iyo xaruntii taleefishinka uu ku howlgeli jiray ee magaalada Jigjiga.

Haddaba Cabdullaahi Axmed Yuusuf, maamulka talefishinkaas ayaa u warramay weriyaha BBC, Farah Lamaane, wuxuuna sheegay in la daawadsiiyay warkii telefishinka ka baxay ee sababay in Nabad TV la xiro. (Wareysiga qeybta kore ka dhageyso)

"Warkan waa war xanaf leh oo isku dirid dadweyne iyo bulsho iska hor keenid ah waaye ayey i yiraahdeen. Markaa waxaan ku iri waa hadba sidii loo dhigo", ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowlada Deegaanka, Mustafa Cumar oo bartiisa facebook qoraal soo dhigay ayaa yiri: "Xiriirka u dhexeeyo hadal naceyb ah iyo qalalaaso waa mid la og yahay. Taas waxaan ku aragnay qeybo badan oo caalamka ah iyo dhacdooyiin badan oo taariikheed".

Farriinta madaxweyne Mustafa Cumar

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Koomishinneer-ku-xigeenka Booliska Deegaanka Soomaalida Gaashaanle Sare Maxamuud Sheekh Axmed oo SRTV u warramay wuxuu sheegay inuu talefishiinka baahiyey warbixin abuuri karta amni darro, iyo arrin iska hor keeni karta qowmiyadaha deegaankaasi ku wada nool.

Sida ay Filsan ku baahisay baraha bulshada, waxaa la xiray waalidiinteeda, ka dib markii albaabada la isugu dhuftay Nabad TV.

Sida ay wararka sheegayaan, barnaamijka sababay in la xiro telefishinka wuxuu ahaa mid dadweynaha lagu weydiinayey arargtidooda, kuwaas oo durayay dadka aan deegaanka Soomaalida u dhalanin ayna sheegayeen iney shaqooyinki oo dhan la wareegeen qowmiyado aan deegaanka Soomaalida u dhalanin.

Telefishinka la xiray waxaa gaar u leh oo aasaastay Filsan Cabdullaahi Axmed oo ah wasiir hore oo dhawaan iska casishay xilkii ay ka haysay dowladda Federaalka ee Itoobiya.