Nigeria: Burcadda jacaylka internet-ka ee shukaansiga ku khiyaanay 100 dumar ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sideed nin oo reer Nigeria ah oo lagu eedeeyey falal dambiyeed ay ka geysteen bog internet-ka ah oo la isku shukaansado ayaa la hor keeney maxkamad ku taal Koonfur Afrika ka dib hawlgal ballaadhan oo caalami ah oo ay ka qayb galeen FBI iyo Interpol.
Mas'uuliyiinta Mareykanka oo ah halka uu baadhitaanku ka bilaabmay oo inta badan dhibanayaasha la sheegay inay deganyihiin ayaa codsaday in loo soo gacan geliyo raggaas.
Waxaa lagu eedeeyay inay khiyaameeyeen in ka badan 100 qof oo ay ka qaateen lacag ku dhaw 7 milyan oo doolar tobankii sano ee la soo dhaafay.
Kama ay hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.
Waa hawlgalkii ugu weynaa ee ka dhaca Koonfur Afrika sida ay sheegtay afhayeenka booliska Col Katlego Mogale.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Eedeysanayaashan oo da'doodu u dhexeyso 33 ilaa 52 jir ayaa Salaasadii lagu xidhay Cape Town kaddib codsi kaalmo sharci ah oo Maraykanku u soo diray Koonfur Afrika.
Waxaa la rumeysan yahay in FBI -da iyo sirdoonka Mareykanku ay hoggaaminayeen baadhitaanka, waxayna la shaqeeyeen mas'uuliyiinta Koonfur Afrika oo ay ku jiraan qeybta booliiska gaarka ah ee loo yaqaan Hawks.
Raggaan ayaa laga doonayaa gobollada Texas iyo New Jersey oo looga haysto dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin shirqool dhac xisaab bankiyo iyo xatooyo badheedh ah.
Dacwad ooge Robin Lewis oo diidanaa damaanad ay codsadeen eedaysanayaashu ayaa ku eedeeyey raggaas inay ka tirsan yihiin Black Axe oo ah koox maafiyo calami ah oo abaabulan ah oo ka soo jeedda Nigeria, kuwaas oo falalka ay ku kacaan ay ka mid yihiin in lacagaha la maydhaamo oo la mariyo xisaabo kala duwan.
Dawladdu waxay ku doodday in nimankani baxsan karaan sababta oo ah waxay wali haystaan akoonno la sheegay in la adeegsaday.
Eedeysanayaasha ayaa mudan doona 20 sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga.
Eedaysanayaashu waxay falkiyeen "sheeko-xariiro"
Waxaa lagu eedeeyay inay ku beegsadaan dhibbanayaashooda boggaga shukaansiga iyagoo adeegsanaya aqoonsiyo been ah. Dhibbanayaasha ayaa badankoodu ah dumar laga dhintay oo keli nool ama carmal, waxayna moodayeen inay xidhiidh dhab ah oo jacayl ah la yeelanayaan raggan.
Korneyl Mogale ayaa sheegay in markii eedaysanayaashu "ay aad isku dhex galeen dhibbanayaashooda, waxaa la sheegay inay soo diyaariyeen sheeko xariiro qosol leh oo ku saabsan sababta ay lacag ugu baahan yihiin tusaale ahaan canshuuraha si loo sii daayo dhaxalka safarrada dibadda ee muhiimka ah, deynta curyaaminta, iwm ka dibna lacag ka siiya dhibbanayaasha".
"Dhagarqabayaashu waxay cabsi geliyeen oo ay canbaareeyeen dhibbanayaashoodii waxay burburiyeen noloshooda ka dibna waa la waayay," ayay tidhi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qof deris la ah laba ka mid ah eedaysaneyaasha oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u sheegay inuu aad ula yaabay markii uu maqlay in labada nin ee walaalaha ah lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo Nigerian ah.
"Waxay ahaayeen dad saaxiibtinimo leh oo aad moodo in aanay waligoodna wax dambi ah gelin. Labada walaalaha ah midkood ayaa guursaday gabadh muwaadinad Koonfur Afrika ah," ayuu yidhi.
"Toddobaadkiiba hal mar qiyaastii 10 baabuur oo kuwa raaxada ah ayaa iman jiray gurigooda oo saacado yar gudahood ka bixi jiray. Waxay ahaayeen gawaadhi heer sare ah sida 2021 Mercedes Benz, Jeep iyo Ferrari. Qaabka ay u labistaan waxaad ku sheegi kartaa inay hodan yihiin".
Dariska ayaa ku baraarugay dhawaqa eyda oo ciyaya markii la weeraray guryihii walaalaha Salaasadii. Illaa 60 nin oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bilayska ayaa ku qaatay ilaa lix saacadood ururinta caddaymaha guryaha. Toddoba guri oo kale ayaa iyagana lagu weeraray isla xaafadda.
Lewis ayaa sheegay in qaar ka mid ah raggaasi aysan si sharci ah ku joogin Koonfur Afrika tan iyo markii baasabooradoodu dhaceen. Waxa kale oo uu ku dooday in haddii ragan dammaanad lagu sii daayo, ay wax u dhimi karaan caddaynta digital-ka.
Codsi dammaanad oo dhammaystiran ayaa la filayaa in ay mar kale soo gudbistaan Salaasada iyo Khamiista soo socoda inta ay socoto dhegaysiga doodda ku saabsan in ragaa la dhiibi karo iyo in kale.
Wargayska TimeLive ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in ciidanka gaarka ah ee Hawks ay baadi goobayaan nin sagaalaad oo kiiskan xidhiidh la leh.












