Maxay dowladaha Afrika hawada uga saaraan Internet-ka?

A girl in the Democratic of Congo on a computer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tirada dalalka so rogay xanibaadaha internet-ka ee Afrika ayaa sare u si kacay

Facebook, Twitter ama WhatsApp toona ma shaqeynayaan!

Arrintaasi ayaa mid iska caadi ah ka noqotay dalal badan oo ku yaalla Afrika iyadoo dowladuhu ay mararka qaar xannibaan internet-ka iyo adeegsiga baraha bulshada.

Uganda ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay ee xayiraadaasi soo rogo ka hor doorashadii dalkaasi ka qabsoontay 14-kii bisha January.

Kuwa u doodo xuquuda isticmaalka internet-ka ayaa sheegaya in tallaabooyinkaasi ay yihiin kuwa wax cubburinaya, balse dowladaha ayaa inta badan ku doodo in tallaabooyinkaasi ay gacan ka gaystaan sugidda amniga.

Siday u shaqeysaa xannibaadda?

Dowladda ayaa xaddidi karta isticmaalka Internet-ka iyadoo amarkaasi siinayso shirkadaha bixiyo adeegyada internet-ka.

Voters lining up at a polling station in Kampala, Uganda.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Codbixiyayaal ku sugan caasimadda Kampala

Dalka Uganda tusaale ahaan, dadka isticmaala baraha bulshada ayaa marka hore soo weriyay inay caqabada kala kulmeen isticmaalka webste-yada qarkood.

Kadibna dowladda ayaa sheegtay inay amar ku siisay kuwa bixiya adeegyada internet-ka inay xannibaan baraha bulshada, waxaana taasi xigtay amar kale oo ah in la xayiro guud ahaan isticmaalka internet-ka 13-kii January.

Hay'adda la socodka howlaha Internetka ee Netblocks ayaa ku soo warrantay in internet-ka isticmalkiisa uu hoos u dhacay dalka Uganda wixii intaas ka dambeeyay.

Imise dal ayaa Internet-ka xiray?

kiisaska dalalka xayiray adeegyada internetka ee qaaradda Afrika ayaa sare u sii kacaysay.

Tanzania ayaa xayirtay isticmaalka baraha bulshada intii ay socotay doorashada dalkaasi ka dhacday bishii Oktoobar 2020.

Bishii June ee sanadkan, Itoobiya ayaa xayiraad ku soo rogtay Internetka muddo bil ah. Waxay ka dambeysay rabshadihii dalkaasi ka dhacay ka dib dilkii fannaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa.

Zimbabwe, Togo, Burundi, Chad, Mali iyo Guinea ayaa sidoo kale marar kala duwan sanadkan xayiray isticmaalka baraha bulshada.

Sanaddii 2019-kii waxaa la diwaangeliyay 25 jeer oo dalal kala duwan oo Afrka ay xireen internet-ka, halka 2018-kiina la diwaangeliyay 20 kiis, 2017-kiina 12 jeer, sida laga soo xigtay Access Now, oo ah koox madax bannaan oo la socoto isticmaalka internet-ka.

Dhammaan dalalka xiray interntka waxay amar siinayeen shirkadaha bixiya adeegyada kuwaasoo iyagana ku khasban inay u hoggaansanaadaan ammaradaasi.

Protests in Zimbabwe

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Adeegyada internet-ka ayaa aad loo xannibay intii ay socdeen dibadbaxyadii Zimbabwe

Shirkadaha adeegyada bixiya ma diidi karaan ammaradaasi

In dowladaha ay xannibaan internet-ka waxay ku xiran tahay awoodda ay saaraan shirkadaha isgaarsiinta ee dalalkooda ka shaqeeya iyo sida ay awaamirtaasi u qaataan.

Shirkadahaasi waxaa shatiga siiyo dowladaha, taasoo ka dhigan inay wajihi karaan ganaax iyo in shatiga lagala nqodo haddii ay dalabka dowladda iska diidaan.

A Kenyan girl using a smartphone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaaradda Afrika waxaa sare u sii kacaya dadka isticmaala taleefoonnada gacanta

Shirkadaha waxay xaq u leeyihiin inay racfaan geeyaan maxkamadaha , balse inta badan sidaasi ma yeelaan.

Si kastaba ha hatee, waxaa jira kiisas naadir ah oo maxkamadaha la geeyay.

Sanaddii 2019-kii, maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe ayaa amar ku bixisay in internetka ay dowladda xirtay dib loo furo.

Iyadoo taasi ka jawaabeysa ayay dowladduna waxay soo rogtay sharciyo cusub oo ay ku adkeyneyso awoodda ay u leedahay inay xadiddo adeegsiga baraha bulshada.

Wasiirka arrimaha warfaafinta Zimbabwe Monica Mutsvangwa ayaa sheegay in dowladdu ay masuuliyad ka saran tahay inay hubisa in internet-ka loo isticmaalo si wanaagsan oo aan wax u dhimeynin ammaanka qaranka.

A man in Kinshasa holding a phone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xiritaanka internetka Jamhurriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa caadi iska noqday

Haddii aan internetka gabi ahaantiisaba la xirin, waxaa jira qaabab ay dadweynaha uga wareegan karaan xayiraadda dowladda si ay u isticmaalaan bogagga ay daneynayaan.

Qaar ka mid ah dowladaha Afrika ayaa ku dooday in sare u kaca 'wararka beenabuurka ah' uu sabab u yahay dhaqangelinta xayiraadaha.

Balse mucaaradka ayaa qaba in taasi ay tahay qiil aan waxba ka jirin oo ay dowladdu ku baneysaneysa inay ku cubburisa dadka ka aragti duwan.