You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Colin Powell: Sarkaalka maanta geeriyooday iyo kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Mareykanka ee Soomaaliya 1993
Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Colin Powell, ayaa u geeriyooday fayraska koroona, sida ay qoyskiisa shaaciyeen.
Colin Powell oo ah 84 sano jir, ayaa ahaa sarkaal sare oo hore uga tirsanaa militariga Mareykanka, ka hor inta uusan 2001-dii George W Bush u magacaabin xoghayihii arrimaha dibedda ee ugu horreeyay ee madow ah ee u dhashay Mareykanka.
Janaraalkan ayaa kaalin weyn ku lahaa howlgalkii ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya intii u dhexeeysay 1992-1993.
Sannadkii 1993, wuxuu ahaa guddoomiyihii ciidamada, xilliggii ay ciidamada Mareykanka howlgallada ka wadeen Soomaaliya, oo ay dalka ka socdeen dagaallo sokeeye.
Waxaana dagaalkaas laga sameeyay filimka lagu magacaabo Black Hawk Down oo ah filim diiradda lagu saarayay dagaalkii Maraykanka iyo dableydii taabacsanayd Maxamad Faarax Caydiid.
Wixii dagaalkaas ka dambeeyay, guddigii gaashaandhigga ee Aqalka Senetka ayaa u yeeray Colin Powell iyo xoghayihii gaashaandhigga Mareykanka, kuwaas oo wax laga weydiyay ciidamadii 18-ka ahaa ee Mareykanka looga dilay Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay ka soo tageen ciidamada iyagoo aanan si buuxda uga shaqeynin badqabkooda.
3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare uu kula shirayay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.
Waxaa howlgalkaas ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan.
Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.
50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee black Hawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibna diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.
Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.
Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).
Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.
Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka.
Waa Kuma Colin Powell?
Colin Luther Powell wuxuu ku dhashay deegaanka Harlem ee magaalada New York, 5 bishii April sannadkii 1937, qoyskiisa waxay ka soo jeedeen dalka Jamaica.
Isaga oo wax ka dhigan jiray kuleejka Arrimaha dhulka ee New York ayuu ku biiray ciidamadii keydka Mareykanka ee loo diyaarinayay inay ku biiraan militariga.
Sannadkii 1958, markii uu soo dhameystay tababarka waxaa loo magaacabay gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidamada Mareykanka.
Wuxuu tababarka ku soo qaatay dalka Georgia, maadama uu nin madow ahaa waxaa mar dhacday in xitaa uu adeegii uu rabay ka helin maqaayadaha iyo baaraarkii ku yaallay halkaas.
Sannadkii 1962-dii wuxuu ka mid ahaa la taliyeyaashii militari ee madaxweynihii hore ee Mareykanka John F. Kennedy, kaas oo u diray Koonfurta Vietnam si ay gurmad ugu fidiyaan ciidamadii maxalliga ahaa, kuwaas oo halis kala kulmayay dhinaca maamulkii waqooyiga ee hanti wadagaa ahaa.
Sannadkii 1968, wuxuu ka soo laabtay Vietnam, waxaa la siiyay abaalmarin uu ku muteystay geesinimadiisa ka dib markii uu saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka uu ka soo badbaadiyay diyaarad dagaal oo gubaneysay.
Sannadkii 1987, waxaa loo magacaabay la taliyihiin qaranka ee arrimaha ammaanka Mareykanka, xilliggaas uu Mareykanka dagaalkii koonfurta Qaaradda Amerika.
Waxaa sannadkii 1987 loo magacaabay madaxii ciidamada isku dhafka ee Mareykanka, waana jagadii ugu sarreysay ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka, wuxuu noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee madow ah xilliggaas oo qabta jagada noocaas ah.
Sannadkii 2000, George W. Bush ayaa Colin Luther Powell, u magacaabay xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka. Xilligaas wuxuu kaalin wayn ka qaatay duullaankii Ciraaq iyo Afghanistan, ka dib weerarradii 9/11 ee diyaaradaha loo adeegsaday ee Mareykanka lagu qaaday.