Wax ka ogow taariikhda dacwadda Badda ee ICJ ee Kenya iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SONNA
Kenya ayaa dhowaan sheegtay in aysan aqoonsan doonin go'aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go'aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go'aankeeda soo saarta Talaadada oo ku beegan 12-ka October.
Kenya ayaa mar sii horreysay ee sannadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.
Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.
Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka maxkamadda isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague.
Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo "soo billowday 1969."
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhowaan soo booqday Kenya wuxuu sheegay in wadahadalkii uu la yeesha madaxda dalkaas aysan qeyb ka ahayn arrinta khilaafka badda, "loona daayay maxkamadda" in ay go'aan ka gaarto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii November ee sannadkii 2019, waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo kuwaas oo isku raacay in khilaafka badda uusan saameyn xiriirka labada dal ka dhexeeya. Waxayna ku heshiiyiin in dib loo soo celiyo arrimo ka dheexayay labada dhinac oo xirmay.
Arrintaas ayaa daba socotay khilaaf diblumaasiyadeed oo soo noqnoqday kaas oo ka dhexeeyay labada dowladood. Arrintaas waxaa hurinayay arrimo ku gedaamay dacadda badda ee taalla maxkamadda ICJ.
Balse xoghaya arrimaha dibadda ee kenya, wuxuu qoraal ku sheegay: "Waa muhiim in qof kasta oo Kenyan ah uu fahmo in khatarta ku soo fool leh madaxbanaanideenna dhuleed aysan ahayn mid qayaxan oo toos ah", ayuu yiri.
"Dacwadda ka dhanka ah Kenya ee taalla maxkamadda, iyo in maxkamadda ay gacmaha la gashay dacwad ka baxsan xeyndaabkeeda sharci, waxay marag u yihiin xeeladaha cusub ee loo akeysiinaya caddaaladda si loo minjaxaabiyo madaxbaannaanideena". ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya.
Taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2014-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.
Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.
Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.
Markii hore kiiska wuxuu ku saabsanaa in ICJ ay dhagesan karto muranka laba dal ayna go'aan ka gaari karto.
April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxiixday heshiis Isfahan ah oo la xiriiray xadka badda ee labada dhinac.
Heshiiskaasi waxaa dinaca Soomaaliya u saxiixay Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dhanka Kenya waxaa u saxiixay Moses Wetangula, oo markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.
Heshiiskaas kuma jirin arrinta la xiriirta xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.
August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.
Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodda ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad uu ku faahfaahiyo heshiiska.
July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.
Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali oo BBC-da la hadlayay xilligaasi ayaa sheegay in arrintan ay go'aankeeda gaari karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana BBC-da u sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.
December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.
Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda aysan xaq u lahayn inay go'aan ka gaarto kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.
Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.
Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaareen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.
Soomaaliya aya ku doodday in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.
Feb 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go'aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.
Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma aysan qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.
Feb 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.
Bishii Oktoobar ee sannadkii 2019 : Maxkamadda Caddaallada Adduunka waxay dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda oo xilliggaas la qorsheeyay in uu dhaco 4-ta Nofeembar, balse waxay ka dhigtay illaa bisha June ee sannadka 2020-ka.
Garsoorka maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Waxay sheegeen inay eegayaan xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go'aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sannadka soo socda ee 2021-ka.
14 March 2021, dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya.
15 March 2021, waxaa si rasmi ah u bilowday dhageysiga kiiska oo ay qaadeysay ICJ. Waxaa ka qeybgalay oo dooddooda gudbiyay qareennada Soomaaliya u doodaya oo keli ah. Maadaama ay Kenya isaga baxdayna, ma aysan gudbinin dooddeeda.












