Maxaa xigi doono go'aanka ICJ
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa shalay go'aansatay in ay gasho dacwadda ay Soomaaliya ku soo oogtay Kenya ee ku saabsan soohdinta badda ee labada dal.
Waxaa hadda la filayaa in si rasmi ah ay u billaabato dhagaysiga dacwadda.
Abuukaate Sakariye Yusuf, oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamka ayaa Suheba Badqas uga warramay waxa xiggi doona go'aanka ay shalay maxkamadda gaartay iyo waxa ay ka filan karaan labada dal xukunka kama dambeysta ah.