Talaal: Malaariyada talaalka loo helay dhibaato intee la eg ayay ku haysaa Soomaaliya?

Kalkaaliso malaariyada ka tallaalaysa cunug dalka Ghana 2019

Xigashada Sawirka, CRISTINA ALDEHUELA

Qoraalka sawirka, Kalkaaliso malaariyada ka tallaalaysa cunug dalka Ghana 2019

Carruurta ku nool inta badan qaaradda Afrika ayaa laga tallaali doonaa Duumada ama Malaariyada ka dib markii guulo taariikhi ah laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurkan dilaaga ah.

Malaariyada waxay ahayd mid ka mid ah aafooyinka ugu weyn ee ku habsaday caalamka.

Duumada ayaa inta badan galaafata nolosha caruur badan.

In malaariyada tallaal loo helo ka dib muddo qarni ah oo la baadi-goobayay, waa mid ka mid ah guulaha waawayn ee la gaaray.

Tallaalkan oo lagu magacaabo RTS,S - ayaa waxtarkiisa la xaqiijiyay 6 sano ka hor.

Hadda, ka dib markii lagu guulaystay barnaamijyada tallaal oo tijaabo ahaa oo laga fuliyay dalalka Ghana, Kenya iyo Malawi, waxay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) sheegtay in ay tahay in tallalkan lagu baahiyo wadamada Afrika ee ka hooseysa Saxaraha iyo gobollada kale ee uu cudurka malaariyada uu saameeyay.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo ah agaasimaha guud ee WHO, ayaa sheegay inay tahay tallaabadan "mid taariikhi ah".

vb

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hooyo Soomaaliyeed oo la jirta cannugeeda oo qaba maleeriya oo ku sugan isbitaal ku yaalla degamada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Daawooyinka lagula dagaalamo, marakaneecooyiinka iyo sunta lagu buufiyo kneecada ee disha ayaa dhammaantood gacan ka geystay yareynta Duumada.

Balse dhibaatada ugu weyn ee cudurka ayaa laga dareemay qaaradda Afrika, halkaas oo in ka badan 260,000 oo carruur ah ay u dhinteen cudurka sannadka 2019.

Dadka u dhinta Duumada inta badan waa caruur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka u dhinta Duumada inta badan waa caruur

Malaariyada iyo Soomaaliya

Dalka Soomaaliya wuxuu ka mdi yahay dalalka uu culeyska badan ku hayo cudurkan. Sida ay sheegeen hay'adaha caafimaadka ee caalamiga ah, waxaa cudurkan Soomaaliya ugu dhimatay 1941, intii u dhaxeysay 2000 iyo 2019.

Sida lagu qoray bogga arrimaha bini-aadamnimada ka hadla ee Reliefweb, Sannadkii 2020, waxaa jiray illaa 341,000 in ka badan oo kiis oo looga shakiyay malaariya. Ka dib markii la baaray dadkaas, waxaa laga helay in ka bada 27,000. Dhammaan dadkaas ayaa laga daweeyay xanuunka.

Getty Images
Xaaladda malaariyada ee Soomaaliya

  • 1941Tirda Soomaaliya ugu dhimatay xannuunkan 2000-2019

  • 341,000Kiisaska maleeriyada ee laga diwaangeliyay Soomaaliya sanaddii 2020

  • 22%ayay hoos u dhacday dhimashada malaariyada ee Soomaaliya sanaddii 2019 marka loo eego sida ay ahayd 2018

Xigasho: Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay

Balse wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah cuudrka Duumada.

Warbixin horrantii sannadka ka soo baxday waaxda Xakameynta Malaariyada ee dowladda Soomalaiya ayaa farta ku fiiqay in dhimashada cudurka Duumada ay yaraatay illaa 31% sannadkii 2018, halka tiradaasi ay hoos u sii dhacday 2019 boqolkiiba 22%.

Cudurka Duumada waxaa guud ahaan caalamka sannadkiiba ugu dhinta dad ay tiradooda gaarayso 409,000.

Tiradaas cudurka u dhimata sannad kasta ee caalamka, illaa boqolkiiba 94 waa qaaradda Afrika.

Caruur la tallaalayo

Xigashada Sawirka, BRIAN ONGORO

Qoraalka sawirka, Caruur la tallaalayo

Maxaa dhibaato ka dhigay in Malaariyada laga adkaado?

Iyada oo caalamka uu muddo kooban ku soo saaray tallaalka fayriska korona, haddana waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso sababta ay muddada intaa dhan u qaadatay in tallaalka cudurka Duumada ama mallariyada la soo saaro.

Duumada waxaa sababa cayayaanka loo yaqaano kaneecada taasi oo ka awood badan fayraska dhaliya Covid-19.

In aad labadan xanuun Isbarbar dhig ku sameyso waxay la mid tahay isbarbar dhigga qof iyo khudaarta kaabashka loo yaqaano.

Marka qofka jirkiisa ay gasho malaariyada waxay saameyn ku yeelataa nidaamka difaaca jirka.