Coronavirus: Ma jirtaa daawo la ogaaday in lagu dawayn karo feyriska Corona?

Bukaan la xanuunsan Covid-19

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bukaan la xanuunsan Covid-19

In ka badan 150,000 oo qof ayaa ilaa iyo imika u dhintay cudurka Covid-19, balse wali ma jirto daawo la xaqiijiyay oo dhakhaatiirta ka caawin karta in ay cudurkan daaweeya.

Hadaba intee u jirnaa inaan helno daawada cudurkan si loo badbaadiyo noolasha balaayiinka qof ee caalamka ku nool?

Maxay tahay shaqada ilaa iyo imika la qabtay si daawo loo helo?

In ka badan 150 daawo ayaa cilmi-baarid lagu sameeyayy guud ahaan caalamka.

Inta badan daawooyiinkaasi waa kuwa horay u sii jiray oo loo isticmaali jiray la dagaalanka feyrisyada.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa xarigga ka jartay barnaamij looga gol leeyahay qiimayn lagu sameeyo daawada ugu rajada wanaagsan ee cudurkan lagu daweyn karo.

Dalka UK waxay dowladda sheegtay in tirada ugu badan ee dadka cudurka ka soo kabtay ay dalkeeda ku sugan yihiin taasi oo dhan 5,000 oo bukaan.

Sidoo kale xarumo badan oo caafimaad ayaa waxay isku dayayaan inay isticmaalaan dhiigga dadkii ka badbaaday cudurka.

Maxay yihiin noocyada daawooyiinka waxtarka u leh Covid-19?

Waxaa jira saddex nooc oo loo wajahay baaritaanadan iyo daawooyiin la soo bandhigay.

  • Daawooyiinka ka hortaga feyrisyada, kuwaasi si toos ah u saameynaya awoodda cudurka Corona ee jirka.
  • Daawooyiinka dajin kara difaaca jirka - bukaanada ayaa si daran u xanuunsada marka difaaca jirkooda uu jawaabo xooggan bixiyo islamarkana waxaa taasi ka dhalata in guud ahaan jirka uu waxyeeloobo.
  • Daawada difaaca jirka, haddii ay ahaan lahayd dhiiga qofka ka badbaaday cudurka ama mid lagu sameeyo shey-baar kaasi oo weerari kara feyriska.

Maxay tahay daawada rajada ugu wanaagsan laga qabo?

Dr Bruce Aylward, oo ka tirsan hay'adda caafimaadka aduunka ayaa sheegaya in daawada loo yaqaano remdesivir ay tahay midda kali ah ee ilaa iyo imika muujisay calaamad ah in ya waxtar leedahay ka dib markii uu booqday Shiinaha.

Daawadan oo ah nooca feyrisyada lagula dagaalamo ayaa waxaa markii hore loogu talagalay in lagu daweeyo cudurka Ebola, balse waxaa la xaqiijiyay in waxyaabo kale loo isticmaali karo.

Waxaa daawadan horey loogu daaweeyay feyriskii corona ee ka dilaacay bariga dhexe islamarkana waxaa lagu daweeyay daawadan cuduro kale oo ku dhaca neef-mareenada oo xayawaanada lagaga daweeyay taasi oo horseeday rajada ah in ay sidoo kale wax ka tarayso cudurka Covid-19.

Warbixin saxaafadda si hoose loogu soo dusiyay oo ay hormuud ka ahayd jaamacadda Chicago ayaa sidoo kale muujinaysa in daawadan remdesivir ay wax ka tarayso feyriska Corona.

Waxaay daawadan ka mid tahay 4 daawo oo ay hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ee wali baaritaanada lagu wado.

Daawada HIV ma lagu daweyn karaa coronavirus?

Waxaa aad loo hadal hayay daawada lagu daweeyo HIV , balse waxaa jiray cadeymo yar oo muujinaya xaqiiqda arrintan ah in- daawooyiinka lopinavir iyo ritonavir - lagu daweyn karo feyriska corona.

Waxaa jiray cadeymaha qaar oo muujinayay in ay daawadan ku shaqayn karto shey-baarada, balse cimi-baarisyada la sameeyay ayaa ahaa mid niyad-jab keenay.

Daawada Malaariyada ma lagu daweyn karaa coronavirus?

Daawada cudurka Malaariya ama duumada ayaa qeyb ka ahayd daawooyiinka baaritaanada lagu sameeyay islamarkana dad la siiyay cudurka ay ka soo kabsadeen.

Daawada Malaariyada ee loo yaqaano Chloroquine, iyo daawooyiinka kale ee la xiriira sida, hydroxychloroquine, ay leeyihiin awood ka hortaga feyriska ayna wax u tari karaan difaac jirka.

Madaxwayne Trump ayaa in badan ku celceliyay in daawada Malaariyada lagu daweyn karo cudurka Corona , balse waxaa wali jira cadeymo yar oo muujinaya waxtarka daawadan.

Wax-tar ma leeyihiin daawooyiinka difaaca jirka?

Haddii nidaamka difaaca jirka uu si adag uga fal-celiyo Feyriska waxay dhibaato ku keeni kartaa jirka .

Arrintan ayaa sababaysa in difaaca jirka uu la dagaalamo feyriska, balse difaaca jirka oo si culus uga fal-celiya ayaa sababi karta dhibaato guud oo jirka ku dhacda taasi oo horseedi karta dhimasho.

Dhiigga qofka ka badbaaday cudurka ma lagu daweyn karaa corona?

Dadka ka badbaaday cudurka Corona ayaa leh difaac jir oo adag kaasi oo weerari kara feyriska.

Fikirka arrintan ku aadan ayaa ah in la qaadayo dhiiga cas ee ka kooban difaaca jirka islamarkana lagu daweyn karo qofka bukaanka.

Dalka Mareykanka waxaa mar hore arrintan lagu daweeyay 500 oo bukaan oo dhiiga cas oo laga soo qaaday bukaanadi cudurka ka bogsaday islamarkana dalal kale ayaa imika arrintan ka fikiraya.

Qalabka lagu baaro corona

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Qalabka lagu baaro corona

Waqti intee dhan ayay qaadanaysaa in daawo loo helo Corona?

Aad ayay u dhawdahay waqtiga laga yaabo in la helo daawada lagu daweyn karo coronavirus.

Hasa yeeshee waa in la helaa natiijada baadi-goobka dhowrka bilood ee soo socda.

Dhakhaatiirta ayaa tijaabinaya daawooyiin horey loo soo saaray islamarkana la isticmaali karo, halka cilmi-baarayaasha ay ka so bilaabeen meesha ugu dambeysa.

Maxaan ugu baahanahay daawo?

Jawaabta iska cad ayaa waxay tahay in la doonayo in naf la badbaadiyo,balse sidoo kale in la qaado qaar ka mid ah tallaabooyiinka xayiraadaha ee la soo rogay.

Daawo waxtar leh oo loo helo Corona ayaa ka dhigan in cudurka uu ka mid noqdo xanuunada caadiga ah ee la daweyn karo.

Haddii la joojiyo in dadka cudurka uu ku dhacay ee isbataalada yaalla aysan u baahan qalabka neefsashada ka Kaaba , waxaa markaasi ka dib dadka aan looga baahnaan doonin in dhaqdhaqaaqooda la xaddido.

Sidee imika dhakhaatiirta u daweynayaan bukaanada?

Haddii uu qofka ku dhaco Feyriska corona, markaas dadka intiisa badan waxaa uu u haleelaa qaab fudud oo guriga lagu daweyn karo isaga oo qaadanaya daawooyiinka xanuun baabi'iyaha ,nasiino islamarkana cabaya waxyaabaha dareeraha ah.

Balse dadka qaar ayaa u baahan daawooyiin dheeraad ah oo isbataalada uu ka heli karo sida marka qofka uu u baahdo qalabka neefsashada.

bb
bb