Tallaalka Duumada: Rajo cusub oo laga muujiyay ka hortagga Malaariya

Toddler unwell with malaria, lying on a blanket with malaria medicine in the background

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Inta badan dadka u dhinta duumada waa carruurta ka yar shanta sano

Qaab cusub oo carruurta Afrika looga difaaci karo duumada ayaa 70% yareyn kara dhimashada iyo inuu qofku soo rito xanuunka malaariyada ama duumada, sida lagu sheegay daraasad cusub.

In la siiyo tallaal iyo dawooyinka ka hortagga ayaa la sheegay in ay wax weyn ka tari karaan xanuunkan, sida ay sheegeen baarayaasha London.

Tijaabadan ayaa lagu sameeyay illaa 6,000 oo carruur ah oo ay da'doodu ka hooseyso 7 bilood oo ku kala sugan Burkina Faso iyo Mali.

Inta badan dadka dunida ugu dhinta malaariyada ee gaaraya 400,000, waa kuwa ay da'doodu ka hooseyso shan sano jir.

Cudurkan malaariyada ee ay kaneecadu sababto, weli waa xaalad weyn oo caafimaad oo ka taagan qeybo badan oo ka tirsan dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Tallaalka xoojinta

Tijaabadan oo lagu daabacay Wargeyska Daawada ee New England, waxaa diiradda lagu saaray in carruurta yar yar la siiyo tallaal wax tar leh iyo dawooyinka ka hortagga duumada, xilliga ay aadka ugu nugul yihiin, gaar ahaan xilli-roobaadka (laga soo bilaabo June, dalka Burkina Faso), markaas oo ay malaariyada aadka dadka u soo ridato.

"Waxay u shaqeysay si ka fiican sidii aan u qabnay," ayuu yiri Prof Brian Greenwood, oo ah xubin ka tirsan baarayaasha, oo tijaabada horkacayay.

"Tirada isbitaalka la geeyay way yareyd, dhimashada labada dal way yareyd - runtiina ma aynaan fileyn taas."

Muddo saddex sano ah, oo tijaabada la waday, ayaa lagu ogaaday in saddex kuuro oo tallaalka ah iyo dawooyinka kahor xilliga ugu daran ee duumada ama malaariyada, iyo tallaal xoojin ah oo carruurta la siiyo, kahor xilli roobaadka, ay wax ka tartay xakameynta xanuunka, sida ay sheegeen baarayaasha.

Kuwa qaatay tallaalka, waxaa lagu arkay:

  • Waxaa jiray 624 kiis oo duumada ah
  • 11 carruur ah ayaa isbitaalka looga daweeyay malaariyada
  • saddex u dhimatay xanuunkan

Isla tiradaas carruurta heshay dawooyinka ka hortagga, waxaa la diwaan geliyay:

  • 1,661 kiisas oo malaariyo ah
  • 37 la geeyay isbitaalka
  • 11 u dhimatay duumada

Saynisyahannada ayaa sheegay in isku dhafka tallaalka iyo dawooyinka ay waxtar weyn leeyihiin.

Tallaalka - oo lagu magacaabo RTS,S ayna in ka badan 20 sano kahor ay soo saartay shirkadda GlaxoSmithKline - ayaa dila caabuqa keneecada ee beerka, halka dawooyinka ka hortagga duumadana ay bartlmaameedsadaan caabuqa dhiigga cas ee jirka.

Vaccines against malaria have been approved and rolled out in Africa before

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tallaalka ka dhanka ah duumada ayaa hore loo soo saaray, sida kan oo kale

Tallaalka hargabka ayaa sanado badan loo adeegsan jiray xilli roobaadka, si dadka looga difaaco xilliga qaboobaha, balse aad looguma tijaabin duumada.

Agaasimaha barnamaijka Malaariyada ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Dr Pedro Alonso, ayaa yiri: "Waynu soo dhoweyneynaa tijaabadan looga hortagayo cudurka iyo dhimashada ka dhalata ee meelaha uu ugu daran yahay ee Afrika."

Tallaalka ayaa haatanba gaaray in ka badan 740,000 oo carruur ah oo ku kala nool Ghana, Kenya iyo Malawi, iyadoo qeyb ka ah tallaalka la siiyo carruurta.

Waxyaabo cusub

Wax saameyn dhibaato ah laguma arkin carruurta tijaabada lagu sameeyay.

Carruurtii lagu tijaabiyay ayaana weli la siinayaa tallaalka, dawada amaba labadooda oo isku dhafan ilaa ay ka gaaraan shan sano.

Hay'adaha ka hortagga duumada ayaa dowladaha ugu baaqay in ay sii wadaan maalgashiga mashaariicda baaritaanka, sida tan oo kale ah.