Oscar: Filimkii laga sameeyay "Ka baxsashadii Muqdisho ee 1991" oo u tartamaya billad caalami ah

Xigashada Sawirka, Yonhap
Liiska filimada ku guuleysan kara abaal marinta caalamiga ah ee Oscar ayaa lagu daray filimka dagaalka ah ee Kuuriyada Koonfureed, oo ku saleysan sheekada dhabta ah ee ku saabsan qaabkii ay diblomaasiyiinta labada Kuuriya uga baxsadeen Muqdisho intii uu socday dagaalkii sokeeye ee billowday 1991-kii.
Waddanka Kuuriyada Koonfureed ayaa filimkan u xushay in uu u matalo ka qayb galidda munaasabadda sanadka soo socda lagu abaal marin doono filimkii ugu wanaagsanaa.
Golaha qaabilsan arrimaha filimada ee Kuuriya oo magacooda loo soo gaabiyo KOFIC ayaa Talaadadii sheegay in ay ilaa lix filim oo loo soo bandhigay ka doorteen filimka "Escape from Mogadishu" ayna ku qanceen inuu soo hoyin karo guusha ay doonayaan.
Abaal marinta Oscar oo sanadka dambe noqoneysa tii 94-aad ee nooceeda ah ayaa lagu xulan doonaa filimkii sanadkan ugu xiisaha badnaa guud ahaan caalamka.
Sanadkii lasoo dhaafay, filim ay leedahay Kuuriyada Koonfureed ayaa ku guuleystay abaal marinta aflaanta aan luuqadda ingiriiska lagu sameynin ee ugu wanaagsanaa sanadka.
Filimkan oo ahaa mid shactiro ah ayaa noqday kii ugu horreeyay abid ee Kuuriyada Koonfureed usoo hoyiya billadda caalamiga ah ee Oscar-ka.
Waddan walba waxaa loo oggol yahay in uu hal filim ku darsado liiska filimada la tartansiinayo.
Maxaa lagu xushay filimka ku saabsan Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, LOTTE ENTERTAINMENT
"Maadaama uu ku saabsan yahay sheeko dhab ah, 'Escape from Mogadishu' wuxuu daawadayaasha tusayaa ficillo tayo leh, xaalad xasaasi ah iyo sheekooyin la isugu dhafay si cajiib ah oo ku wada saabsan labada kuuriya ee ay xiisadda u dhaxeysay," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay golaha filimada Kuuriyada Koonfureed ee KOFIC.
Golahan ayaa bayaankooda intaas sii raaciyay: "Horayba filimkan wuxuu u soo jiitay daawadeyaasha gudaha iyo dibadda labadaba, waxaana laga bixiyay faallo soo dhaweyn ah. Waxaan rajeyneynaa in 'Muqdisho' uu sii horseedi doono in indhaha caalamka ay xiiseeyaan filimada Kuuriya."
Filimkan lagu magacaabo 'Ka baxsashada Muqdisho' oo uu soo saaray Ryoo Seung-wan ayaa si toos ah loogu matalay sida cajiibka ah ee ay howl-wadeennadii safaaradaha Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi uga soo badbaadeen dagaalkii sokeeye ee saameeyay goobaha ay kaga sugnaayeen Muqdisho sanadkii 1991-kii.

Xigashada Sawirka, LOTTE ENTERTAINMENT
Waxa uu noqday filimkii loogu daawashada badnaa gudaha Kuuriyada Koonfureed sanadkan 2021-ka, waxa uuna ka hor maray dhammaan filimadii kale ee laga soo saaray waddankaas, isagoo soo jiitay in ka badan 3.1 milyan oo qof.
Sanadkan waxaa loo xushay in lagu daah furo fantasyaha filimada Aasiya ee ka dhacay New York, wuxuuna noqday filimkii ugu horreeyay ee halkaas laga daaray.
Abaal marinta Oscar ee uu hadda u tartamayo waxaa la bixin doonaa bisha March ee sanadka 2022-ka.
Muxuu ka yiri safiirkii Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya?
Markii uu filimkan qabsaday hadal heynta Kuuriya iyo meelo badan oo ka mid ah caalamka, waxaa ka hadlay ninkii ay si dhab ah ugu dhacday arrintaas.
Kang Shin-sung, oo ah danjirihii hore ee Kuuriyada Koonfureed u fadhiyay Soomaaliya ayaa ka warramay xasuusta maalintii uu calanka Kuuriya ku hor babiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho horeeda, 1991-kii, isagoo waliba markaas la socday diblomaasiyiin reer Kuuriyada Waqooyi ah.
"Dhammaanteen halkaas ayaan joognay, Diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo kuwa Kuuriyada Waqooyi labadaba, waxaana babinaynay calanka Kuuriyada Koonfureed," ayuu yidhi Kang. "Annagoo dhan waxay noo ahayd xaalad u dhaxeysay nolol iyo geeri, xaaladdaas oo kalena, dadku way illoobayaan kala duwanaanshaha fikradeed ee u dhaxeeya."

Xigashada Sawirka, LOTTE ENTERTAINMENT/JOONGANG ILBO
Kang wuxuu goor sii horreysay la hadlay wargeyska JoongAng Ilbo, wuxuuna ka sheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday dagaalkii cuslaa ee Muqdisho ka dhacay bishii January ee sanadkii 1991-kii.
Wuxuu sawir dhab ah ka bixiyay qisada jilliinka ah ee lagu matalay filimkii soo baxay dhawaad ee sida weyn looga xiiseeyay waddanka Kuuriyada Koonfureed, maadaama uu ka mid ahaa dadkii ay xaaladdaas qabsatay.
Filimkaas waxaa lagu soo bandhigay qaabkii ay diblomaasiyiinta labada Kuuriya uga badbaadeen rasaastii dhaceysay, iyagoo si wadajir ah u gabbanayay, iskana indho tirayay cadaawadda siyaasadeed ee u dhaxeysay labadooda waddan.
Laakiin dhammaan sheekooyinka lagu jilay filimka ma aha kuwo si sax ah u qeexaya waxyaabihii ay Kang iyo diblomaasiyiinta kale la kulmeen.
Mr Kang wuxuu wargeyska JoogAng u sharraxay taariikhdaas, waxaana wargeyskan uu dib u soo saaray maqaal uu dhacdadaas ka diyaariyay 24-kii bishii January ee sanadkii 1991-kii.
Waxay ahayd 9-kii bishii January ee sanadkii 1991-kii, markii uu Kang oo 54 jir ahaa xilligaas u dhaqaaqay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana la socday toddo qof oo ka mid ah shaqaalihii safaaradda Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya.
Dagaalkii sokeeye ee socday wuxuu markaas burburiyay inta badan magaalada Muqdisho. Maleyshiyaad hubeysan oo dowladda kasoo hor jeeday ayaa weeraray guryo, safaarado iyo dhismeyaal ay lahayd dowladda. Dhawaaqa rasaasta ayaa laga maqlayay waddo kasta.
Garoonka diyaaradaha ayuu ahaa meesha uu Kang kula kulmay safiirkii Kuuriyada Waqooyi u fadhiyay Soomaaliya, Kim Yong-su oo isagana markaas ahaa 55 jir. Isagana waxaa la socday 13 qof oo isgu jiray shaqaalaha safaaraddiisa iyo eheladooda.
Kang waxa uu sheegay in Kim iyo kooxdiisa ay kusoo biireen dadkii isaga la socday ayna doonayeen inay si wadajir ah u raacaan diyaaradda ka baxeysay garoonka, balse uu dhacay xoogaa jah wareer ah, labada dhinacna ay ugu dambeyntii ku xayirmeen meesha iyagoo aan garaneynin goorta uu bixi doono duullimaadka xiga.
"Aad bay khatar u ahayd in garoonka aan kusii sugno diyaarad kale, sababtoo ah goobtaas waxay ka mid ahayd meelaha ugu muhiimsan ee ay ku dagaallamayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya,2 ayuu yidhi Kang.
"Kooxdeyda waxay go'aansadeen inay dib ugu laabtaan dhismihii ay dagganaayeen shaqaalaha safaaradda, ayna halkaas ku sugaan, maadaama aan wali heysannay lix askari oo boolis ah oo amnigeenna sugayay. Markii aan weydiiyay Kim waxa uu sameyn doono, wuxuu ii sheegay in Safaaradda Kuuriyada Waqooyi la weeraray ilaa siddeed jeer, si ay ku badbaadi karaanna aysan ogeyn haddii mar kale lagu soo weeraro."

Xigashada Sawirka, KANG SHIN-SUNG
Kang wuxuu soo jeediyay in Kim iyo diblomaasiyiinta kale ee reer Kuuriyada Waqooyi ay la joogaan gurigiisa.
Waxaa taas ku xigtay inay hal jiko ku wada karsanayeen cashada, halkaas oo ah gurigii uu dagganaa Kang.
"Dadkii reer Kuuriyada Waqooyi waxay noo keeneen khudaar ay ku beereen dhismaha safaaraddooda gudihiisa iyo bariiskii ay heysteen," ayuu yidhi Kang. "Cuntadii ayaan isla karsannay waana qaybsannay."
Markii Kang la weydiiyay su'aal ku saabsaneyd inuu hal mar xitaa ka labolabeeyay in diblomaasiyiinta reer Kuuriyada Waqooyi uu hal meel la seexdo, wuxuu yidhi: "Laguma jirin xaalad laga fikiro wax noocaas ah. Waxa kaliya ee diiradda la saarayay wuxuu ahaa in si wada jir ah looga soo badbaado meeshaas."

Xigashada Sawirka, KANG SHIN-SUNG
Filimka waxaa lagu sheegay in shaqaalaha Kuuriyada Waqooyi tageen dhismaha ay dagganaayeen shaqaalaha safaaradda Kuuriyada Konfureed si ay caawinaad u weydiistaan, taasoo ay diideen diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed.
Balse xogtaas ma aha mid run ah, sida uu sheegay Kang, waa mid ay iska sameysteen jilayaasha filimka.
Kaddib maxaa dhacay?
Aan dib ugu laabanno sheekada dhabta ah ee Kang uu waday.
Markii ay hal meel ku wada hoydeen, Kang iyo Kim waxay si wadajir ah ula xiriireen safaaradaha kale ee ku yaallay Muqdisho, kuwaasoo ay u maleynayeen inay caawinaad ka heli karaan.
Kim wuxuu la xiriiray safaaradda Masar, oo awood u lahayd inay iyadoo mataleysa la hadasho Safaaradda Kuuriyada Waqooyi iyo Qunsuliyadda Kuuriyada Koonfureed ee ku yaallay magaalada Qaahira.
Kang wuxuu isaguna la hadlay safaaradda Talyaaniga, oo u sheegtay inay u kireyn doonto duullimaad ka qaada Muqdisho - laakiin waxay rabtay in la qaado diblomaasiyiinta Kuuriyada Koonfureed oo kaliya. Talyaaniga xilligaas xiriir diblomaasiyadeed ma uusan la lahayn Kuuriyada Waqooyi.
"Waxay noo sheegeen inay heli karaan diyaarad dagaal oo qaadi karta toddobo ilaa siddeed qof halkii marba - wayna ku filneyd dadka reer Kuuriyada Koonfureed ee joogay Muqdisho," ayuu yidhi ang. "Waxaan u dacwooday safiirka Talyaaniga, waxaana u sheegay in aanan ka tagi karin dadka reer Kuuriyada Waqooyi ah. Waa in dhammaanteen nala qaado ama la iska dhaafo."
Ugu dambeyntii, dowladda Talyaaniga ayaa diyaarad kale u kireysay labada kooxood ee labada Kuuriyada, si ay uga dhoofaan Muqdisho.
Filimka laga jilay qisadan, waxaa ku jira in atooraha lagu magacaabo Kim Yoon-seok, oo matalayay Kang, uu weydiiyay Heo Joon-ho, oo matalayay Kim, in uu jeclaan lahaa inuu u baxsado dhinaca Kuuriyada Koonfureed. Balse Kang wuxuu sheegay in arrintaas ay tahay mid been abuurasho ah.












