Loollanka Hubka: Muxuu yahay gantaalka xawaarihiisu ka dheereeyo xawaaraha codka ee uu Mareykanka uu tijaabiyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pentagon -ka Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu ku guuleystay tijaabinta gantaal aad xawaarihiisu u sarreeya oo shan jeer ka dheereeyo xawaaraha codka.
Tijaabada gantaalkan ayaa dhacday toddobaadkii hore. Gantaalka ayaa laga sii daayay diyaarad ilbiriqsiyo uun ka hor inta uusan matoorkeedu bilaaban.
Waa tijaabadii ugu horraysay ee noocan ah ee uu Mareykanku ku guuleystay tan iyo sannadkii 2013-kii.
Tijaabadu waxay dhacday iyada oo Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ahi ay sii dardar gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen hub isku -dheelitiran.
Dhanka kale Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba waxay sheegeen inay sameysteen oo ay tijaabiyeen hub la mid ah kan haatan uu Mareykanka tijaabiyay.
Bishii Luulyo, Ruushka ayaa sheegay inay si guuleystay tijaabada gantaal nooca loo yaqaan Tsirkon (Zircon) oo ah hub uu Madaxweyne Vladimir Putin ku tilmaamay inuu qayb ka yahay jiilka cusub ee nidaamyada gantaalada kaas oo mid la mid ah dunida uusan oolin.

Xigashada Sawirka, RUSSIAN DEFENCE MINISTRY
Mareykanka ayaa horay u sheegay in kordhinta keydka hubka Nukliyeerka ee Shiinaha iyo Ruushka ay tahay arrin walaaceeda leh.
Hubka xawaarihiisa sarreeya ayaa in ka badan shan jeer waxa uu ka xawaare sarreeyaa dhawaaqa, haddii aan si kale u dhigno waxa uu saacaddii jarayaa xaawaare gaaraya 6,200 oo kilomitir saacaddiiba.
Mareykanka ayaa kordiyay kaalinta uu ku leeyahay dhoofinta iyo iibinta hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida uu sheegay machad cilmi baaris ku sameeya arrimaha hubka oo fadhigiisu yahay Sweden, Mareykanka ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhoofiyay 37% hubkii la iibiyay guud ahaan caalamka.
Goobaha kaydka gantaalaha ayaa ah sirta ugu sarreysa wadan kasta. Waxaa jir goobo been abuur ah oo loo sameeyay si loo marin habaabiyo waddamada cadowga.










