Ruushka iyo Faransiiska ma dhexmari karaa dagaal dadban oo ka dhaca Mali?

Fransiiska ayaa waxaa Mali ka jooga ciidamo la dagaalama mintdiinta gobolka Saaxil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Fransiiska ayaa waxaa Mali ka jooga ciidamo la dagaalama mintdiinta gobolka Saaxil

Ruushka wuxuu isku dayayaa inuu kordhiyo saamaynta uu ku leeyahay gobolka Galbeedka Afrika. Balse wasiirka gaashaan dhigga Faransiiska ayaa uga digaty Mali in ay wax heshiis ah la gasho shirkad ka shaqaysa hawlaha nabadgelyad oo Ruushka laga leeyahay.

Todobaadkan waxa soo baxay warar sheegaya in hoggaamiyeyaasha militariga ee talada Mali haya ay ka fikirayaan in ay calooshooda u shaqaystayaal ka soo kiraystaan shirkadaas oo lagu magacaabo Wanger.

Waxay u muuqataa in loolanka u dhexeeya Moscow iyo Paris ee ku aadan galaangalkooda Afrika uu sii xoogeysanayo.

Dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay ka digayaan in Mali ay lugaha la geli karto xaalad la mid ah midda Liibya oo la sheego in dalal kala duwan ay kala taageerayaan maleeshiyaadka iska soo horjeeda.

Waxay saamayn ku yeelan kartaa dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah halista jihaadiyiinta ee gobolka Saaxil ku soo badanaya.

Wararka sheegaya in Mali ay ku dhowdahay in ay saxiixdo heshiis ay ku shaqaalaysiinayso ugu yaraan kun calooshood u shaqaysteyaal Ruush ah oo ka tirsan kooxda Wagner, taas oo ay ku xanaaqday dowladda Faransiiska.

Ciidamada shirkadda gaarka ah ee Ruushka waxay hadda ka howlgalaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidamada shirkadda gaarka ah ee Ruushka waxay hadda ka howlgalaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Wasiirka gaashaandhigga, Florence Parly, ayaa sheegtay in heshiiska noocaas oo kale ah uu noqon doono mid aad looga walwalo, wuxuuna farta ku fiiqay inuu wiiqi karo howlgallada la dagaallanka wax uu ku tilmaamay argagixisada ee Faransiiska uu halkaasi ka wado.

Shirkadda amniga ee gaarka loo leeyahay ee Ruushka, waa mid ay kumanaan calooshood u shaqeystayaal ah ka joogaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, halkaas oo lagu eedeeyay inay ka geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Shirkado Ruush ah ayaa horey loogu eedeeyay in calooshood u shaqeystayaal ay u direen dalalka suuriya iyo Liibiya.

Cidamo ka socda Faransiiska ayaa qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Mali.

Ma ahan wax lala yaabo in shirkado Ruush ah ay sidoo kale halkaas ka heleen ganacsi dhanka macdanta ah.

Waxaa muddooyiinkii u dambeeyay ay Ruushka xoogga saarayeen sidii galaangal muuqda ay ugu yeelan lahaa dalalka qaaradda Afrika.

Wadamada reer galbeedka ayaa dhankooda ka digay arrintaas, gaar ahaan in Ruushka ay militari ahaan galaangal ku yeeshaan dalalka qaradda Afrika.