Coronavirus: Muxuu yahay micnaha "jaceylka ka yimid Ruushka"?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mucaawinadii ugu dambeysay ee Ruushka ee ahayd dawada ee la geeyay Taliyaaniga ayaa qeyb ka ah howlgalka ay Kremlinka ugu yeereen "Jaceylka ka yimid Ruushka".
Dabayaaqadii bishii March, xamuul kan la mid ah ayaa loo duuliyay dalka Taliyaaniga oo ah waddanka uu sida ba'an ugu dhuftay fayraska Corona.
Ruushka ayaa Taliyaaniga u diray diyaarado daawooyiin sida iyo 100 dhaqaatiir ka tirsan militariga Ruushka.
Warbaahinta Ruushka ayaa si wayn u hadal hayay deeqsinimada Ruushka iyo kaalmada uu Taliyaaniga u fidiyay.
Balse maxaa xaqiiqo ah, maxaase khiyaaali ah?
Ruushka ma wuxuu ka faa,ideysanayaa dhibaatada?
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray, in Mareykanka ay bixiyeen lacagta qalabka ay Ruushka soo gaarsiiyeen "Anaga oo wada shaqeynayna waa in aan ka adkaanaa COVID-19," ayuu intaa ku daray.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in shixnadan la keenay Mareykanka ay ahayd mid lagu heshiiyay ka dib markii ay maalmo ka hor khadka taleefoonka ku wada-hadleen madaxwayne Donald Trump and iyo dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Wasaarada Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in Mareykanka ay bixiyeen kala-bar shixnadan dawada iyo qalabka caafimaadka ah, oo qey ka mid ah kaalmo ahaan u siiyeen Mareykanka.
Balse mid ka mid ah TV-yada Ruushka ayaa shixnadan ku tilmaamay "gargaar" mana aysan sheegin in wax lacag ah la bixiyay.
Warbixin ay qortay warbaahinta Gazprom NTV ayaa tilmaamay sida shaqaalaha garoonka JFK ay ugu farxeen shixnadan marka ay ka soo dagtay garoonka islamarkana ayn sawiro isaga qaadeen iyagoo u mahad celinaya duuliyayaasha iyo madaxwayne Putin.


Magaalada New York ayaa ah goob uu si ba'an u saameeyay fayraska corona islamarkana dhimashada waxay kor u dhaaftay 5,000, sida laga so xigtay jaamacadda Johns Hopkins.
Ruushka ayaa soo rogay xannibaado la mid ah kuwa Mareykanka iyo dalalka Yurub si loo xaddido faafidda fayraska Covid-19.
24 saac ee ugu dambeeyay Ruushka waxay diiwaan-galiyeen 771 kiis oo cusub. Guud ahaan kiisaska Ruushka laga helay ayaa imika gaaraya 3,548 halka ay dhimashada mareyso 30 qof.
Dadka Ruushka ayaa shaqooyiinka laga fasaxay, balse heli doona mushaarkooda, tallaabadani oo uu imika kordhiyay madaxwayne Putin ilaa 30 April.
Eedaha Ruushka uu wajahayo
Gargaarka caafimaad ee ay Ruushka siiyeen Taliyaaniga waxaa si rasmi ah uga mahadcelisa xukuumada Taliyaaniga, balse waxaa jira shaki ku gedaaman u jeedada Ruushka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska ka soo baxa dalka Taliyaaniga ee La Stampa ayaa sheegay in gargaarka Ruushka uusan qiimo sidaas u sii wayn ugu fadhiyin Taliyaaniga, balse ay fursad u tahay siyaasad ahaan madaxwayne Putin.
Safiirka Ruushka u fadhiya Mareykanka, Anatoly Antonov, ayaa si carol eh uga jawaabay mar la waydiiyay, isaga oo yiri: "Eedeeyn aan sal iyo raad lahayn iyo kalsooni darada loo muujiyay Ruushka iyo kaalmada Ruushka ay tahay mid xushmad daro ah oo cadow ku ah dadka la daalaa dhacaya xanuunka".
"Kuwa doonaya in ay siyaasadeeyaan kaalmadeena ma yaqaanaan taariikhda".
Warbaahinta Ruushka ayaa u dabaaldagay gargaarka uu Ruushka siiyay Taliyaaniga waxayna qoreen cinwaanada sida "waad ku mahadsan tihiin gacanta aad na siiseen "Mareykanka iyo Yurub waa in ay cashar ka bartaan".
Xiisaddii dagaalkii qaboobaa, sida filimkii sirdoonka ee James Bond, kaas oo soo baxay 1963 ee lagu magacaabi jiray 'From Russia With Love', ayaan wali meesha ka bixin oo muuqda.
Wasiirka gaashaandhiga Taliyaaniga, Lorenzo Guerini, ayaa si rasmi ah Ruushka ugu mahadceliyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muranka ka dhashay muuqaalka Heesta Qaranka
Kanaalada dowladda Ruushka, iyo baraha internet-ka ee taageera Kremlinka iyo bogag kale ayaa ka warramaya sida shacabka taliyaaniga ay calanka Midowga Yurub ugu bedelanayaan midka Ruushka, ayna heesta Qaran ee Ruushka u qaadayaan iyagoo balakoonada taagan.ies.
Si taasi loo caddeeyo waxaa jira hal muuqaal oo ah heesta oo uu qaadayo fanaanka Federico Cane.
Laanta afka Ruushka ee BBC ayaa la hadashay Mr Cane, waana nin Injineer ah oo jaceyl wayn u qaba Ruushka iyo shaqsiyadda Putin.
Mr Cane, ayaa sidoo kale xiriiro ganacsi la leh shirkado Ruush ah, wuxuuna heesta uu so qaaday uga muuqday calanka Ruushka iyo mahadcelin shaqsiyadeed oo uu uga mahadcelinayo gargaarka daawada Ruushka.
Waxyaabaha kale ee warbaahinta Ruushka ay ku andacoodeen waxaa ka mid ah in heesta qaranaka Ruushka si wayn looga qaadayo Taliyaaniga.












