Wagner: Sir laga helay calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee ka dagaallama dalalka carabta

Qoraalka Muuqaalka, Wagner: Waxaa la fashilay calooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka dagaallama Liibiya

Baaritaan ay BBC-da sameysay sanadkii hore ayaa shaaca looga qaaday howlgallo ay fuliyaan koox calooshood u shaqeystayaal u dhashay Ruushka ah oo ka qeyb qaata dagaalka sokeeye ee Liibiya, waxyaabaha xogta lagu helayna waxaa ka mid ah in uu jiro xiriir ka dhaxeeya dambiyada dagaalka iyo militariga Ruushka.

Wagner waa koox calooshood u shaqeysteyaal ah oo u dhashay Ruuhska, waxayna howlgallo ka fuliyaan caalamka, laga billaabo jiidda hore ee dagaalka Suuriya ilaa waardiyeynta godadka macdanta laga qodo ee ku yaalla Afrikada Dhexe. Balse waa qarsoodi, wayna adkeyd in la fahmo.

Hadda, BBC-da ayaa si khaas ah u heshay aalad nooca loo yaqaanno tablet ah oo dagaal yahan ka tirsan Wagner uu uga tagay goob dagaal oo uga sugnaa dalka Liibiya. Aaladdaas ayaa lagu arkay macluumaad lama filaan ah oo sharraxaya qaabka ay u shaqeeyaan kooxahaas.

Xog kale oo ay BBC-da ka heshay magaalada Tripoli - oo muujineysa "liiska qalab ay soo iibsanayeen" oo kuwa militariga ah - ayaa muujineysa in Wagner ay heysteen taageero heer sare ah, inkastoo dowladda Ruushka ay mar walba inkirto kooxaha lagu eedeeyo inay gacan saarka la leedahay.

Dowladda Ruushka ayaa beenisay inay wax xiriir ah la leedahay Wagner.

Sidee lagu helay markii ugu horreysay?

Xilli dambe oo habeen ah, horaantii bishii February ee sanakdii hore ayuu anigoo ku sugan London ii soo dhacay telefoon.

Waxaa isoo wacay qof ka mid ah ilo wareedyadeyda dalka Liibiya oo ii hayay war qeyrul-caadi ah - tablet noociisu yahay Samsung ayaa laga soo helay goob uu dagaal ka dhacay oo ku taalla galbeedka Liibiya.

Calooshood u shaqeysteyaal u dhashay Ruushka ayaa ka dagaallamayay halkaas, waxayna garab siinayeen janaraal Khalifa Hafter oo kasoo hor jeeday dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto. Waxaa la aaminsan yahay in tablet-ka laga tagay markii ay dagaalyahannadu sameynayeen dib u gurasho xilli uu socday dagaal dhacay sanadkii 2020-kii.

Tablet

Waxaa muddo dheer jiray warar sheegayay in Wagner ay ka howl galaan Liibiya. Muuqaallo ay ciidamada dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee dalka Liibiya duubeen bishii April, 2020 ayaa lala wadaagay BBC-da, waxaana la aaminsan yahay inay ka dhex muuqdaan dagaalyahannada Wagner.

Hase yeeshee xogta tooska ah ee aan helnay way yareyd. Kooxda Wagner waxay ka mid tahay kooxaha sirtooda aad loo qariyo ee kasoo jeeda Ruushka.

Kaddib markii siyaabo badan loo xaqiijiyay, tablet-kii waxaa la keenay London. Waxaan durbadiiba dhex galiyay boorso celisa qalabka wax raadiya, si aan loo soo dabogalin ama qaab kale loogu maamulin.

Nasiib wanaag, xogta ku jirtay oo dhan si sahlan ayaa lagu arki karay. Waxaan halkaas ka helay tobannaan feyl oo isugu jira qaabka loo farsameeyo miinooyinka shakhsiyaadka lagu bartilmaameedsado iyo qalabka kale ee qarxa sameeya iyo waliba kaamirooyinka drone-ka ah ee muuqaallada duuba.

Buugaag ayaa lagu xareeyay - waxaana ka mid ah Mein Kampf, A Game of Thrones, iyo cashir ku saabsan habka loo sameeyo maandooriyaha.

Kooxdan waxaa markii ugu horreysay la bartay sanadkii 2014-kii markaas oo ay ka barbar dagaallamayeen gooni u goosas doonka Ruushka ee ka dagaallmayay bariga dalka Ukraine. Ilaa xilligaas waxay howlo ka fuliyeen dalalka Suuriya, Mozambique iyo Afrika Dhexe.

Vladimir Andanov

Xigashada Sawirka, Social media

Dagaalyahannada Wagner waxay Liibiya kasoo muuqdeen bishii April ee sanadkii 2019-kii, markaasoo ay garab taagnaayeen xoogagga ka amar qaata Janaraalka fallaagada ah ee lagu magacaabo Khalifa Haftar.

Dagaalkaas wuxuu ku istaagay xabad joojin la sameeyay bishii October ee sanadkii 2020-kii.

Shakibadan kuma jiro in ay dilaan dadka ay maxaabiis ahaanta u qabsadaan - taasoo ah arrin uu nin horay u dagaallami jiray si cad u qirtay. "Ma jiro qof doonaya calool kale oo cunto ka rabta."

Xogtan la helay waxay xoojineysaa dukumiintiyo kale oo horay u muujinayay in Janaraal Hafter uu la shaqeeyo calooshood u shaqeystayaal ka socda Ruushka.

Phone image of dead relative
Qoraalka sawirka, Nin reer Liibiya ah ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya qof ay qaraabo yihiin oo la dilay. Ninkan wuxuu sheegay isaga xitaa inuu badbaaday markii uu iska dhigay qof meyd ah

Nin daggan tuulo ku taalla Liibiya ayaa ka sheekeeyay sida uu qof dhintay isaga dhigay kaddib markii la laayay qoyskiisa. Marqaatifurkiisa ayaa BBC-da ka caawiyay inay aqoonsato qofka lagu tuhmay dilalkaas.

Arrin kale oo muujineysa suurtagalnimada dambi dagaal ayuu askari ka tirsan militariga Liibiya uga hadlay saaxiibkiis oo isu dhiibay dagaalyahannada Wagner balse waxay labo jeer xabad uga dhufteen caloosha.

Askariga dib dambe uma uusan arkin saaxiibkiis iyo saddex kale oo la kaxeystay isla waqtigaas.

Tablet-ka shirkadda Samsung waxa uu sidoo kale muujinayaa caddeymo ku saabsan in calooshood u shaqeysteyaasha ay ku lug lahaayeen miinooyin la aasay iyo dhibaatooyinka loo geystay dad shacab ah.

Mines

In miinooyin la aaso iyadoo aan la calaamadeynin waa dambi dagaal.

'Liiska qalabka la soo iibsaday'

Dukumiinti ka kooban 10 bog oo tablet-ka laga dhex helay ayaa muujinaya liiska hub iyo qalab kale oo kuwa militariga ah oo la iibiyay 19-kii bishii January, 2020. Waxaa liiskaas BBC-da siiyay xubno ka mid ah sirdoonka Liibiya, waxayna shaaca ka qaadday wax u muuqda goobta ay joogaan Wagner.

Waxaa dukumiintigaas ka muuqda cidda laga yaabo inay kharash gareyneysay howlaha kooxdaas. Waxaa ku jira liiska qalab "lagu dhammeystirayay howlgallo militari" - oo ay ka mid yihiin afar taangi, boqollaal qori oo Kalashnikov iyo qalabka raadaarka.

Falanqeeye arrimaha militariga ka faallooda ayaa BBC-da u sheegay in tiknoolojiyadda qaar ka mid ah hubkaas ay tahay mid laga helo Ruushka oo kaliya. Khabiir kale oo ku xeel dheer arrimaha ku saabsan kooxda Wagner ayaa sheegay in liiska uu muujinayo ku lug lahaanshaha Dmitry Utkin.

Military maps on the Samsung tablet
Qoraalka sawirka, Khariirado militari oo ku yaalla Ruushka ayaa laga helay tablet-ka

Waa nin horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo la aaminsan yahay inuu dhaqaale ku bixiyay Wagner, magaca la siiyayna uu ahaa kii uu u adeegsan jiray afgarashada.

BBC-da waxay isku dayday inay la xiriirto Dmitry Utkin balse wax jawaab ah lagama helin.

Maxaytahay Wagner? Rag horay ugu soo dagaallamay ayaa ka hadlay

Si rasmi ah marka loo fiirinayo, ma aha koox jirta - in loo shaqeeyo qaab calool u shaqeysi ah waxay kasoo hor jeeddaa sharciga Ruushka iyo midka caalamiga ah.

Laakiin ilaa 10,000 oo dadka howlgallada noocaas ah fuliya ayaa la aaminsan yahay in ay ugu yaraan hal mar qandaraas la galeen kooxda Wagner toddabadii sano ee lasoo dhaafay gudaheeda.

Markii ugu horreysay magaca Wagner waxaa la maqlay 2014-kii, xilligaasoo ay ka dagaallamayeen bariga Ukraine.

Qiyaastii 1,000 nin oo ka tirsan Wagner ayaa la rumeysan yahay in ay ka bar bar dagaallameen Janaraal Khalifa Hafter oo ku sugnaa Liibiya intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2020.

BBC-da laanteeda Ruushka ayaa mid ka mid ah raggii horay ugu soo dagaallamay kooxdan weydiisay waxa ay tahay Wagner. Wuxuu ku jawaabay: "Waa garab loogu talagalay in ay fuliyaan danaha ay dowladda ka leedahay xuduudaha ka baxsan waddankeenna."

Wuxuu sheegay in arrintaas la weydiin karo dadkii usoo dagaallamay Wagner oo "qaarkood ahaayeen khabiirro dagaal", iyo dad shaqo doon ahaa ama kuwo jeclaa inay dalkooda u adeegaan.

Libya - toban sano oo qalalaase ah

Dhicitaankii Qadaafi ee 2011: Xukunkii afartanka sano ka badnaa ee korneyl Mucamar Qadaafi wuxuu ku dhammaaday kacdoonkii la magac baxay Deyrta Carabta. Waxa uu isku dayay in uu baxsado laakiin waa la qabtay, waana la dilay.

Kala qeybinta waddanka: Kaddib 2014, kooxo waaweyn oo tartamaya ayaa soo ifbaxay, waxayna kala heysteen bariga iyo galbeedka.

Weerarkii lagu qaaday Tripli April 2019: Janaraal Haftar, oo ah hoggaamiyaha garabka bariga, ayaa u dhaqaaqay dhinaca caasimadda Tripoli oo saldhig u ah dowladda ay taageerto Qaraada Midoobay. Labada dhinacba waxay taageero militari ka helayeen awoodaha gobolka, iyadoo jirtay cunaqabateyn dhinaca hubka ah oo ay Qaramada Midoobay ay Liibiya kusoo rogtay Liibiya.

Xabad joojintii October 2020: Markaas kaddib, horaantii 2021-ka waxaa la dhisay dowlad cusub oo loo dhan yahay, waana la dhaaritat, si ay u fuliso doorashada guud oo dhaceysa bisha December. Dagaalyahannada ajaanibta ah iyo kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa laga filayay in ay baxaan, laakiin kumannaan ayaa wali jooga halkaas.

2px presentational grey line