Jebinta Khalifa Xaftar: Erdogan ma wuxuu hurinayaa colaadda liibiya mise waa nabadeeya?

Ra'isal wasaaraha Liibiya Fayez al Sarraj iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Xigashada Sawirka, TRT WORLD

In ka yar muddo bil ah, ciidamadii uu hoggaaminayay Janaraal Khalifa Xaftar waxaa lagu qasbay in ay dib uga gurtaan nawaaxiga magaalada Tripoli, isagoo aad si adag isu difaacay. Wuxuu sidaa ku lumiyay dhul uu ku qabsaday dagaal adag oo muddo sannad ah socday.

Dowladda ay Qaramada Midoobey aqoonsan tahay ee Liibiya waxaa arrintaas ka caawiyay dowladda Turkiga.

Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in xoogagga Khaliifa Xaftar iyo taageerayaashiisa ay caqabad ku yihiin nabadda Liibiya.

Erdogan iyo Ra'isal wasaaraha liibyam, Fayez ayaa 4-tii bishan June shir jaraa'id ku qabtay qasriga madaxweynaha Turkiga ee ku yaalla Ankara, waxayna ka hadleen xaaladda Liibiya iyo sida loo nabadeynayo.

Madaxweyne Erdogan wuxuu Khamiisti sheegay in Turkiga uu taageerayo hogaamiyaha sharciga ee Liibiya, Fayez al Sarraj, oo caalamka laga aqoonsan yahay. Wuxuu intaa ku daray in colaadda ka taagan Liibiya lagu soo afjari karo xal siyaasadeed oo ay hormuud u tahay Qaramada Midoobay.

Wuxuuna Erdogan sheegay in Turkiga iyo Liibiya ay dib u billaabayaan sahminta iyo soo saaridda saliidda ee bariga badweynta Mediterranean.

"Taariikhda ayaa sheegi doonta cid kasta oo gacan ka geysatay in dalka Liibiya uu ku daato diig ee caawinayey xoogagga fallaagada Xaftar," ayuu yiri Erdogan.

Xoogagga Xaftar

Xigashada Sawirka, AFP

Madaxweyne Erdogan wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay joojiyaan saliidda ay sida sharci darrada ah uga iibsadaan Khaliifa Xaftar.

"Marnaba shacabka Liibiya ee aan walaalaha nahay kuma fiirsaneyno kooxaha fallaagada iyo calooshood u shaqeystayaasha ah," ayuu yiri.

"Waxaan Turkiga uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Liibiya," ayuu yiri Ra'isal wasaaraha Liibiya taariikhda Fayez al Sarraj.

Ruushka vs Turkiga

Doorka Ruushka iyo Turkiga ee Liibiya ayaa dhowaanahan aad sare ugu kacay, waxayna ciidamadooda ka kala joogaan qeybo badan oo dalkaas ka mid ah, in kastoo dalal kalena ay kaalin ku leeyihiin dagaalkaas.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dagaalyahanno Suuriya u dhashay ay qeyb weyn ka yihiin dagaalka liibiya kuwaas oo qaarkood halkaas lagu arkay markii Turkiga uu qeyb ka noqday dagaalka dalkaas.

Markii hore, dagaallmayaashaas waxay ka tirsanaayeen dowladda Al-Wefaq, balse waxaa jiro warar sheegaya in Ruushka uu liibya geeyay dagaallamayaal calooshood u shaqeystayaal ah oo Suuriya u dhashay kuwaas oo caawinaya Janaraal Khalifa Xaftar. Balse weli ma cadda kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka.

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweyneha Mareykanka Donald Trump

Xigashada Sawirka, Reuters

Hurinta colaadda

Turkiga wuxuu ka mid yahay dalalka kaalinta ku leh dagaalka ka socda Suuriya. Shacabka dalkaas waxay ku nool yihiin qeybaha uu Turkiga maamulo ama qeybaha ay dowladda haysato iyagoo wajahaya xaalado adag oo caafimaad daro iyo gaajo ay qeyb ka yihiin oo ka dhashay colaadda billaabatay 2011-kii.

Ciidamada Turkiga iyo kuwa dowladda Suuriya ayuu dhowr goor dhexmaray dagaal toos ah, in kastoo dowladaha kale ee ciidamada ay ka joogaan dalkaas aysan qeyb ka noqon isku dhecyadaas.

Ruushka iyo Turkiga waa labada dowladood ee sida ugu weyn uga dhex muuqda collaadaas Suuriya. Sidoo kale, Mareykanka ayaa kaalin ku leh, in kastoo ay tageerayeen Kurdiyiintii la dagaallamayay ururka daacish.

Dhanka kale, dhowr bilood ka hor, waxaa isbedelay isu dheellitirnaanta awoodda dagaalka liibiya.

Janaraal khalifa Xaftar ayaa markii hore haystay qeybo badan oo dalkaas ka mid ah, waxayna u muuqatay in dowladda awoodddeeda ay u dhigantay midii janaraalka.

Hadda, dowladda caalamka laga aqoonsan yahay ee Saraj uu hoggaaminayo ayaa u muuqata in ay gacan sareyso kaalinteeda awoodeedna ay sare u kacday, taas oo go'aan adag ka siineysa wadahadal kasta oo la gali karo mustaqbalka Liibya.

Waxay gacanta ku haystaa dhulka ugu badan ee Shidaalka laga soo saaro iyo xeebaha badda Mediterranean-ka.

In militariga Turkiga ay joogaan Liibiya waxay waddada u xaareysaa in maamulka Ankara uu sare u qaado galaangalka dalkaas uu ku leeyahay iyo dib u dhiska mustaqbalka dalkaas.

Waxay sidoo kale siineysaa in ay isku sii ballaariso qaaradda Afrika oo mashaariic dhaqaale iyo kuwa ciidan ay ka fuliso oo ka sii gudba gacanka Suweys, sida ay qoreen falanqeeyayaal.

Faragelinta Turkiga ee Liibiya wuu ka fudud yahay midka Suuriya, dhaqaale iyo militari ahaan, waxaana ka soo gali kara faa'iido badan.

Trump iyo Erdogan maxay isku waafaqeen

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dagaalka ka taagan Liibiya uu siniintii kala hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayna isku waafaqeen "arrimaha qaarkood" oo hadda ka socda Liibiya. Labada hoggaamiye ayaa khadka telefoonka ku wada hadlay.

Turkiga ayaa taageero dowladda caalamka laga aqoonsan yahay ee Fayez al Seraj uu hoggaaminayo, oo toddobaadyadi ugu dambeeyey xoogagga xaftar ka riixay caasimadda Tripoli.

Sida ay qabaan dadka ka faallooda xiriirka caalamka, xiriir cusub ayaa la filayaa inuu u billawdo Turkiga iyo Mareykanka ka dib wadahadalka la xiriira xaaladda Liibiya.

Sida ay qortay warbaahinta TRT ee Turkiga laga leeyahay, madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in arrimaha qaar waan ku heshiinnay, isaga oo aan wax faahfaahin ah ka bixinin arrimahaas waxay yihiin.

Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shirka ururka ay ku mideysan yihiin dalalka IMuslimiinta

Xigashada Sawirka, TR

Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shirka ururka ay ku mideysan yihiin dalalka IMuslimiinta

Warmurtiyeed qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Trump iyo Erdogan ay ka wada hadleen dagaalka ka socda dal ku yaalla waqooyiga Afrika, Suuriya iyo bariga badweynta Medittrranean, balse faahfaahin intaa dheer ma bixin.

Masar ayaa ku dhawaaqday xabbad joojin billaabaneysa Isniinta, waxaana qorshahaas qeyb ka ah Golaha Liibiya ee la soo doortay. Xoogagga Xaftar, Ruushka iyo Isutagga Imaaradka Carabta ayaa sida oo kale soo jeedintaas soo dhaweeyey.

Erdogan oo iftiimay heshiis ka dhaca Liibiya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay dhowdahay in arrinta Liibiya ay Mareykanka iyo Turkiga heshiis ka gaaraan.

Wadahadalka taleefanka ee dhexmaray Erdogan iyo Trump waxyaabihii ka soo baxay ee ku aaddan siyaasadda Liibiya ayaa lala wadaagat xulafada gaashaanbuurta NATO.

Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Madaxweyne Erdogan wuxuu sidoo kale sheegay inuu arrintan kala hadlay madaxweynaha Ruushka.

Waxaa jiray warar sheegayay in Ruushka uu Liibiya ka howlgeliyey 16 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo gantaallada difaaca hawada.

Fallaagada Xaftar waxaa garab siiya dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Masar, waxayna bishii April 2019, weerarro isdaba joog ah ku hayeen caasimadda Tripoli.

Ciidamada dowladda caalamka laga aqoonsan yahay waxay khamiistii sheegeen iney qabsadeen dhammaan deegaannada ku gadaaman caasimadda Liibiya ee Tripoli.

Janaraal Haftar ayaa amar ku siiyay ciidammadiisa inay guluf ku qaadaan magaalada

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Janaraal Haftar ayaa amar ku siiyay ciidammadiisa inay guluf ku qaadaan magaalada

Turkiga iyo Dowladda caalamka laga aqoonsan yahay ee Liibiya waxay bishii November saxiixeen iskaashi heshiis oo ku saabsan dhinaca badda, heshiiskaasi oo Turkiga awood u siinayo in badda Mediterranean-ka ay ka sahmiso ayna ka soo saarto saliid, hase ahaateen waxaa heshiiskaas diiday Dalka Giriigga iyo waddamo kale.

Wixii heshiiskaasi ka dameeyeyna Turkiga wuxuu ciidamo iyo saanado militari u diray Tripoli si ay dowladda Liibiya uga caawiyaan in xoogagga xaftar ay ka saaraan qeybihii ay ka joogeen magaalada Tripoli.

Tani iyo 2015-kii dalka Liibiya wuxuu u qaybsanaa laba dowladood oo bari iyo galbeed ah. Xaftar ayaa fadhiisimo ka dhigtay bariga dalka halka Dowladda Liibiya ka rrimisana ay gacanta ku haysa galbeedka dalkaasi.