9/11: Sida ay baraha bulshada u xoojiyeen khiyaaliga weerarradii dhacay 20 sano ka hor

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saacado uun kadib markii ay dhaceen weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11-kii September 2001, ayaa waxaa internet-ka ku baahay warar aan sax ahayn. Waxaa wararkaas khiyaaliga ah sii xoojiyay baraha bulshada.
Warbixinno qoto dheer oo ay soo saareen guddiga 9/11, hay'adaha dowladda Maraykanka iyo kooxo khubaro ah, ayaa lagu beeniyay inay jireen qorshayaal qarsoon oo laga lahaa weerarrada.
Hase yeeshee, urur ka jira Maraykanka iyo dalal kale oo lagu magacaabo the 9/11 Truth movement, ayaa sheegay inay jirto xog ku aaddan weerarrada oo caalamka laga qariyay.
Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin caan ah, dad magac leh iyo weriyayaal su'aal geliyay wararka rasmiga ah ee ku salaysan weerarradii 9/11.
Dadka qaar ayaa rumaysan in dowladda Maraykanka ay ka dambeysay weerarradii 9/11 ama ugu yaraan ay ka war qabtay inta aysan dhicin balse aysan ka hortegin. Waxa ay ku doodayaan in ujeedka laga lahaa weerarrada ay tahay in shucuubta caalamka la caburiyo, kadibna dunida laga sameeyo xukuumad ammaro adag.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Internet-ka ayaa waxaa si weyn loogu baahiyay dood ah in "shidaalka diyaaradaha uusan gubi karin shubka dabaqyada", taa bedalkeedana ay daarihii dheeraa ku burbureen qaraxyo lagu xiray.
Warbixinta rasmiga ah ayaa sheegaya in burburka diyaaradaha uu si weyn u wiiqay shubka labada daaroood, sidaana ay ku dumeen.
Dadka rumaysan inay jiraan qorshayaasha dahsoon ayaa su'aal geliyay sababta uu u burburay dabaqii 7 World Trade Center oo u dhawaa daarihii mataanaha ahaa, maadaama aysan dabaqaas si toos ah ugu dhicin diyaaradihii la soo afduubtay. Dabaqa waxaa xafiisyo ku lahaa CIA, wasaaradda gaashaandhiga iyo xafiiska maareynta gurmadka.

Xigashada Sawirka, YOUTUBE/NIST
Balse warbixin uu Mac-hadka Qaran ee Tayada iyo Tiknoolajiyadda soo saaray 2008 ayaa lagu sheegay in dabaqa uu u burburau xajmiga dabkii ka kacay daarihii maatanaha ahaa, gaar ahaan daartii waqooyi.
'Yuhuudda'
Dad kale ayaa rumaysan khiyaali ah in Yuhuudda aanay cidina kaga dhiman weerarradii Maraykanka lagu qaaday 9/11, oo shaqaalihii Yuhuudda ahaa ee ka hawlgalayay daarihii mataanaha ahaa maalintaas ka hor looga digay waxa dhacay, ayna sidaa guryahooda ku joogeen.
Kooxahaas ayaa rumaysan in dowladda Israa'iil ay fulisay weerarrada si Maraykanka uu u beegsado dalalka ay isku hayaan Bariga Dhexe. Waxa kale oo ay rumaysan yihiin inay jiraan shakhsiyaad awood badan oo Yuhuud ah, kuwaas looga dambeeyo go'aannada masiiriga ah ee caalamka.
Hase yeeshee dadka ku naf-waayay weerarradii daarihii mataanaha ahaa oo tiradoodu tahay 2,071 ayaa waxaa la xaqiijiyay in 119 kamid ah ay Yuhuud yihiin, halka 72 kalena la tuhunsan yahay in Yuhuud ahaayeen.
Tiradaas ayaa ka dhigan in 9.2% wadarta dadka ku dhintay weerarrada ay ahaayeen Yuhuud.
Waxaa jira qiyaaso kale oo tilmaamaya in Yuhuud gaaraysa 400 oo qof ay maalintaa ku dhinteen weerarrada.
Waxaa sidoo kale jira dad rumaysan in weerarrada ay fuliyeen dalal ay kamid yihiin Iran iyo Ciraq, balse ma jiraan caddeymo muujinaya in labadaas dal ay ku lug lahaayeen dhacdadaas bedashay taariikhda adduunka.












