Afghanistan: Ururka Taliban ballantii ma uga baxeen Al-Qaacida?

Hibatullah Akhundzada and Ayman al-Zawahiri
Qoraalka sawirka, Mugdi ayaa ku jira mustaqbalka ballanta saaxiibtinnimada ee ka dhaxeysa Hibatullah Akhundzada oo hoggaamiya Taliban iyo Ayman al-Zawahiri oo ah madaxa al-Qaacida

Su'aal ay dad badan isweydiinayaan tan iyo markii ay xukunka Afghanistan dib u qabsadeen Taliban ayaa ku saabsan xiriirka ay la leeyihiin ururka ay muddada dheer xulafada ahaayeen ee al-Qaacida.

Al-Qaacida waxay taageerada Taliban ku heshay ballan ay la gashay - ama "beyco" - taasoo markii ugu horreysay uu Usaama Bin Laadin 1990-meeyadii usoo bandhigay hoggaamiyihii Taliban ee la oran jiray Mullah Cumar.

Ballantaas labada dhinac ka dhaxeysay waxaa la cusbooneysiiyay dhowr jeer, inkastoo kooxda Taliban aysan si shaac baxsan u caddeynin jiritaanka "beycadaas".

Heshiiskii ay 2020-kii la galeen Mareykanka waxay Taliban ku aqbaleen in aysan al-aacida iyo koox kale oo xagjir ahba u oggolaanin inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan dhulka ay iyagu maamulaan. Ballanqaadkaas waxay mar kale cusbooneysiiyeen maalmo kaddib markii ay qabsadeen Kabul, 15-kii bishii August.

Balse wali uma muuqdaan inay si cad uga soo horjeesteen ururka al-Qaacida.

Ururka al-Qaacidana dhankiisa ma uusan khafiifinin cadaawaddii uu u qabay Mareykanka.

Image from Al-Qaeda video called "America Burns"

Xigashada Sawirka, UNKNOWN

Qoraalka sawirka, Warbaahinta al-Qaacida waxay sii wadaan hanjabaadaha ka dhanka ah Mareyknaka

Saameynta ballanta ka dhaxeysa labada dhinac

Erayga Carabiga ah ee "beyco" micnihiisu waa in daacad loo noqdo hoggaamiye muslim ah, waxaana uu aasaas u yahay ururro badan oo jihaad doon ah iyo kooxaha ay xulafada yihiin.

Waxaa la socda waajibaad labada dhinacba saarnaanaya, oo ay ka mid tahay in daacad loo noqdo hoggaamiyaha beycada lala galayo. In ballantaas la buriyo waxaa Islaamka dhexdiisa looga arkaa xad gudub weyn.

Markii la eego dhinaca al-Qaacida, ballanta ay Taliban la galeen waxay mas'uuliyaddeeda saaran tahay hoggaamiyahooda iyo kuwa kale ee baddala.

Osama Bin Laden video messages aired on Al-Jazeera TV in October 2001

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bin Laden wuxuu sii wadahay hanjabadaaha uu Mareykanka uga soo dirayay gudaha Afghanistan kaddib weerarkii 9/11

Waxaa suuragal ah in ay arrintan sabab u ahayd go'aankii uu Mullah Cumar ku diiday inuu Bin Laadin u gacan geliyo Mareykanka kaddib markii ay dhaceen weerarradii 9/11, taasoo horseedday in dagaalkii uu Mareykanka hoggaaminayay 2001-dii lagu qaado Afghanistan.

Tusaale aad loo wada yaqaanno oo ku saabsan burinta beycada wuxuu ahaa markii koox al-Qaacida gacan saar la lahayd oo ku sugneyd Ciraaq ay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay hoggaanka sare ee al-Qaacida, markii dambena uu sidaas ku abuurmay ururka la magac baxay Dowladda Islaamiga ah (IS).

IS iyo al-Qaacida wali waxay isu yihiin cadow.

Kooxda IS-K - oo loo soo gaabiyo Dowladda Islaamiga ah ee gobolka Khorasan - waa ururka Afghanistan u qaabilsan kooxda IS.

Taliban fighter stands guard at the site of the Kabul airport attack

Xigashada Sawirka, WAKIL KOHSAR

Qoraalka sawirka, Weerarkii ay IS ku qaadday garoonka diyaaradaha ee Kabul waxaa lagu beegsanayay Mareykanka, Taliban iyo shacabka caadiga ah ee Afghanistan

Al-Qaacida ma aha ururka jihaad doonka kaliya ee beyco la galay Taalibaanka Afghanistan.

Taalibaanka Pakistan ayaa horay wacad ula galay Taalibaanka Afghanistan, waxayna dib u cusbooneysiiyeen markii ay dhawaan la wareegeen Afghanistan.

Ballan lala galay nin dhintay

Kaddib markii uu Bin Laadin dhintay sanadkii 2011-kii, Ayman al-Zawahiri, oo baddalay ayaa beyco xulafonimo ah u soo bandigay Mullah Cumar, isagoo wakiil ka ahaa al-Qaacida iyo laamaheeda kale ee gobolka.

Waxaa mar kale la cusbooneysiiyaysanadkii 2014-kii kaddib markii ay IS Dowladda Islaamiga ah uga dhawaaqday Ciraaq iyo Suuriya.

Balse bishii July ee sanadkii 2015-kii, kooxda Taliban ayaa shaacisay in Mullah Cumar uu geeriyooday labo sano xilligaas ka hor.

Waxaa markaas al-Zawahiri lagu tilmaamay inuu yahay qof ceebeysan oo ballan la galay nin dhintay.

Cover of Al-Qaeda newsletter

Xigashada Sawirka, UNKNOWN

Qoraalka sawirka, Cusbooneysiintii ballanta ee Al-Zawahiri waxaa lagu baahiyay warbaahinta a-Qaacida ee al-Nafir

Al-Zawahiri waxa uu 13-kii bishii August ee sanadkii 2015-kii ballanta u cusbooneysiiyay hoggaamiyihii cusbaa ee Taliban, Mullah Akhtar Mohammad Mansour.

Waxa uu markaa ku dhaartay "inuu jihaad u gali doono sidii uu u xoreyn lahaa guud ahaan dhulka la heysto ee Islaamka".

Mansour waxa uu durbadiiba xaqiijiyay inuu ballantaas u cusbooneysiiyay "hoggaamiyaha kooxda caalamiga ah ee jihaad doonka ah", arrintaas oo u muuqatay go'aan uu ku ayidayay qorsheyaasha al-Qaacida ee jihaad doonka ah.

Hadda waxa uu mugdi ku jiraa fulinta ballantaas, maadaama ay kooxda Taliban sheegtay in ay hirgelin doonto shareecada Islaamka, xiriir wanaagsanna la yeelan doonto dowladaha deriska la ah.

Markii uu Hibatullah Akhundzada la wareegay hoggaanka Taliban kaddib geeridii Mansour oo ay Mareykanka duqeyn ku dileen bishii May ee sanadkii 2016-kii, ururka Taliban si cad uma aysan sheegin inay cusbooneysiiyeen ballantii lala galay al-Zawahiri.

Mana aysan caddeynin inay diideen.

Mugdigan ku jira mowqfika ay hadda Taliban ka qabto beycadaas ayaa saldhig u ah hubanti la'aanta hareysay nooca uu yahay xiriirka ka dhaxeeya labada kooxood.

Maxaa xiga?

Hadda oo ay Taliban xukunka dib u qabsadeen waxaa loo kala jiidanayaa labo dhinac.

Xiriirka ay la leeyihiin al-Qaacida waa mid xoog badan oo ay muddo dheer isku garab taagnaayeen, daacadnimadooda taariikhiga ah ee ay u qabeen al-Qaacidana waxay ka dhigan tahay in aysan dayici doonin hadda oo ay awood yeesheen.

Balse Taliban waxay sidoo kale doonayaan inay gutaan waajibaadka la socda heshiiska nabadeed ee ay la galeen Mareykanka iyo rabitaankooda la xiriira inay dowlad dhisaan.

Farriimo hambalyo ah ayay al-Qaacida iyo kooxaha kale ee xulafada la ah u dirayeen kooxda Taliban oo ay ku bogaadinayeen "guusha" ay gaartay, waxayna cusbooneysiiyeen sida ay u aaminsan yihiin in Akhundzada uu yahay "hoggaamiye daacad ah".

Hase yeeshee maamulka Taliban wax jawaab ah kama aysan bixinin farriimahaas, inkastoo ay ka jawaabeen farriimaha noocaas ah ee uga yimid kooxo kale, sida ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas.

Laakiin wararka sheegaya in uu Afghanistan ku laabtay Amin al-Huq - oo saaxiib dhow la ahaa Bin Laadin - ayaa muujinaya in xiriirka labada kooxood ka dhaxeeya uu wali jiro.

Waxaa kale oo lasoo tabiyay in al-Qaacida ay gacan saar fiican la leedahay shabakadda Xaqaani, oo ka tirsan garabyada Taliban.

Arrintu waxay ku soo biyo shubaneysaa in Taliban ay ku jirto xaalad labo labeyn ah.

Dhinac waxay doonayaan in ay aqoonsi caalami ah helaan, kaasoo ay faa'iidooyin la socdaan - balse waxaa khasab ku ah inay ka fogaadaan kooxaha lagu tilmaamo xagjirka.

Dhinaca kalena, si fudud kuma bah dili karaan isbahaysigii ay in ka badan 20 la wadaagayeen al-Qaacida.

Haddii ay sidaas sameeyaan waxaa niyad jabi kara mintidiinta u dagaallameysay iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, kuwaasoo u dabaal dagayay qabsashada ay dib gacanta ugu dhigeen Afghanistan.