Khilaafka Soomaaliya: Madaxweyne Farmaajo oo Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa amniga qaranka.
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin oo sanadihii dambe ahaa agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Fahad iyo hay'adda uu hogaaminayay ayaa lagu eedeeyay kiiska Ikraan Tahliil oo la la'aa muddo dhowr bilood ah. NISA ayaa sheegtay in gabadhaas ay dileen xooggaga Al-Shabaab, warkaas oo uu beeniyay ururka dagaalka kula jira xukuumadda Soomaaliya iyo ajaaniibta taageerta.
Xeerka Madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu "aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay'adda".
Madaxweynaha ayaa si kumeel gaar ah hogaanka NISA ugu magaacabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir "inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka."
Xilalka kale ee uu magaacabay Farmaajo ayaa waxaa kamid ah agaasimaha madaxtooyadda oo uu u magaacabay Cabdisaciid Muuse Cali, oo muddo ahaa la-taliyihiisa amniga qaranka. Jagadaas ayaa muddo bannaaneyd tan iyo markii uu ka tegay Nuur Diiriye Xirsi "Fuursade".
Magaacabiddan ayaa ku soo beegmaysa xilli Talaadadii ay kulan madaxtooyada ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Rooble, kaasoo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka ka dhashay shaqao ka joojinta Fahad.
Xeerka Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ku jiray qodob uu isugu yeerayo kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18-ka bishan, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Lama hubo in Ra'iisal wasaare Rooble uu ku gacan seyri doono qodobada ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha, maadaama uu Isniintii si kumeelgaar ah hogaanka NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).













