Maxay tahay kaneecada lagu sheegay in ay tahay tan ugu quruxda badan adduunka?

kaneecadaan dhedigga ah, marka aad eegto midabkeeda iyo lugaheeda aad ayay u quruxsantahay.

Waa mid ka mid ah noocyada kaneecada ee laga helo bartamaha iyo Koonfurta Ameerika. Kaneecada noocaan ah marlka laga oo tago quruxdeeda waxay sababtaa mid ka mid ah cudurada ka dhasha dhulka kuleylaha ah.

Sawirka waxaa ka qaaday sawir qaade la yirahdo Gil Wizen oo ka yimid Ontario, Canada. Waxqabadkiisa ayaa aad loogu ammaanay tartanka sawir -qaadista Duurjoogta ee Sannadka.

Hoos ugu dhaadhac boggan waxaadna ku raaxeysan kartaa qaar ka mid ah sawirrada kale ee aadka loogu ammaanay sannad -guuradii 57aad ee tartanka sawirada.

Gil waa aqoon yahan ku takhasusay cilmiga bayoolajiga sidaa darteed wuxuu si dhab ah u fahmaa ujeedkiisa. In la helo sawir noocan ah wuxuu u baahan yahay qorshe badan, dulqaad - iyo xitaa la dareemo xoogaa xanuun ah.

Wuxuu ku tilmaamaa kaneecada noocaan ah inay tahay mid ay aad u adag tahay in si fiican loo sawiro, gaar ahaan xilliyada kuleylaha iyo huurka joogtada ah ee kaymaha Amazon, halkaas oo sawirkan laga qaaday.

"Kaneecadu waxay dareentaa dhaqdhaqaaqyada ugu yar iyo isbeddelka iftiinka," ayuu ii sheegay.

"Tani waxay ka dhigan tahay inaad aad isugu daydo inaad yareeyso dhaq-dhaqaaqa marka aad sawireyso kaneecadaan sidoo kale waa inaad aad u diyaargarowdo haddii aad isticmaaleyso toosh sababtoo ah horay ayay ka buubeysa marka ay dareento iftiin yar."

"Kaneecooyinkan ayaa ayaa sababa dhowr cudur oo dhasha xilliga kulaylaha , sida cagaarshowga ah iyo xanuunka dengue. Intii aan sawirka qaadanayay, waxaa i qaniinay kaneecadan iyo dhowr kale, taas oo sare u qaadeysa halista ah inuu igu dhacaan cuduradaan."

Sawirakan Dawacada waxaa qaaday Jonny Armstrong oo ka yimid Marekanka

Dawacadan dhedigga ah ayaa baadi -goobaysay bakhtiga kalluunka ee harada Karluk ee Kodiak ee Duurjoogta Qaranka ee Alaska.

U fiirso sida kaneecada lugaheeda dambe kor ugu qaadeyso iyada oo dhuuqeysa dhiigga ka soo baxa jilibka Gil.

Cayayaanku wuxuu u baahan yahay inuu aad uga warqabo waxa agagaarkiisa ka dhacaya haddiiba ay jirto shardi ah in si degdeg ah uu uga baxsado.

Waxaa jira in ka badan 3,300 nooc oo kaneecada adduunka oo dhan. Waxay leeyihiin kuwa jecel.

Waxaa sawiray Juergen Freund, oo reer Jarmal ah

Fangas dhalaalaya ayaa ku dheggan geed dhintay oo ku yaal kaymaha Queensland, Australia. Guji sawirka waxaadna daawan kartaa muuqaal yar.

Waxaa sawirka qaaday Buddhilini de Soyza, oo reer Sri Lanka ah

Harimacad lab ah oo ku dabbaalanaya wabiga Talek ee ku fatahay Maasai Mara ee Kenya

Waxaa sawirkan qaaday Gheorghe Popa

Waxaa sawirkan lagu qaaday diyaarad aan duuliye lahayn, waxaana laga qaaday webi wasakhaysan oo ku yaal Dooxada Geamana, oo ku dhex taalla Buuraha Apuseni ee Romania

Waxaa qaaday Gagana Mendis Wickramasinghe, oo ku sugan Sri Lanka

Shimbir dhallaankeeda oo ku jira buulkooda afka ku quudineysa oo si qurux badan loo sawiray. Sawirkaan waxaa qaaday Gagana oo 10 jir ah isagoo ku sugan balakoonka gurigiisa oo ku yaal Colombo.