Dagaalka Afgaanistaan: Siday Taalibaan sida degdega ah ugu qabsanayaan dhul ballaaran?

Taliban fighters in the city of Ghazni, Afghanistan. Photo: 12 August 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Waxaa la qiyaasayaa in Taalibaan ay dagaalyahannadoodu gaarayaan illaa 60,000 oo dagaalyahan

Xawaaraha ay Taalibaan ku socoto oo ay ugu ruqaansanayso deegaannada Afgaanistaan ayaa u muuqda in dad badan ay la yaaben - iyadoo caasimad goboleeyaduna ay u muuqdaan kuwo si fudud gacantooda u soo galaya.

Xawaare muuqda ayey ku socdaan fallaagadu, halka dowladda Afgaanistaan ay la daalaa dhacayso sidii ay awoodda u soo xagsan laheyd.

Todobaadkan, warbixin la dusiyay oo uu lahaa sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu qiyaasay in magaalada Kabul uu dagaalku ku soo gaari doono muddo todobaadyo ah, dowladduna ay ku burburi doonto 90 casho.

Marka sidey sida degdega ah ugu kala furfurteen?

Mareykanka iyo isbahaysiga Nato - oo ay ku jirto UK - waxa ay inta badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay tababarayeen oo ay qalabaynayeen ciidammada Afgaanistaan.

Janaraallo badan oo isugu jira Ameerikaan iyo British ayaa waxa ay ku andacoodeen inay Afgaanistaan u dhiseen milateri awood badan.

Arrintaas oo maanta u muuqata mid aanay waxba ka soo naasa-caddayn.

Quwadda Taalibaan

Dowladda Afgaanistaan ayaa fikrad ahaan waxa ay weli tahay midda gacan sarraysa oo ciidammo badan ayey haysataa.

Ciidammada ammaanka ee Afgaanistaan ayaa waxa ay ka badan yihiin 300,000, kuwaas oo ah inta diiwaanka ku jirta. Ciidammadaasna waxa ay isugu jiraan milateriga Afgaanistaan, ciidammada cirka iyo booliskaba.

Afghan government soldiers in the western city of Herat, Afghanistan. Photo: July 2021

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Milateriga Afgaanistaan waxaa hore u soo gaaray waxyeellooyin waa wayn, goosasho iyo musuq maasuq

Hasayeeshee dhabtu waxa ay tahay in dalkaas uu marwalba la daalaa dhaco inuu gaaro bartilmaameedkiisa ku aaddan qoroshada ciidammada.

Milateriga iyo booliska Afgaanistaan ayaa waxaa hore u soo gaaray waxyeellooyin waa wayn, goosasho iyo musuq maasuq - iyadoo abaanduulayaal aan daacad ahayn ay qaataan mushaarka ciidamo aanan jirinba.

Warbixintii ugu dambaysay ee xafiiska Kormeeraha Guud ee Gaarka ah ee Afgaanistaan (SIGAR) uu siiyay Kongareeska Mareykanka ayuu ku qeexay "walaac xooggan oo uu ka qabo saamaynta taban ee uu musuq maasuqu reebay… iyo sida ay sax u tahay xogta quwadda ciidammada ammaanka".

Jack Watling oo ka tirsan mac-hadka the Royal United Services Institute, ayaa sheegaya in xitaa milateriga Afgaanistaan weligiiba muusan hubin inta ay la eg tahay tiradiisa rasmiga ah.

Waxa uu intaasi ku daray in dhibaatooyin ay ka jirtay in qalabka la ilaaliyo iyo weliba niyadda ciidammada, kuwaas oo badanaaba loo diro deegaanno aanay joogin qabiilkooda amaba aanay wax xiriir qoys ah kulahayn.

Taas oo ka mid ah sababaha ciidammo badan ay si degdeg ah uga tagaan xeryahooda iyagoon wax dagaal ah gelin.

Qoraalka Muuqaalka, BBC-da ayaa la hadashay laba xubnood oo sarsare oo ka tirsan Taalibaan kuwaas oo kala diray laba farriimood oo aad u kala duwan

Badanaaba waa ay adag tahay in la cabbiro quwadda Taalibaan.

Sida ay sheegtay Xarunta Ladagaalanka Argagixisada Mareykanka ee West Point, ciidammada Taalibaan waxa ay gaarayaan illaa 60,000 oo dagaalyahan. Haddii lagu daro maleeshiyaadka kale iyo taageerayaashoodana waxaa suuragal ah in tiradu ay dhaaftaba 200,000.

Hasayeeshee Dr Mike Martin, oo hore uga tirsanaan jiray milateriga Britain oo baaray taariikhda colaaddii Helmand kuna soo bandhigay buuggiisa An Intimate War, ayaa ka digay halista ah in Taalibaan lagu tilmaamo urur wayn.

Waxa uu ku doodayaa "Taalibaan waa sida iskaashato madax bannaan oo leh ganacsi ballaaran aadna isugu dhaw - ayna u badan tahay in xaalkoodu uu ku meelgaar yahay - kuwaas oo midba midka kale uu walaayadda u dhiibtay".

Waxa uu sheegayaa in dowladda Afgaanistaan-na ay la dageen ururaysi, oo taariikhda dalkaas ayaa waxa ay tilmaamaysaa sida qoysaska, qabaa'illada iyo xitaa saraakiisha dowladda ay isku gadgadiyaan - iyagoo badanaa maanka ku haya sidii ay u badbaadi lahaayeen.

Helitaanka hubka

Markale, dowladda Afgaanistaan ayaa haysata fursadda markii ay timaado maalgelinta dhaqaale iyo hubkaba.

Waxa ay heshay balaayiin doolar oo ay isaga bixiso mushaarka ciidammada oo misana ay agab milateri ku soo iibsato - dhaqaalahaas oo intiisa badan uu Mareykanku bixiyay. Warbixintii July 2021 uu soo saaray SIGAR ayaa waxaa lagu sheegay in in ka badan $88 bilyan lagu kharash gareeyay ammaanka Afgaanistaan.

Hasayeeshee waxa ay intaasi ku dareen walaaca ah "su'aal ka taagan in lacagtaas si wanaagsan loo isticmaalay, taas oo jawaabteeda laga dheehan doono waxa ka soo baxa dagaalka gudaha dalkaas ka soconaya."

Internally displaced Afghans in a public park in Kabul, Afghanistan. Photo: 10 August 2021

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kumannaan qof oo ka soo cararay weerrarka Taalibaanayaa ku nool xeryo cooshado ka samaysan oo ku yaal magaalada Kabul

Ciidammada Cirka ee Afgaanistaan ayaa dowr muhiim ah ka ciyaari kara dagaalka.

Balse waxa ay si joogta ah ula daalaa dhacayeen daryeelka 211 diyaaradeed oo howlwadeennadoodaba (iyadoo dhibaatadana ay ka sii dartay markii Taalibaan ay si bareer ah u beegsadeen duuliyayaasha ciidammada cirka). Sidoo kalana guulo wax ku ool ah taliyayaasha kama soo hooyaan dagaalka.

Taas oo horseedday in ciidammada cirka ee Mareykanka ay ka qeybqaatan duqeynta dhanka cirka ah ee dagaalkii dhawaan ka dhacay sida magaalada Lashkar Gah, taas oo ay Taalibaan soo weerrareen. Welise ma cadda mudada uu Mareykanka sii wadi doono taageerada noocaas oo kale ah.

Taalibaan ayaa badanaa waxa ay ku tiirsan yihiin kharashka ka soo xarooda ganacsiga maandooriyaha, balse sidoo kale waxa ay taageero ka helaan dibadda sida Pakistan oo kale.

Dhawaantan Taalibaan ayaa waxa ay ciidammada ammaanka ee Afgaanistaan ka qabsadeen hub iyo agab milateri - kuwaas oo qaarkood uu Mareykanku bixiyay - oo ay ku jiraan gawaarida gaashaaman ee Humvee-ga loo yaqaan, qalab habeenkii wax lagu arko, boobayaal, hoobiyayaal, iyo madaafiicba.

Afghanistan map

Xigashada Sawirka, BBC Sport

1px transparent line

Afgaanistaan waxaa yaal hub badan kuwaas oo dalka loogaga tagay kaddib dagaalkii Midowgii Soofiyeet, Taalibaannada waxa ay mujiyeen in xitaa ay ka adkaan karaan ciidammo wata hub casri ah.

Bal malee dhimashada badan ee ka dhalatay walxaha qarxa ee lagu beegsaday ciidammada Mareykanka iyo Britain. Iyadoo aqoonta iyo fahanka dhulka ay gacan waysay siisay Taalibaan.

Diiradda saaran waqooyiga iyo galbeedka

Walow dabci kala duwan ay Taalibaanku leeyihiin, qaar ayaa weli hore u socod u arka qorshaha iskuxiran ruqaansigoodan ugu dambeeyay.

Ben Barry, oo ah janaraal ka tirsanaan jiray ciidammada Britain haatanna ka tirsan Mac-hadka the Institute of Strategic Studies, ayaa qiraya in guusha Taalibaan ay tahay mid fursad ku salaysan, hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray: "Haddii aad qori rabtid qorshe olole waxaan anigu la iman lahaa qorshe midkan ka wanaagsan."

Waxa uu tilmaamay in weerrarada Taalibaan diiradda lagu saaray waqooyiga iyo galbeedka, oo aanay eegimba dhulka koonfureed ee ay caadiyan aadka ugu xooggan yihiin, iyadoo caasimadaha gobolladana ay si xiriir ah gacantooda ugu soo dhacayeen.

File photo of Ghazni from June 2021

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Magaalada Ghazni, waa magaalo istaraatiiji ah

Taalibaan ayaa sidoo kale waxa ay qabsadeen deegaanno muhiim ah oo xadka loogaga tallaabo iyo baro koontarool, arrintaas oo sare u qaadaysa kharashka kastamyada ka soo gala ee ay aadka ugu baahan yihiin halkaas oo ka fog gacanta dowladda.

Waxa ay sare u qaadeen dilka ay ku beegsanayaan saraakiisha muhiimka ah, dadka u ololeeya xuquuqda aadanha iyo weriyayaasha. Si tartiib ah balse hubanti leh ayaa waxa ay u baabi'inayaan horumarkii yaraa ee la sameeyay 20-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Markii la eego istaraatiijiyadda dowladda Afgaanistaanna - arrintaasi waa mid ay adag tahay in la macneeyaba.