Caro ka dhalatay diblomaasi Nigerian ah si xun loogu bahdliyay Indonesia

Diblomaasiga la jirdilay

Xigashada Sawirka, ,

Dowladda Nigeria ayaa dalbanaysa in la ciqaabo saraakiil ka tirsan waaxda socdaal Indonesia kuwaas oo muuqaal laga duubay xilli ay u gacan qaadeen diblomaasi Nigerian ah.

Muuqaalka oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka shaqeeya qunsuliyadda ay Nigeria ku leedahay Jakarta oo ay gaari ku dhex hayaan dhowr nin.

Xukuumadda Nigeria ayaa falkaas ku tilmaantay "fal dembiyeed caalami ah oo aad u foolxun oo uu ku kacay qaranka Indonesia".

Waxay wacad ku martay in ay dib u eegis ku sameyn doonto xiriirka ay la leedahay dalkaas ku yaal koonfur bari Aasiya.

Muuqaalka ayaa muujinaya mid kamid ah saraakiisha oo gacantiisa si xooggan ugu haya madaxa diblomaasiga, isla markaana ku riixaya kursiga gaariga.

Cabdiraxmaan ayaa xilligaas ku qeylinayay "ma neefsan karo," iyo ereyo kale.

Muuqaalka oo socday daqiiqad iyo bar ayaa sido kale waxaa laga maqlayay diblimaasiga oo ka cabanaya in qoorka wax laga gaarsiiyay.

Diblomaasi Cabdiraxmaan ayaa lagu qabtay waddo ku tal caasimadda Jakarta.

Falkaas ayaa caro xooggan ka dhex abuuray Nigeria, waxaana qaar badan oo kamid ah muwaadiniinta dalkaas ay muujiyeen in arrintan ay ka tarjumeyso sumcad darrada uu dalkooda ka joogo caalamka intiisa kale. Qaar kale ayaa ku baaqay in sharraxaad buuxda ay dhacdadan ka bixiso dowladda Indonesia.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Nigeria ayaa warqad cabasho ah u dirtay Indonesia, waxaana ay ku sheegtay in qaabka loola dhaqmay Cabdiraxmaan "ay meel ka dhac ku tahay xeerka caalamiga ah iyo axdiga Vienna ee haga xiriirka diblomaasi ee u dhexeeya dalalka".

Xukuumadda Nigeria ayaa sido kale u yeertay safiirka Indonesia ee Abuja, waxaana uu raali-gelin ka bixiyay dhacdadaas, sida ay sheegtay wasaarrada arrimaha dibedda.

Waxa kale oo ay sheegtay in saraakiisha falka ku kacay ay raali-gelin ugu tageen safiirka Nigeria ee Indonesia.

Dhanka kale, Nigeria ayaa u yeeratay safiirkeeda Jakarta si uu warbixin buuxa uga bixiyo waxa dhacay, waxaana ay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaas ay sheegtay inay sii wadi doonto wadatashiga ku aaddan dhacdadaas.