Maxaad ka ogtahay Booqashada Ra'isul wasaaraha Rooble uu ku imanayo Kenya?

Ra'isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho rasmi ah uu ku yimaado dalka Kenya kaddib marki madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata uu casuumaad ka helay.
Rooble inta uu booqashada ku joogo Nairobi wuxuu wadahadal ku saabsan xiriirka labada dal uu la yeelan doonaa madaxda dalka Kenya uu ugu horreeyo Madaxweyne Uhuru Kenyata.
Booqashada Ra'isal wasaaraha oo daba socota boqoashadii ay wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya, Raychelle Omamo, ay Axadii ku tagtay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka xukumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macallimu oo BBC u warramay wuxuu sheegay booqashada Rooble uu maanta ku imanayo Nairobi iney la xiriirto hoggaaminta iyo dib u hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya.
"Waxyaabaha la filayo in booqashada looga wada hadlo ayaa waxaa ka mid ah inuu si buuxda uu u soo noqdo calaaqaadka ka dhaxeeyey labada waddan oo kal hore madmadow u soo kala dhex galay ee hadda safaaradihi la soo celiyey... sidi un loo sii hagaajin lahaa xiriirkaasi iisu socodka dadka iyo waxaasoo dhan ayaa diiradda lagu saari doonaa." ayuu yiri.
Macallimuu wuxuu sheegay dlka Kenya inuu yahay dal Soomaaliya dersi la ah oo ay dano badan ka dhaxeyaan, uuna yahay dal ay joogaan qoxooti aad u fara badan oo Soomaaliya ka soo jeeda, waa dal ay ciidamadiisu ka mid yihiin howlgalka ciidamada midowga afrika sidaa darteed in xiriirka labada dal la hagaajiyo muhiimad gaar ah ay leedahay.
"Haba yaraatee wax qaad ama waxyaabaha kale ee ay dadku ka hadlayaan ee arrin badda la xiriirto iyo wax la mid ah wax looga hadli doono ma jirto Ra'isul wasaarahana wuxuu aaminsan yahay kiiska badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya uu yaalo maxkamadda, maxakamaddana ay go'aan ka gaari doonto, laakiin iyada oo arrinta maxkamadda ay jirto ayey dalalku waxey lahaan karaan maadaamaa deris ay yihiin xiriirkooda ay hagaajin karaan maadaamaa dana badan uu ka dhaxeeyo" ayuu yiri Maxamed Ibrahim Macallimu.
Soomaaliya waxay ka rajo qabtaa ayuu yiri heshiisyadii ay horay labad dal u gaareen balse sidi la rabay aan u fulin inay haatan fulaan.
"Booqashada ra'isul wasaaruhuna waxay la mid tahay tii uu ku tagay madaxweynaha dalka jabuuti si jawi wanaagsan looga abuuro dowladaha deriska oo dowladda imaan doontana looga gogol xaaro, marka dowladda Kenyana dowladahaasi deriska ah ee xiriirkooda la wanaajinayo ayey ka mid tahay balse haba yaraatee wax masiirka dalka wax u dhimaya ra'isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu bari ka yahay ayaan umaddu u caddeyneynaa" ayuu yiri Afhayeenka xukumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macallimu oo BBC u warramay.

Booqashada ra'isul wasaare Rooble ee Kenya ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxweye Maxamed C/llaahi Farmaajo uu 7-dii bishan uu soo saaray wareegto uu ku joojiyey iney hay'adaha dowladda ay galaan heshiis ama is-afagrad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Waxaa sida oo kale lagu sheegay is-afgarad kasta oo ganacsi ama wadahadallo mustaqbalka dalka hay'adaha dowladdana ay ilaaliyaan sharafta, qaranimada iyo horumarka dalka.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri "Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay'adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go'aamadii uu horay u soo saaray ra'isul Wasaaraha."
Soomaaliya iyo Kenya oo uu dhexyaalla kiiska badda ee ay maxkamadda ICJ gacanta ku hayso ayaa muddo sanad ah xiriirkooda diblumaasiyadeed uu xumaa iyada oo ay labada dal danjirayaashooda u kala yeerteen sida oo kalana ay istaageen isusocodka diyaaradaha labada dal u kala duula iyo ganacsigi labada dal ka dhaxeeyey.










