Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarradii 11-kii Sebteembar oo diidan in Biden uu xuska sanadkan ka qeybgalo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarradii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday Mareykanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Joe Biden in uusan ka qeybgalin munaasabadaha xuska weerarkaasi ilaa iyo inta uu ka oggolaanayo in shacabka loo soo bandhigo xogta sirta ah eel aga hayo weerarkaasi.
Ku dhawaad 1,800 oo qof ayaa saxiixay bayaanl ay ugu baaqayaan madaxweyne Bidien in uu daboolka ka qaado xogta ku jirta dukumiintiyo ay rumeysan yihiin in ay caddeynayaan in mas'uuliyiinta Sucuudigu ay ku lug lahaayeen qorshaha weerarkaasi.
Ehelada dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay weerarkaasi ayaa sheegaya in haddii uu madaxweynaha diido in xogtaasi uu shacabka u soo bandhigo ay tahay in uusan ka soo qeybgalin munaasabadaha bisha soo socota lagu xusayo sanad guurada 20 -aad ee ka soo wareegtay weerarkaasi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhawaad 3,000 oo qof ayaa dhintay weerarradaasi oo dhacay 11-kii Sebteembar sanadkii 2001, kaa oo sida ay baarayaashu sheegeen ay geysteen rag ka tirsan ururuka Al-Qaacida.
Weerarkaa ayaa sababay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku duulaan dalka Afqaanistaan. 15 ka mid ah 19 -kii nin ee qafaashay diyaaradihii lagu weeraray daarihii mataanaha ahaa ee xarunta ganacsiga adduunka iyo xarunta gaashaandhigga ayaa waxay u dhasheen dalka Sucuudiga.
Bayaankaasi oo ay soo qoreen dadkii ka badbaaday weerarkaasi iyo kuwii eheladooda ay waxyeellada ka soo gaartay ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ay tahay in uusan imaan munaasabadaha xuska weerarradaasi ilaa iyo inta uu ka oggolaanayo in shacabka loo bandhigo xogta sirta ah ee ku qoran dukumeentiyada sirdoonku ay ka diyaariyeen weerarkaasi.
Dadkani ayaa madaxweyne Biden ugu baaqay in uu ka fogaado oo uusan tagin saddexda goobood ee weerarradu ka dhaceen oo kala ah New York, Virginia iyo Pennsylvania.
Qoysaska dadkii ku waxyeeloobay weerarradaasi ayaa waxa ay in muddo ah ku doodayeen in saraakiisha Sucuudigu ay horey u sii ogaayeen qorshaha weerarradaasi isla markaana aanay waxba ka qaban sidii looga hortagi lahaa. Waxay dacwad ku soo oogeen dowladda Sucuudi Carabiya oo iyadu beenisay in ay ku lug leedahay weerarradaasi.
Bishii la soo dhaafay ayaa dhawr sarkaal oo sarsare oo un dhashay Sucuudiga waxaa su'aalo laga weydiiyay wixii ay arrintaasi ka ogaayeen, haseyeeshee ilaa xaatan xogta arrintaasi ayaa ah mid qarsoodi ah, arrintaa oo ka careysiisay qoysaska eheladooda ay dhibaatada soo gaartay.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in "tan iyo markii 2004 la soo gabagabeeyay baaritaankii weerarradaasi 11-kii Sebteembar, waxaa soo baxayay caddaymo badan oo muujinayay in saraakiisha dowladda Sucuudiga ay ku lug lahaayeen taageerada weerarradaasi."
Maamulladii George W Bush, Barack Obama iyo Donald Trump ayaa iyaguna diiday in dukumiintiyada xambaarsan xogta baaritaannadii la xiriiray weerarradaasi, waxayna dhammaantood diidmadaasi ku saleeyeen walaac xagga nabadgelyada qaranka ahi.
Sanadkii 2019-ka ayaa laanta dambi baarista Maraykanka ee FBI-da waxay shaacisay xog ku saabsan nin Sacuudiga u dhashay oo la sheegay in uu xiriir la lahaa raggii qaaday weerarradaasi.
Dadka xogtan soo saaray ayaa sheegay in dacwad oogaha guud William P. Barr uu si gaar ah macluumaadkaasi ugu gudbiyey qareennada u doodaya qoysaskii dadkoodu ku dhinteen weerarradaas.
Booqortooyada Sacuudiga ayaase si joogto ah u beeninaysay ku lug lahaanshaha weeraradaas. FBI-da ayaa sheegtay in warbixintan oo la diyaariyay sanadkii 2012-kii aan lagu xusin masuulkaan Sacuudiga u dhahay balse "baaritaanku aanu dhammaan".










