Rodrigo Duterte: Waxaan dilay ilaa saddex qof balse ma aqaan inta xabbadood ee ka soo baxday qorigayga

Xigashada Sawirka, EPA
Rodrigo Duterte ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Filibiin, sannadkii 2016-kii, isagoo si weyn ugu guuleystay ballanqaadkii la dagaalanka dambiyada iyo musuqmaasuqa.
Tan iyo markaas wuxuu ku hawlanaa doodo ku saabsan arrimo murugsan oo la xiriira dagaalka dhiigga badan ku daatay ee maandooriyaha iyo hadalladiisii oo dad badan u arkaan muran iyo sharaf dhac.
Waxaa kale oo uu la kulmay cambaareyn kaga timid dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee caalamka oo u arka in badanaa siyaasadihiisa ay ku xadgudbaan xuquuqda aadanaha.
Inkasta oo lagu dhaliilay falalkiisa oo ay cambaareeyeen beesha caalamka, haddana wuxuu caan ka sii noqonayaa dalkiisa Filibiin.
Gowraca dadka isticmaala daroogada
Sanadihii ugu horreeyey ee uu xukunka qabtay Duterte, waxaa calaamad u ahaa caburin aan kala joogsi lahayn oo lagu hayay dadka lagu eedeeyo iibinta ama isticmaalka daroogada.
Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo booliiska inay xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa, oo ay ka mid yihiin dilka tuhmanayaasha iyo kumannaan qof oo la dilay ka dib markii lagu soo eedeyay in sharciga ay gacantooda ku qaateen.
Iyada oo in ka badan 3 milyan oo daroogo isticmaala ay ku sugan yihiin Filibiin. Madaxweyne Duterte ayaa sheegay in uu 'ku farxi doono in uu gowraco kuwaasi'.
Madaxweynaha ayaa sheegaya in mowqifkiisa adag uu muhiim u yahay ciribtirka ka ganacsiga daroogada sharci darrada ah isla markaana uu u arko inay suuragal tahay oo uusan ka quusan, isagoo ku dhaaranaya inuu 'dilayo' qof walba oo ku lug leh ka ganacsiga daroogada.
Muddo yar gudaheed tan iyo markii uu bilaabay barnaamijkiisa ka hortagga daroogada, ka dib markii uu xukunka qabtay waxaa la sheegay in ku dhawaad 6,000 oo qof ay dileen Booliiska, saraakiisha sharci fulinta iyo askar laga soo kireystay dibadda.
Qaramada Midoobay, Kaniisadda Kaatooligga, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa marar badan lagu qasbay in ay cambaareeyaan siyaasadaha hoggaamiyahan, oo ka hor imaanaya xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah.
Dhaqdhaqaaqayaasha maxalliga ah ayaa sidoo kale dhalleeceeyay dilalka joogtada ah ee ka socda dalka Filibiin.
Wuxuu mar qirtay inuu dad gacantiisa ku dilay
Mid ka mid ah wareysiyadii ugu naxdinta badnaa ee BBC ka qaadday Madaxweyne Duterte, dabayaaqadii 2016, ayuu ku qirtay inuu mar toogtay oo uu dilay saddex qof, intii uu ahaa duqa magaalada Davao.
Wuxuu yiri: "Waxaan dilay ilaa saddex qof... ma aqaan inta xabbadood ee ka soo baxday qorigayga, way dhacday mana ka been sheegi karo arrintan."
Hadallada kakan ee Duterte iyo kaftankiisa la dhibsado
In kasta oo ay sii kordhayaan dhalleeceynta, haddana Duterte, oo ku caanbaxay inuu sheego hadallo murugsan, ayaa ka jawaabayay eedeymaha isaga oo muujinaysa adkeysigiisa.
Wuxuu mar ku hanjabay inuu ka baxayo Qaramada Midoobay, markaas ka dib ayuu sheegay inuu kaftamayo wuxuuna ku tilmaamay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo markaas ahaa Ban Ki-Moon "mid doqon ah".
Waxa kale oo uu ku tilmaamay midowga Yurub (EU) "munaafiqiin" isagoo jeedinayay khudbadiisa oo waliba farta dhexe tilmaamaya, taas oo lagu tilmaamay aflagaado.
Wuxuu mar ku tilmaamay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama "canug dhilleysi ku dhashay", laakiin markii dambe wuxuu muujiyay niyad jab ka markii Obama uu joojiyay la kulankiisa.
Madaxweyne Duterte ayaa ku kaftamay in isagoo weli ah duqa koonfurta Davao uu jeclaan laha inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee kufsi u geysata adeegayaashii Australia ee lagu dilay mid ka mid ah rabshadihii xabsiga.
Asalka siyaasaddiisa

Xigashada Sawirka, Reuters
Rodrigo "Digong" Duterte wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ka soo jeedaa qoys siyaasadda u dhow. Aabihiis wuxuu ahaan jiray guddoomiye, waxayna qoyskiisa xiriir adag la lahaayeen qoysaska saamaynta ku leh gobolka Cebu.
Duterte wuxuu bartay sharciga wuxuuna shaqada ka bilaabay xeer ilaaliye dowladeed, ka hor intii uusan noqonin duqa magaalada Davao, sanadkii 1988, wuxuuna magaalada xukumayey in ka badan 30 sano.
Wuxuu sumcad ku yeeshay sida uu wax uga qabtay arrimo waaweyn oo horyaalla madaxweynaha Filibiin sida dembiyada, rabshadaha iyo musuqmaasuqa.
Saddexdaa arrimood ayaa isku mar ka dhigay duqa magaalada Davao, oo ka mid ah magaalooyinka ugu nabdoon Filibiin.
Shaqadii uu ka qabtay magaalada Davao waxay ka caawisay inuu taageero ka helo dalka oo dhan, iyagoo aaminsan in uu wax ka qaban karo isla arrimaha heer qaran.
Hase yesshee sannadka soo socda waa dhammaadka xukunkii 6-da sano ahaa, laakiin la yaab ma noqon doonto in mar kale la arko isaga oo madaxweyne ah ka dib doorashada guud ee sannadka soo socda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters Duterte ayaa hore u muujiyay inuu taageersan yahay fikradda ah inuu u tartamo madaxweyne ku xigeenka dalka Filibiin.
Laakiin qareen Christian Monsod, oo ka mid ahaa dadkii ku lug lahaa hannaankii wax ka beddelka dastuurka ee 1987, wuxuu sheegay in go'aanka Duterte ee ah inuu xukunka ku soo laabto uu cad yahay.










