Biriq dishay 16 qof oo sawirro iska qaadayay

Lightning over Jaipur

Xigashada Sawirka, NurPhoto

Qoraalka sawirka, Biriqda ayaa sanad walba dhowr qof ku disha Hindiya

Jac ama biriq ayaa Axaddii ugu yaraan 16 qof ku dishay dhowr kalena ku dhaawacday magaalada Jaipur ee waqooyiga Hindiya ku taalla.

Dhibbanayaasha ayaa xilli uu rob da'ayay sawirro isaga qaadayay daar dheer korkeeda oo ka tirsan 12th Century Amer Fort oo ah goob caan ku ah dalxiiska.

Dhowr qof ayay sidoo kale biriq ku dishay gobollada Uttar Pradesh iyo Madhya Pradesh.

Jacda ayaa ilaa 2,000 oo qof oo dalkaasi u dhashay disha sanad walba.

Sarkaal sare oo booliis ah ayaa warbaahinta u sheegay in inta badan dadka dhintay ay ahaayeen dad dhalinyaro ah.

Ilaa 27 qof ayaa saarnaa fooqa dheer ee daartaasi, halka qaarkood ay dhulka ku soo boodeen, marka ay arrintaasi dhacaysay.

Axaddii keliya, sagaal qof oo kale ayay biriqdu ku dishay gobolka Rajasthan oo ay Jaipur ka tirsan tahay.

Ugu yaraan 41 people qof - oo badankood ay haween iyo carruur ahaayeen - ayaa ku dhintay gobolka Uttar Pradesh.

Khasaaraha dhimasho ee ugu badan waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Allahabad oo ay 14 qof ku dhinteen.

Labo nin, oo ku harsanayay geed hoostiisa, ayaa isla goobta ku dhintay kaddib markii ay biriq ku haleeshay magaalada Firozabad.

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay gobolka Madhya Pradesh. Khubarrada ayaa sheegay in khasaaraha hdimashada ay ku badan tahay labada gobol, iyadoo sababtuna ay tahay in dad aad u badan ay u shaqo tagaan beeraha iyo dhismaha.

Guddoomiyeyaasha gobollada Uttar Pradesh iyo Rajasthan iyo Ra'iisul Wasaaraha Hindiha Narendra Modi ayaa sheegay in magdhow la siin doono qoysaska ay dadku ka dhinteen.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Xilligan waxaa Hindiya ka da'a roob xooggan oo socda June ilaa September.

Waaxda saadaasha hawada ee Hindiya ayaa sheegtay in dhimashada ka dhalata biriqda ee dalkaasi ay labo jibbaarantay tan iyo sanadihii 1960-meeyadii - waxayna u sababeeyeen isbeddelka cimilada.

Maxaad sameyn kartaa si aad uga badbaaddo jacda?

  • Gal gudaha dhisme weyn amaba gaari dhexdiisa
  • Ka soo tag meelaha bannaan
  • Haddii aadan heysan meel aad gasho, isku day inaad is ururiso intii karaankaaga ah adiga oo cagaha isku dhejinaya, gacmaha jilbaha saaranaya oo madaxana hoos gashanaya
  • Ha hoos fadhiisan geedaha dhaadheer amaba geel keligiis meel ku yaal
  • Haddii aad badda ku jirto, xeebta imow si dhaqsi ahna uga tag meesha