Saax-Qurun: Siduu u dhacday dilkii naxdinta lahaa ee ka dhacday Galmudug?

Weerarka ayaa dhacay xilli habeen ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Weerarka ayaa dhacay xilli habeen ah

Wararka aanu ka heleyno deegaanka Saax -Qurun ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay saqdii dhexe ee xalay halkaasi ku dileen dad isku qoys ahaa.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay sadex qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo dhamaantood ku sugnaa hoygooda markii la soo weerarayay, waxaana loo maleynayaa in dilkaan uu salka ku hayo aano qabiil.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay sida ay ehelada sheegeen gabadh ilaa iyo imika koomo ku jirta.

Sidee ayuu u dhacay weerarka?

Liibaan Cabdullahi Warsame oo ay ehel yihiin dadkaasi la dilay, oo BBC u waramay isaga oo ku sugan isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ah halka lagu dabiibayo haweeney u dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi, ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid aad uga argagxeen.

Mr Liibaan ayaa intaa ku daray in qoyskooda oo horey qeyb ka mid ah ay agoon ahaayeen ay imikana geeridan naxdinta leh ku timid.

"Dad wada dhashay oo hadana qeyb ka mid ah ay agoon hore ahaayeen adeerkii korinayay agoontana uu dhintay ayaan nahay wax aan qiyaasi karno ma aha dareenkeen, ayaa yiri Liibaan".

Libaan ayaa intaa ku daray in dhacdadani ay dhacday xalay markii ay saacadu ahayd 12 saqda dhexe.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka falka dilka ah geystay ay labo qeybood ahaayeen islamarkana dadka la laayay siyaabo kala duwan loo dilay.

"Dadka sida noola sheegay labo qeybood ayay ahaayeen adeerka wayn rag aan tiradooda la aqoon ayaa dilay dadka caruurta nimanka dilay -na oo reerka xabadeeyay sida hooyada reerka noogu sheegtay in saddex ilaa afar meelahaasi ahaayeen," ayuu intaa ku daray.

Khariirad

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Khariirad

Liibaan Cabdullahi Warsame oo ka mid ah ehelada dadka la laayay ayaa sidoo kale sheegay in ninka adeerka u ah caruurta la laayay isaga lagu dhex dilay geel uu la joogay.

"Ninka adeerka ah ee la dilay guriga laguma dilin geel cidda u fadhiyay maadaama dadku ay xoolo dhaqato yihiin ayuu dhex jiifay geela ayaa lagu dhex dilay,"ayuu yiri Mr liibaan.

Liibaan Cabdullahi Warsame oo aan waydiinay sabab ay la tahay in qoyskan loo bartilmaameedsaday ayaa sheegay in ay u maleynayaan in ay tahay "aano qabiil"

Dhanka kale, wasiirka war-faafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo aan wax ka weydiiyay bal waxyaabaha ay ilaa iyo hadda ka maamul ahaan qabteen ayaa sheegay in lagu raad-joogo dadkii gaystay falkaasi.

"Maamulka waa ka howl-galay maleeshiyaadkii falkaasi geystay-na waa lagu raadjoogaa tuhunkana meel buu saaran yahya waxa ayna isugu soo uruurtay beelo halkaasi dega oo aano qabiil in dadkaasi loo dilay ayaa la qiyaasayaa," ayuu yiri wasiir Falagle.