Sheeko naxdin leh: Gudaha guriga gabood falka carruurta India

Xigashada Sawirka, .
"Qorraxdu waxay annaga subax walba noola muuqataa mid si aad gaabis u ah u soo baxda", gabar laga soo bad baadiyay hoy carruurta lagu hayo oo ku yaalla gobolka Bihar ee dalka India ayaa sidaas u sheegtay qof ka mid ah koox baaritaanno wadda.
Gabadhu waxa ay isku keentay gacmaheeda iyadoo ka sameyneysa muuqaal shabaha sida baaquliga oo kale, waxayna u dhoolla caddeysay si ay murugo ku dheehan tahay.
Iyadoo hadakeeda sii wadata ayay sheegtay in iftiinka maalinta aysan waxba ka arki jirin, balse ay ku jirtay qol qabow badan oo ku dhex yaalla guri qufulan, waqtiyada habeenkiina ay u ahaayeen kuwo aan dhammaad lahayn.
Waxay sheegtay in dad aan la garaneyn oo soo booqda hoygaas ay inta badan ka soo dhex bixi jireen mugdiga, ayna xad gudub dhinaca galmada ah u geysan jireen iyada.
Gabadhaan waxay ka mid ahayd 44 gabdhood oo ay da'doodu u dhaxeyso 7 ilaa 17 jir oo ku noolaa guri 3 dabaq ah oo ku yaalla magaalada Muzaffarpur.

Xigashada Sawirka, .
Magaaladaas oo ay u badan yihiin dadka saboolka ah ayaa si weyn loogu yaqaannaa in laga helo dharka raqiiska ah, jijimaha la xardhay, iyo sidoo kale in laga soo tabiyo falal dambiyeedyada abaabulan.
Carruurtaasi waxa ay ahaayeen agoomo, ilmo ka soo cararay waalidiintood, kuwo la soo xaday iyo ciyaalka qoysaskoodu ay saboolka yihiin oo dhammaantood ka soo wada jeeda gobol ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka India, kaasoo 46% shacabka ku nool ay yihiin dad ay da'dooda ka hooseyso 17 sano jir.
Galabtii ay taariikhdu ku beegneyd 30-kii bishii Maajo, waxaa guriga hoyga u ahaa carruurtaas tagay booliska waxayna ka dalbadeen ilamaha in ay soo baxaan, ka dib waxay iyagoo aamusan ku gureen gawaarida booliska waxayna u kala kexeeyeen saddex hoy oo ku yaalla meelo kala duwan.
Qeylo dhaanta ayaa billaabatay bishii Maarso ka dib markii ay soo baxday warbixin ka kooban 100 bog oo ku saabsan xaaladda ka jirta guryaha hoyga u ah dadka la xannaaneeyo ee ku yaalla gobolka Bihar, kuwaasoo ay leedahay hay'adda ka shaqaysa arrimaha bulshada ee Tata Institute of Social Sciences (TISS), oo ah mid ka mid ah hay'adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ee ugu waaweyn dalka India.
Toddoba cilmi baare oo ka tirsan hay'adda oo uu fadhigeedu yahay magaalada Mumbai ayaa waxa ay muddo lix bilood ah baaritaanno ka sameeyeen 38 degmo, iyagoo booqday 110 hoy oo intooda badan oo ah 71 ay hoy u yihiin carruur.

Xigashada Sawirka, PRASHANT RAVI
Waxay sidoo kale booqdeen guryaha hoyga u ah dadka da'da ah, meelaha waqtiga kooban lagu hayo haweenka isku buuqsan iyo xarumaha sida ku meel gaar ah loo sii geeyo dadka.
Warbixinta ku saabsan arrintaan oo si kalsooni leh loo soo diyaariyay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay sidii su'aalo la isaga weydiin lahaa waxa ka socda guriga hoyga u ah carruurta ee ku yaalla magaalada Muzaffarpur, oo uu maamulo nin lagu magacaabo Brajesh Thakur oo milkiile ka ah wargeys maxalli ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in gabdhaha hoygaas ku jiray ay ahaayeen kuwo aan loo ogolayn in ay bannaanka u soo baxaan oo ay qaataan hawo nadiif ah marka laga reebo waqtiga ay qadada u doonanayaan hoolka loogu tala galay cuntada.
Midda ugu sii daran ayaa ah in gabdho fara badan ay horay uga cawdeen xad gudubyo dhanka galmada ah iyo qalalaase ka jiray hoygaas dhexdiisa balse aan dheg jalaq loo siinin.
Hadda booliska ayaa billaabay in ay su'aalo weydiiyaan carruurtaas. Markii ay wareysteen waxay ka ogaadeen sheekooyin argagax leh oo ku saabsan siyaabaha loola dhaqmi jiray waxaana ay taasi, sida lagu eedeynayo dadkii carruurta gacanta ku hayay ay noqdeen kuwo xannaanadii laga rabay u baddalay xad gudub heerkii ugu sarreeyay ah.

Xigashada Sawirka, AFP
Inta badan carruurta laga dhigay la heystayaasha xabsiga ku jiray waxa ay da'dooda u dhaxeysay 12 sano ilaa 16 sano.
Baareyaasha ayaa aad ula fajacay kuna jaha wareeray sida ay carruurta xaaladdooda tahay. Markii la wareysanayay waxa ay isku darayeen qosol iyo oohin xad dhaaf ah ka dibna way aamusayeen.
Afar iyo toban ka mid ah waxay u muuqdeen in uu dhimirka wax ka gaaray ama ay si aad u daran iskugu dhex yaaceen.
Guriga hoyga u ahaa waxaa taallay cunto ku filan carruurta oo idil, hase ahaatee intooda badan waxaa laga dareemayay in ay aad caato u ahaayeen.
Waxa ay la xanuunsanaayeen cudurka Qaaxada iyo cudurrada maqaarka.
Qaar badan oo ka mid waxay iska dhaawaceen jirka iyagoo isku muday qalimaantooda iyo sakiinta qalin qorka, waxaana qaarkood jirkooda ku yaallay 20-25 dhaawac.
Waxaa la sheegay in raashinka baddalkiisa la siin jiray daawooyinka lagu hurdo.
Rag bannaanka ka yimaada, oo sida isaga lagu eedeeyay intooda badan uu caawin jiray Mr Thakur, ayaa u soo xaluulan jiray qolalkooda, waxayna kufsi u geysan jireen gabdhaha, sida ay qaarkood sheegeen.
"Waan suuxi jirnay ama waxaan la dhici jirnay hurdo deg deg ah. Subaxa xigana waxaan badanaa soo kici jirnay annagoo qeyb ka mid ah jirkeenna ay qaawantahay oo xanuun dareemeyna." Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sidaas u sheegtay baareyaasha.
"Eeddooyinkeen (oo ay ula jeeddo haweenka xarunta u jooga xannaaneynta carruurta) waxaan maqli jiray xam-xamtooda iyagoo dhahaya, 'Fiiri taas way ka taqaluseene'."
Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sheegtay in mar kasta oo ay xanuunsato ay haweenka xarunta jooga u diri jireen qolka Mr Thakur oo deganaa guriga ku xiga si ay ugu soo nasato. Gabar kale oo halkaas la heyste ku ahayd ayaa sheegtay in uu ninkaas laftiisa caloosha ka haraantiyay.

Markii ay dhaqaatiirta baaritaan ku sameeyeen gabdhaha waxay ogaadeen in 34 ka mid ah gabadhaha aadka u da'da yar ee 42-ka ah "ay suurta gal tahay in loo soo galmooday."
Booliska ayaa labo isbuuc ka dib baaritaannadaas si deg deg ah u soo xiray Mr Thakur iyo sagaal ruux oo kale.
Toddobo ka mid ah dadkaas la soo eedeeyay ayaa ahaa haweenka ka shaqeynayay hoyga.
Sarkaal ka howl gala ilaalinta carruurta ayaa sidoo kale lasoo qabtay, waxaana ay booliska sheegeen in ay wali raadinayaan sarkaal kale oo madax ka ah guddiga xannaanada carruurta ee degmada, kaasoo arrintaan qariyay.
Saddex nin oo uu ku jiro Mr Thakur ayaa loo maxkamadeeyay eedeymo ku saabsan kufsi, xadgudub galmo oo ka dhan ah carruurta iyo fal dambiyeed.
Ninka eedeynta ugu weyn loo heysto oo ah Mr Thakur ayaa beeniyay dacwadahaas oo uu ku tilmaamay kuwo la siyaasadeeyay.
Brajesh Thakur oo ah milkiilaha, isla markaana maamula wargeys maalinle ah oo lagu magacaabo Hindi daily newspaper, ayaa waxaa horay howshiisa shaqo iyo xirfaddiisa saxafinimo u sharciyeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka India.










