Maxay Haiti ciidamo shisheeye u dalbatay iyadoo calooshood u shaqeystayaal ajaanib ah dileen madaxweynahooda?

Haiti ayaa ciidamo weydiisatay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka si ay u ilaaliyaan kaabayaasha muhiimka ah maadaama uu dalku la daalaa dhacayo dhibaatada dilkii Arbacadii loo geystay madaxweyne Jovenel Moise.

Aqalka Cad ayaa sheegay in uusan jirin qorshe xilligan la joogo loogu dirayo ciidamo milatari hase yeeshee Washington ay gacan ka geysan doonto baaritaanka dilka madaxweynaha.

Dhanka kale Golaha Guurtida ee Haiti ayaa Joseph Lambert oo ah afhayeenka aqalka sare u magacaabay, inuu noqdo madaxweyne kumeelgaar ah - tallaabadaas oo sii fogeyneysa xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Haiti.

Dalabka Haiti ayaa ku soo beegmayaa iyadoo ay koox ku taqasustay khaarijinta iyo shirqoollada dilka, oo u badnaa askar howlgab ka noqotay ciidamada Colombia, la sheegay inay ka dambeysay dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse.

Kooxda weerarka fulisay waxay ka koobnaayeen 26 u dhalatay Colombia iyo laba Mareykan ah - asalkooduna yahay Haiti - sida laga soo xigtay taliyaha Booliska dalkaas, Léon Charles, oo la hadlay saxaafadda.

Siddeed ka mid ah kooxdaas laga shakisan yahay ayaa weli baxsad ah, 17-ka kale oo ay ka mid yihiin labada Mareykanka ah, ayaa la qabtay oo la xiray.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey wuxuu ku qasbanaan karaa inuu ansixiyo qorshe kasta oo ciidamo caalami ah loogu dirayo Haiti kuwaas oo hoos imaanaya Qaramada Midoobay

Xaalad deg deg ah ayaa wali ka jirta dalka oo dhan mana cada cida sida rasmiga ah u maamusha xukuumada wadanka.

Kuwii sida ugu wayn looga shakisanaa waxaa lagu dilay dagaal iyaga iyo booliska ku dhexmaray magaalada caasimadda u ah Haiti ee Port-au-Prince.

Aroortii hore ee subixii Arbacada, koox dablay ah ayaa gudaha u galay guriga madaxweynaha, waxayna toogteen isaga iyo xaaskiisa.

Moïse waxaa la helay isagoo dhabarka u jiifa oo 12 xabadoodna ay ku dheceen. Isla goobta ayuu ku dhintay, sida maamulka dalkaas ay sheegeen.

Xaaskiisa ayaa si xun u dhaawacantay waxaana loo qaaday gobolka Florida si loogu soo daweeyo halkaas. Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda ay wanaagsan tahay.

Weli ma cadda cidda qorsheysay weerarka iyo ujeedadii ka dambeysay. Ra'iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah ee Haiti, Claude Joseph, wuxuu BBC-da u sheegay in ay suuragal tahay in madaxweynihii 53 sano jirka ahaa loo bartilmaameedsaday arrimo la xiriiray la dagaallankiisii "kooxaha qaska ka wada dalka".

Khamiistii, booliska waxay qaar ka mid ah dadka laga shakisan yahay u soo bandhigeen warbaahinta. Waxaa kale oo la soo bandhigay hubkii la soo qabtay, baasaboorrada dalka Colombia iyo waxyaabo kale.

"Ajaaniibtan waxay dalkeena u yimaadeen si ay u dilaan madaxweynaheena," ayuu yiri Charles.

"Waxaan sii xoojineynaa baritaankeenna iyo farsamada raadinteenna illaa aan soo qabanno 8-da kale ee calooshood u shaqeystayaasha ah," ayuu hadalka ku sii daray.

Taliyaha booliska Léon Charles ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, asaga oo sheegay in shacabka aysan sharciga ku qaadan gacantooda.

Yaa hadda masuul ka ah dalka Haiti?

Khaarijinta madaxweynaha waxay sababtay in la garan waayo qofka maamulaya Haiti.

Dastuurka dalkaas wuxuu sheegayaa in Qaadiga maxkamadda Sare uu qabanayo xilka, balse dhowaan ayuu u dhintay xanuunka COVID-19.

Arrintaa ka dib, isbedel la sameeyay waxaa lagu sheegay in Ra'iisul Wasaaraha uu hoggaaminayo. Muddadii afarta sano ahayd ee Moïse uu xilka hayay, wuxuu soo magacaabay lix ra'iisul wasaare.

Isniintii, maalin ka hor intii laa la dilin ayuu magacaabay Ra'iisul Wasaarihii Toddobaad oo ah Ariel Henry.

Mr Henry weli looma dhaarinin xilka, balse wuxuu ku adkeystay in uu isaga yahay masuulka dalka hoggaaminaya.

Mr Joseph, oo ah Ra'iisul Wasaaraha Kumeelgaarka ah, wuxuu BBC u sheegay in uu "la yaabay" hadalka ka soo yeeray Mr Henry.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in Mr Joseph uu xilka siihayo illaa doorasho laga qabanayo, dhammaadka sannadkan.

Wuxuu sheegay in uusan u tartami doonin xilka madaxweynaha, haddana uusan qabaneynin xilkii madaxweynenimo.

"Halkan uma joogo in aan muddo ku sii sugnaado. Waxaan u baahannahay in aan doorasho qabano. Ma lihi qorshe shaqsiyadeed," ayuu yiri.

Sidee weerarka lagu ogaaday?

Khaarijiyeyaal aad u hubeysnaa ayaa weeraray guriga madaxweynaha oo ku yaalla buuraha ka sarreeya magaalada Port-au-Prince, subixii Arbacada.

Muuqaal la bahiyay waxa ka muuqdo rag aad u hubeysan oo dhar madow wada xiran oo iska dhigayay Laanta Mareykanka ee la dagaallanka daroogada.

"Waa howlgalka DEA [Laanta La dagaallanka daroogada ee Mareykanka], qofkasta dhulka seexo!" ayey dheheen.

Xafiiska madaxweynaha iyo qolkiisa jiifka ayey si degdeg ah u galeen qaarkood.

Seddaxda canug ee ay dhaleen labadii xaas ee hore, Jomarlie, Jovenel Jr iyo Joverlein, ayaa la sheegay in "meel amni ah lagu hayay", sida saraakiisha laga soo xigtay.

Xitaa ka hor intii aan la dilin madaxweyne Moïse, xaaladda Haiti ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd mid aan degganeyn, waxaana jiray isu soo baxyo lagu dalbanayay in uu is casilo.

Doorashadii baarlamaanka oo ahayd in la qabto bishii October ee 2019 ayaa dib u dhacay ka dib khilaafyo. Taas micneheedu wuxuu yahay in Mr Moïse uu xilka hayay isagoo wakhtigiisii uu dhammaaday.